BALIGUBADLE MEDIA
Fara-madhan adoo madhan wata abwan af-gudhiye guriga ku gaadh dadkana u dawar diir-nax maahee digashiyo Olole weeyaan ina caliyow. Dr.khadar-Libaaxley.
January 8, 2017 - Written by editor

Qof weyn oo miisaan isbidaaya marka aad tahey oo aad cindiga ku xidho

hor eebe iyo habeen aakhiro booqashada dadka jilicsan, gaar ahaan qof

umada macag ku dhex leh sida booqashadii ( abwaan af-gudhiye) ee musharax

maxamed cali cabdi iyo c/rashid xasan mataan guriga abwaanka ay ku

yimaadeen ( seegtay e’ waxay aheyd in aaney faramadhnaan ugu tagin

abwaankaa rabi imtixaamey); dumarkaaba marka ay qof booqanayaan xataa

sharaab baa u yar e’ aan fara madhnaan iskawaran cida ay booqanayaan ku

odhanin.

Waa wax lala yaabo ninka intuu warbaahinta ka xaystay gurigii abwaanka

waxba la’aan sidii ergo xer ah oo qof buka intay soo booqdeen deedna

yidhi ( kal kacayl iyo hor alle ayaanu kuugu nimi waxa aanu kuu

rajaynaynaa in rabi ku caafiyo , dadweynahana waxaanu u sheegaynaa in dal

iyo dibad ba la soo caawiyo miskiinka); hada iyagu waxba kuma tarayaan ,

waxna hoos ugu may laabin. ( waxaaba suuragal ah in ay rajaynayaan in

iyaga inta la fadhiisiyo waliba shaah in loo shubo ay ka quudareynayaan

guriga ninkaa rabi imtixaamay ).

Wey-dhaweyd maalintii musharax maxamed cali cabdi uu ( xaafada ina

mooge ee hargaisa ) qoys dan yar ah uu ku wareejinaayey lacag dhan $4000;

miyuu kari waayey hadii ay dhab ka tahey ( boqashadiisa iyo yaboohiskiisu in

uu yidhaa walaalayaal waxa aanu xisbi ahaan ugu deeqnay abwaanka

…………intaa iyo intaa………… idinkana dadka dal-joogta ah iyo dibad joogta ah

ka rajaynaynaa in aad soo taakulaysaan abwaankeena).

Gabagabo:

Qoyska uu lacagta siinaayey waxa ay aheyd ( mataanka bari isaguna waxa

uu ahaa mataanka galbeed; abwaan af-gudhiye se labada mataan mid-na

uu noqon waayey; nimaan ku kalsooneyn in uu asal ahaan ka soo jeedo

biyaha sheekh samaroon oo isleh garxajis baad tahey ma’aha in uu

hungureeyo xil-sare iyo mid hoose toona in uu u qabto ama kaba quud

dareeyo beelaha galbeedka somaliland ).

Booqashada weftigii musharax maxamed cali ee abwaan af-gudhiye daryeel

,diir-nax may aheyn e’ digasho ayey aheyd , Ollole ka dayid iyo waa la

yeelaaye yeel.

Dr.khadar-Libaaxley

Gargorey4@gmail.com

dr.khadar05@gmail.com

isha ku hay baligubedlemedia

COMMENTS