BALIGUBADLE MEDIA
Dhalinyaradu waa mustaqbalka iyo aayaha ay leedahay umadi , wana laf dhabarta iyo aayatiinka ay bulshadasi leyihiiin.
January 10, 2017 - Written by editor

Mujtamac walbana wuxu qiimihisu ku xidhan yahay dhalin yaradiisa  hadii aanay si fiican uga fa’idayasan xooga , caqliga , iyo tamarta ku jirta dhalinyara dedaas  waa ummad khasaartay wxaana u danbeeya baa’ba iyo dabar go’ .

 

Inata  badana waxa aynu tariikhda ku maqlanaa umado lahaa tariikho iyo awoodo waa weyn marki danabana baaba’ay sida xadaradihii : giriiga  , romanka , faracinti IWM ,waxay ahaayen xadardo ka faidaysan waayey khayraadka dhalin yaradeda.

 

Wakhtiga uu ninka dhalinayarada ahi ku jiro marxalada dhalinyaranimo ,waa xiliga ay ku jirto tamar iyo awood aad ubadan uu hayana firfirconi iyo xamasada aad  ubadan  , waxa walbana in uu huro ay fududahay  markaa hadii si fican loo tawjiihiyo dhalinyarada waxan hubaa in aynu gadhi karno guulo aad ubalaadhan .

 

Sidoo kale diinteenu qimo dherada ayey siisay dhalinyarada tasana waxa aynu kaqadanaynaa quranka iyo sunada (nnkh) .  Allah swc waa ka qurankisa karimka ah ku leh (  waa dhalinyaro rumeeyey Rabigooda , waxaan u kordhiney Hannuun ) .

Nebigeena (saw) wuxuu  dhalinyarada ku baraarujiyey in Qofkii awooda uu  guursadao .

waxa uu ku yidhi  Cabdulaahi  bin Cabaas ( xifdi oo ilaali   Allaah , asaguna Ha ku   ilaaliyee) .

wuxuu u sheegey   Mucaad ibnu Jabal inuu jecelyahay , wuxuu u sheegey C/laahi ibnu Cumar inuu yahay  qof fiican  haduu salaatu laylka tukan lahaa  , wuxuu  amrey Zayd bin  Thaabit inuu  barto luqada Siryaaniyiinta , Dhalinyaradii uu   la socday Maalik bin Huweyrith   markey  labaatan   maalmood Nebiga  (saw) la joogeen  oo  uu siiyey koorso deg deg ah , dareemeyna iney  reerkoodi u  xiiseen , wuxuu  amrey  iney noqdaan dadkoodana ay baraan  waxay  faa’ideysteen .

 

Guntii iyo gabagabadii dhalinyarad waxa laga rabaa inay guntiga dhisha isaga dhigaan inay dalkooda iyo dadkoda kuwo anafac ay noqdaan , waxaynu  rabnaa dhalinyaro ka fayow cudurka qabiilka iyo qabyaalada , waxaynu rabana dhalinyaro la dagalnata qadaka iyo qabyalada .

 

Hadafkena iyo ujeedadenu ha ahaaato dalkan in ayanu horumarkisa ka shaqyno dalna isma bedelo hadayna dhalinyaradisu is bedelin , yoolkena iyo hadafkenu waa dalkaan oo hore usocday oo meqamaka uu hada tagan yahay mid ka gedisan aynu uyeelnay  .

Wabilaahi tawfiiq

Email abdirahamncarab44@gmail.com

baligubedle masuul kama aha aragtida dadweynaha

COMMENTS