BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Waddani oo Kulan Xasaasiya Ka Yeeshay Weeraradda Qaawan ee Kulmiye iyo Qodobadda Ka Soo Baxay Kulankaas.
December 25, 2016 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Kulan Xasaasi ah oo ay axadii maanta iskugu yimaadeen madaxda iyo saraakiisha sarsare ee xisbiga waddani ayaa lagu naaqishay lagagana dooday arrimo ugub ku ah dalka oo ay la soo baxeen xisbul xaakimka kulmiye

cirro2kulankan oo uu gudoominayay musharaxa madaxwyanaha xisbiga waddani mudane cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro islamarkaana ay ku sugnaayeen musharaxa madaxwayne ku xigeenka waddani mudane maxamed cali cabdi hogaamiyaha xisbiga waddani mudane xirsi cali xaaji xasan iyo masuuliyiinta kale ee xisbiga ayaa naaqishaad dheer kadib waxa xisbigu isla gartay in si degdega looga jawaabo dhacdooyinka foosha xun ee uu la soo baxay xisbiga kulmiye kuwaas oo liddi ku ah qaranka somaliland.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhanyihiin islamarkaana warbaahintu dibadda ka ahayd ayaa sida Baligubadlemedia ilowareedyo ku heshay waxa xooga lagu saaray islamarkaana lagaga dooday weerarada xasilooni darro ee kulmiye ka bilaabay caasimadda hargeysa.

sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaaday inaan xisbi ahaan waddani u dulqaadan doonin dhacdooyinka noocan ah islamarkaana uu jawaabta kasta oo u dhiganta ka bixin doono.

 

sidoo kale kulanka waxa lagu soo qaaday in madaxwaynaha loo gudbiyo arintan maadaama oo uu masuul ka yahay guud ahaan amaanka qaranka.

si kastaba ha ahaatee xisbiga kulmiye ayaa la soo baxay dhacdooyin fool xun kuwaasoo iskugu jira cadiifado amaanka wax lagu yeelaayo iyo falal qabyaaladaysan oo lagu badhtilmaameedsanayo masuuliyiinta xisbiga waddani arintaas oo sumcad dil ku ah gabi ahaanba qaranka somaliland

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS