BALIGUBADLE MEDIA
Hadaladii hanafta lahaa ee uu muuse biixi yidhi
January 8, 2017 - Written by editor

 Anoo wax dili kara duco qaadan maayee dabci qoriga ( wuxu hadalkan yidhi isaga oo ah masuul xil qaran haya xiligii dalka uu ka dhacay dagaalka sokeeye)  Hargeysi hal madaar ayey leedahay hal biyo ileedna wey yeelaneysaa ( hadalkan wuxu yidhi xili ay wasiirka wasaarada maaliyadu(marwo samsam cabdi aden) beesheeda si caadifaysan ugu lahayd samaysta madaar iyada oo ka cadhootey tageerayaal badan oo ay rabtey in galaan gudaha madaar isla markaana maamulka madaarka ee xilkagaas uu ahaa wasiir madaxtooyada maxamuud haashi cabdi uu u sameeyey madaarka protocol ) gudoomiye muuse biixina uu sii xoojiyey oo wuxu shardi kaga dhigay hadii biyihii xunbo weyne laga keenayey ee la qorsheynayey in xaafadaha aan biyaha helin loo geliyo uu ay hargeysuna yeelan doonto madaar kale cajiib waxa wax laga yaabo ah in masuuliyiin xilal qaran hayaa ay sidaas u hadlaan aniga ahaan waxaan u turjuntey laba xaladood mid uun in masuuliyiintaasi yihiin masuuliyiin beeleed oo kaliya xilka iyo waxqabadkaba u hayaan beeshooda iyo waa ta labaade su,aal maxaad ka filaneysaa gudoomiye muuse biixi hadii u sidaas u hadlayo imika hadhow marka uu madaxweyne noqdo in uu sameyn doono  Waxa aan filayaa in walaaladey ay tolnimo iigu daayeen ( hadalkan wuxu yidhi xili gii loo tartamayey musharaxnimada xisbiga kulmiye sanadii 2015kii iyaga oo ay shirkii ka soo xaadiri waayeen musharaxiintii garabka dumuqraadi doonka xisbiga kulmiye ) hadalkaas oo uu u jeeday in mudane cabdicasiss maxamed samaale iyo maxamed biixi yoonis ay tolnimo ugu daayeen musharax nimada xisbiga kulmiye tallow meeyey musharaxii kale ee xildhibaan maxamed axmed kijaandhe ( isagu tallow muxuu ug daayey)  Reer berbera waa tuug oo dadka ayey kabaha ka xadaan ( hadalkan wuxu u ka jeediyey 2016ka xili uu xaflad ay arday qalin jabinayeen uu ka hadlayey) mey ahayn dhalin yaro maalin farxadeed u jooga inuu sidaas u ceebeeyo ta kale miyuu ilaawey iney soo marti qaadeen ( muuse biixi ma marti xume ayuu doortey)  Waxaan jeeday cadowga Somaliland ( hadalkan wuxu yidhi mar la weydiiyey suaal ah yaad u jeed markaad lahayd anoo wax dili kara duco qaadan maaye dabci qoriga. xili la weydiineyey suaalo goob huteel ah) suaal ma waxa cadow somalialnd u ah garxajis xiligaas hadal wuu yidhi waxa socdey dagaalkii sokeeye somaaliyana dee dagaalba inamababuu dhaxaynin se weli ma waxa uu u aaminsan yahay in bulshada walaalaha ah ee dirirtu dhex martey sanadkii 1994 kii ay weli sidii isagu cadow yihiin waa xaqiiq iney muuse aragtidii tahay

isha ku hay baligubedlemedia

COMMENTS