BALIGUBADLE MEDIA
Eng. Maxamed Xaashi Muu Garan Kaalinta Ay Cuqaashu Ugu Jirto Somaliland W/Q:-Caaqil Xasan Axmed Qaalib
January 9, 2017 - Written by editor

Cuqaashu waxay  kaalin lafdhabar ah kaga jiraan, hab-sami u socodka Geediga Nabadda Dalkan Jamhuuriyada Soomaaliland, waxaanay  bud-dhige u ahaayeen, shirarkii Aayo ka tashiga Beelaha Soomaaliland , wakhtiyadii ay Soomaaliland dib ula soo noqotay xornimadeeda. Cuqaashu marka laga yimaado dibu dhiska waddanka ee ay ka soo qayb qaateen, waxay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan ilaalinta Nabad-galyada waddanka, lacag aanu ku shaqayno oo aanu Xukumada ka qaadanaana ma jirto, haddii laga tagiwaayo, 280 000 S/shilin oo ay wasaarada Arimaha Guduhu Gunno ku sheegtay ayaanu  qaadanaa.

Haddaba iyada oo ay sidaa tahay, waxa jirta arin aanu Cuqaal ahaan qaadan kari waynay, gafna ku ah sharafta iyo karaamada Cuqaasha
caaqil xasan axmed qaalin
iyo Xuquuqda muwaadinnimo ee uu damaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliland, taas oo ah, in Maxamed Xaashi Cilmi, uu naga saaray Bayroolka shaqaalaha Dawlada wakhtigii uu ahaa wasiirka W/Maaliyada. Sidoo kale En Maxamed Xaashi  wuxuu noo quudhay hadal aan Cuqaashu isaga u quudheen, kaas oo ah, “Musharka Cuqaasha waxa fiican in laga jaro oo loogu daro Askarta iyo Macalimiinta” isagoo u jeeda halaga jaro waxan yare e gunno-ku sheega ah ee ay hadda qaataan.

“Cuqubaba halkii lagu galay, Caw ku hurudaaye

Carruurtay ka laysaa, ninkii caano baas dhama”.

Gafkaa uu nagu sameeyey En Maxamed Xaashi oo ah shaqsi muxtarim ah, isla markaana aanaan aaminsanayn Cuqaal ahaan inuu arinkaa noogu sameeyey dano isaga u gaar ah, laakiin ay aqoon ahaan isaga isaga sidaa ula muuqatay, waxa noo raaca in labadii goor ee shaqaalaha Dawlada loo kordhiyey Mushaharka, marna 20% imikanna 10%ka nalaga reebay ilayn bayroolkiiba kuma jiree. Arintani way naga cadhaysiisay haddaanu  Cuqaasha nahay, waxaanay sababtay, inaanu shir aanu kaga tashanayno aayaha cuqaasha ku qabano Dixda Hargaysa. Ugu dambayn waxanu waxanu leenahay, dalka anagaa cid walba uga lexojeclo badan, abaalkii aanu ku lahayna ka maanaan helin.

W/Q:-Caaqil Xasan Axmed Qaalib

Hargeisa,Somaliland

COMMENTS