BALIGUBADLE MEDIA
Loolanka Jagadda Gudoomiyaha Kulmiye oo Markale Ka Dhex Curtay Xisbiga Kulmiye, Cali Mareexaan oo Soo Dhigay Shirqool SIyaasadeed oo Lagu Khaarajinayo Maxamuud Xaashi Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
December 27, 2016 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cali Xassan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa siday warar xogogaal ahi u xaqiijiyeen Shabakadda Baligubadlemedia wuxuu ku guulaystay qorshe Cusub oo daaqada lagaga saarayo  Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Oo mudooyinkii ugu danbeeyay quudaraynaayay jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, iyadoo Maxamuud Xaashi muddaba cadaadis ku saaray  Murashaxa Madaxwaynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi inuu ku wareejiyo Guddoomiyinimada Xisbiga.

mxaashiWasiir Maxamuud Xaashi ayaa in badan soo bandhigay siyaasad uu Guul ka gaadhay oo uu laba ugu kala qaybinaayo Beesha Barriga Burco isagoo ku doodayay in Beesha Muuse Abokor xaq u leedahay hanashada jagada Guddoomiyaha Xisbiga  ee uu 6 sanno ka hor ka degey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  oo ka soo jeeda ardaaga Maxamed Abokor.

Qorshahaas uu watay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  ayaa laf dhuun gashay wuxuu  ku noqotay hankii Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ay in badan nolosha saaxiib ku ahaayeen Guddoomiyaha KULMIYE,  hase yeeshee Guddoomiye Biixi iyo Ku-xigeenkiissa koobaad Maxamed Kaahin waxay ay si isku mida u wajahayay siyaasadda Maxamuud Xaashi iyagoo u niyad dhisi jiray si aanu KULMIYE  khilaaf culusi markale dhexdiisa u soo kala dhex gelin, waxaase soo baxday todobaadkan qorshaha cusub ee ay Kaadiriinta Xisbul Xaakimku u dejiyeen Wasiir Maxamuud Xaashi maadaama oo ololihiisa ugu weyni ku dhisnaa Ardaaga Muuse Abokor oo uu sheego inuu gacanta ku haysto. 12 bishii Tobnaad ee sannadkan aynu ku jirno ayaa  kulan ka dhacay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa oo ku dhex maray Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Wasiirkii hore ee arrimaha debadda ee Xukuumadii UDUB Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Ina-dhoolayare) kulankaas oo aan  xog badan laga helin ayaa Ifafaalihii ka soo baxay muujiyeen inuu is afgarad ku dhammaaday, iyadoo Wasiir Cali Mareexaan oo ay siyaasadda ku kala durugsan yihiin Wasiirka Madaxtooyada uu qorshe cusub ula tagay Cabdillaahi Dhoolayare.
Waxaa iyaguna jiray saddex kulan oo ay si wada jira u yeesheen Guddoomiyaha KULMIYE muuse Biixi, Wasiir Cali Mareexaan iyo Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale taas oo lagaga arinsnayay sidii loo wada jaan qaadi lahaa, wada hadalo badan oo socday kadib waxaa horaantii Bishan aynu kujirno kulan ka dhacay guriga Muuse Biixi la sheegay inuu is af-garasho ku dhamamaday kulankan oo Gaar u ahaa Muuse Biixi iyo Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale maadaama uu dalka India ku maqanyahay Wasiirkii hawlaha guud ee qorshahan dejiyay, waxaa la isku af gartay in siyaasada dhinac laga wada wajaho.
Warar aad u xogogaal ah oo ku dhaw dhaw Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa xaqiijiyay in la isla af-gartay sidii uu Cabdilaahi Dhoolayare  uga shaqayn lahaa midnimada Beesha Habarjeclo isaguna uu gacanta ugu haynh lahaa Hoggaanka dhaqanka ee Beesha Muuse Abokor iyadoo Guddoomiye Muuse Biixina ballanqaaday inuu bixinayo  wixii kharash ah ee ku saabsan  hawlaha Cabdillaahi Maxamed ducaale.
Qodobada Labada dhinac isla garteen kuna heshiiyeen oo ay heshay Shabakadda Baligubadlemedia ayaa kala ah:-
1- In Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ka midaysnaado ka shaqaynta sidii mar kale Cabdillaahi Maxamed Ducaale u hanan lahaa taageerada Beesha Muuse Abokor maadaama uu kalsooni badan ka haysto Madaxdhaqameedka Beesha.
2- In Xisbiga KULMIYE uu u daba Fadhiisto siyaasad kasta oo  beesha Muuse Abokor lagu wajahayo dhinaca Cabdillaahi  Dhoolayare.
3- In wada sahqayn dhaw ay yeeshaan Afahyeenka Xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Gafaadhi iyo iyo  Cabdillaahi Dhoolayare.
4- In Xisbiga KULMIYE dhexdiisa Cabdilaahi Maxamed Ducaale uga tartamo jagada Guddomiyenimo ee Xisbiga iyadoo Xasan Gaafadhina ay ku heshiin doonaan.
Dhinaca kale Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa balan qaaday in uu midayn doono mabda’a siyaasadeed ee Habarjeclo,wuxuuna ku naalooday in Salaadiinta iyo cuqaasha Ardaaga Muuse Abokor uu ka keensan doono saxeex meel looga soo wada jeedsanayo cid kasta oo isku dayda inay beesha Habarjeclo  la qaybiyo.
Sidoo kale Xogaha culus ee arrintan ku saabsan ee BALIGUBADLEMEDIA heshay ayaa intaasi ku daraaya inuu Murashaxa Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ka codsaday Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo markii wadahadalku socdeen soo jeediyay in aanu wakhti xaadirkan  marnaba doonaynin Wasiir inuu noqdo iyadoo  Muuse Biixi ka codasaday haddii uu jagadiisa baneeyo Maxamuud Xaashi oo ku qanci waayo heshiiskan inuu isagu qabto jagada Wasiirka ee degaankaas oo hadda Wasiirka Madaxtooyadu ku fadhiyo. Waxayna xogauhu cadaynayaan in ugu danbayntii uu aqbalay Cabdillaahi Dhoolayare qorshahaasi balse ku xidhay shuruud ah haddii taasi dhacdo oo Maxamuud Xaashi ka baxo xayndaabka Xisbiga, in isaga iyo Muj: Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafadhi ay isla meel dhigaan qorshaha heshiiska si aan khilaaf kale halkaasna uga curan islamarkaana u sahlanadaan inay arrimuhu degdeg ku dhamaadaan soo jeedintas oo iyana laga ballamay.
Gebo gebadii, wararkii ugu danbeeyay ee laalanka iyo qorshahan cusub ee jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku arooraysa curinteedana uu laha Wasiirka Hawlaha Guud ayuu ka helay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, taas oo keentay inuu abaabulo safar ka uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE hadda ku joogo magaalada Burco, iyadoo uu safarkaas sidoo kale la soo kaxaystay odayaasha beesha Subeer Awal ee tageera Muuse Biixi, sidoo kale  safarka waxa isna ku lammaan safiirka dalka Imaraadka Baashe Cawil oo siweyn u tageersan Wasiir Maxamuud Xaashi in loo dhiibo Guddoomiyaha Xisbiga, dhammaan dhinacyadas ayaa qorsheeyay in go’aan rasmiya laga soo gaadho arrinta jagada Guddoomiyaha Xisbiga.  Waxaana  daah looga dhigay safarkan garnaqsiga ah ee Wasiir Maxamuud Xaashi iyo Baashe Cawil abaabuleen, inay Xisbiga KULMIYE ku soo biirayaan tageerayaal ka soo jeeda degaanka War-cimraan, sidoo kale lacag 40,000$ dollar ah oo lagu magacaabay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE inuu abaaraha Togdheer ku taakulaynaayo waxa sii diyaariyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.
si kastaba ha ahaatee waxaa isa soo taraysa xogaha laga helayo is riix riixa iyo loolanka huursan ee Xisbiga KULMIYE iyadoo maalmaha soo socda khilaafkani meel xun gaadhi doono

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS