BALIGUBADLE MEDIA
Jawaabtii Sebiga Iyo Siyaasiinta Somaliland!Q:2
January 4, 2017 - Written by editor

Abihii: oo yaaban baa ugu jawaabey waan waan garaney in reer kulmiye gurigeyaga iigu soo gelayaan,oo igu qabsanayaan Sabiyadooduna gurigeyga waa Kaayagii buu leeyahay K daba waan neceb ahay oo Kulmiye ayaa ka bilaabma.

Iga oo sheekadii halkaa mareyso ayaa waxaa albaabkii guriga  la soo garacay, markii uu sanqadhii garaaca maqley ayuu yara aamusay cabaarka

dib markii uu fikirayey ayuu Inankii(Sebigii) yaraa ku yidhi Adeer xagaa adaa iga xigee Albabka fur, Inankii Albabkii buu furey ,mise waxa ku soo garaacayey laba nin  oo saaxiibadii Abaha ah oo la kala yidhaahdo Kayd iyo Ugaas, oo ay saaxiibo isku dheer yihiin oo isku mafrashna yihiin balse Kaydna Kulmiye taagero Ugaaskuna Ucid tageero.

Waa laysku soo booday salaam qalbiga ka soo goday,intii odayadii kaftamayeen ayuu Inankii(sebigii) yaraa ka dhex siibtey oo uu waysayso qaatay si uu iga gaadho Jameecada Salaada Jimcaha oo uu u soo tukado Salaadii Jimcaha.Masaajidkuna kama dheera oo 300 oo talbo kama foga,Waxaa uu ka kulmay Eedaankii dambe ee Salaada,Masjiudkuna waa uu camirnaa oo waxaa lakala la aa meel lakala joogsado Masha Allah maxaa nicmo iyo kheyr loo soo diyaar garoobey.Balse saddexdii nin markey is heleen waxay bilaabeen kaftankoodii dhinaca siyaasada oo meel xaas xaasi ah maraya beryahan dambe,waayo waxaa loo sii hub urursanayaa doorashada soo socota ee madaxtinimada Somaliland.

Abihii: ayaa soo dhaweyn ka dib saxiibadii u soo gelbiyey qolkii fadhiga ee guriga waxaana uu yidhi soo fadhista oo sii yara sheekeysta waxaa aan inoogu soo tuurayaa shah e mise Cofee ayaa inooga soo dhigaa?

Ugaas: ayaa hadalkii qaatay oo waxa  uu yidhi Qaadiroy(Abihii) tee shaahii ina adeertey gaadhi meyside kolna e bal coffee ga noo gu soo tuur.Qaadiro waa Abaha ininka yare ee Warsame ee aynu ka loo waraney.

Kayd: oo goorahanba isku dhageysanayey labada oday ayaa hadal halkaas ka soo tuurey oo waxaa uu yidhi: “ Qaadiro haddii aad tidhaahdo Cofee inoogu soo tuur waaba uu dagaala mayaaye meesha haynagu laynin nin yahow ee shaaha uun inoogu daa waayo wuxuu odhanayaa Kofeygu (Coffee) Marna waa Kulmiye oo K buu ka bilaabmaa marka Af somali loo qorayo”

Qaadiro: Ayaa hadalkii qaatay oo waxaa uu yidhi “ Waar horta saddex nin oo saaxiiba baynu nahay balse afkaarta isgaga mid baynu nahay balse dookha ayeynu ku kala duwan nahay”

Ugaas: Dookha iyo Afkaartu maxay kala yihiin saxiib? Maalinba sheeko cusub ayaad la soo shirtagtaaye, soonaga is og maaha.

Kayd: oo goorahanba afku cuncunayey ayaa yidhi Waar yaa ugaas waxaa aan u haystey inaad tahay nin meel dheer wax ka arka ee soo digan dib u noqday.

Ugaas: Ina adeer dib u maan noqone saaxiibkeen qaadiro ayaa mar mar dastuurkii Wadani damca inuu qoorta inoo sudho oo aynu wadani ku soo biirno, markaa ifahanoo wuu inoo soo gurguranayaa iley inaguma cadeyn karo oo kulmiye waa dawladii oo laga marmayee.

Qaadiro: oo hadaa ma wadani baan dowlada ahayn iley dawladu waa saddex hayadoode oo kala madax banaane soonakan sharciga idiin dejinayna, ee wakiilada ugu sareyna,markaa waxba ha ka meermeerine waxaynu nahay isku mabda balse dookha ayuun baanu ku kala duwan nahay.

Kayd: Haaa Haaa….Haaa…..Waar yaadhahan Ninkan Qaadiro lagama lug baxay bal waa kaas ee wax ka dheh Ugaasoow…..

Ugaas: Waxaa aan kaa idhi Wadani kursiga wakiilada ma laha ee waa ku Amaano oo waxaa iska leh UCID ina Samweyne na u geeyoo gari Allah ayey taqaan.

Qaadiro: Ugaasku mar mar buu riyoodaa oo waa marka uu is yeelyeelayo markaa maanta waa maahmihiisii is yeel yeelka oo waxba laga qori mayo ee sidaa ula soco saaxiib.Tan kale malaha wuxuu maqley Mudane Cabdiraxmaan wuu baneyey masabkii Gudoomiyaha Wadani markaa waxaa uu saaxiibkeen u qaatey inuu kursigii Wakiiladana ku darey taasi waa laba kala sheeko ee saaxiib la soco siyaasada Somalilandta iyo siyaasiinteeda aynu ka mid nahay ee …….

Lasoco qaybaha Dambe ee sheekhadan mala awaalka ah

(Strong people don’t put others down. They lift them up!.)

Waad Mahadsantihiin, Allah(swt) Mahad dhamaanteed leh

M J Farah. Political analyst and writer, BA, BEng (Hon), AVCE, Cert. C. Journalism

COMMENTS