BALIGUBADLE MEDIA
Xoogaga Isbahaysiga Dimuqraadi Doonka Kulmiye Maxay Ku Soo Kordhin Doonaan Xisbiga Waddani “Faallo” Axmed Aadan Rooble”
October 6, 2016 - Written by editor

tan iyo intii bishii november ee sanadkii hore la isku maandhaafay shirwaynihii afduubnaa ee xisbiga kulmiye islamarkaana sababay in halbawlayaashii xukuumadda siilaanyo iskaga huleelaan xukuumaddii ay ka tirsanaayeen waxa isa soo tarayay warar bulshaddu saadaalinaysay oo ku saabsanaa halka uu ku dambayn doono masiirka xoogaga isbahaysiga dimuqraadi doonka kulmiye oo runtii ah xubno saamayn wayn ku leh somaliland iyo caalamkaba

axmed aadan rooble998hadaba inkastoo wada xaajoodku xisbiga waddani iyo isbahaysigu qaatay muddo dheer oo ku dhaw 10 bilood balse maalimtii shalay ayuu af meermay wadaxaajoodkaas u socday labadda dhinac ee wakhtiga dheer soo jiitamayay

inkastoo aan si rasmiya loo faahfaahin qodobadda heshiiska ay kala saxeexdeen labadda dhinac hadana sida macluumaadka aanu helaynaa sheegayaan waxa qodobadaas ku jira qodobo waawayn oo muujinaya mansabyo muhiim ah oo isbahaysigu ka heleen xisbigaas kuwaas oo uu kamid yahay hogaamiyaha xisbiga oo ay iyagu qaateen inkastoo hogaamiyaha iyo gudoomiyaha xisbiga lakala qaaday hadana iyada faalaynteeda dib ayaynu u dhigan doonaaye waxaynu doonaynaa inaynu faaladeena kaga hadalno nuxurka cinwaanka faaladu muujinayso ee ah maxay  xubnaha isbahaysiga dimuqraadi doonka kulmiye ku soo kordhin doonaan xisbiiga ay la midoobeen ee waddani

horta aynu ku horayno liiska shakhsiyaaska ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadi doonka kulmiye

Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirkii Hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif
Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaaradda Ganacsiga Bashiir cabdi xariir
Agaasimihii hore ee wasaaradda warshadaha Mawliid Waris
Wasiir Ku XIgeenkii hore ee Caadimaadka Nimco Xuseen Qawdhan
Wasiirkii hore ee biyaha
Gudoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga kulmiye xildhibaan waabeeye
Gudoomiye ku xigeenkii 3-aad ee kulmiye Talyanle
Wasiir Ku Xigeenkii hore ee wasaaradda hawlaha guud cali Cabdi Saa’iq

inkastoy xusid mudantahay in masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu wali kamid yihiin isbahaysiga kulmiye hadana waxaynu sii wadan doonaa faaladee, isbahaysigu waa siyaasiyiin iyo masuuliyiin aanay bulshadda ku cusbayn wajiyadoodu balse waxa hubaala inay yihiin sidaynu hore u soo sheegnay siyaasiyiin somaliland iyo caalamkaba ku leh saamayn aad u balaadhan

ku biiristooda waddani waxay wax wayn ka badalaysaa dhamaan jawigii iyo nidaamkii siyaasadeed ee xisbiga iyadoo xisbigan hore loogu xaman jiray mid beeleed hadana inkastoo mudooyinkii u dambeeyay xisbigu ka soo kabanayay eedaymaha beelaysan waxay talaabadani noqonaysaa tii ugu waynayd ee xisbigu hore u qaado

waxaanu gudoomiye cirro oo inbadan ka warwareegayay dhismaha xisbigu markii u horaysay xisbiga u horseeday dhabihii uu ku gaadhi lahaa kursiga ugu sareeya dalka

hadii loo eego dhanka taageeradda marka loo eego xisbul xaakimka oo isaga uu gacantiisa ku bireeyay madaxwayne siilaanyo kadib markii laga weeciyay hanaankii xorta iyo cadaaladda cid gaar ahna loo weeciyay waxay taasi keentay in gabi ahaanba taageerayaashii uu ku soo caano maalay xisbigaasi iskaga huleelaan una diga rogtaan xisbiga waddani oo ifafaalo mustaqbal oo soo ifaya yeesha

‘waxaana jirta qodobo door ah oo aynu mid mid u taxi doono kuwaasoo isbahaysigu guul horleh ugu horseedi karo xisbiga waddani

La Soco Qaybta Labaad

Axmed Aadan Rooble
Baligubadlemedia.com
Hargeysa/Somaliland
axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS