BALIGUBADLE MEDIA
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Mar Kale Shax Cusub La Soo Galay Saaxadda Siyaasadda Iyo Hungadda Muuse Biixi
October 6, 2016 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Xirsi Cali Xaaji Xasan Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Xisbiga waddani horena u ahaa wasiirkii madaxtooyadda xukuumadda siilaanyo xirsi cali xaaji xasan ayaa mar kale hanaan iyo shax ku cusub saaxadda axsaabta iyo siyaasadda somaliland la soo galay saaxadda

WASIIRKII HOREE MADXATOOYADA XIRSIinkastoo aan si rasmi ah loo shaacin heshiiska dhex maray isbahaysiga kulmiye iyo xisbiga waddani hadana waxa ilowareedyadda na soo gaadhayaa sheegayaan in qodob kamida qodobadda heshiiska ku jiraa qeexayo in xirsi cali ahaanayo hogaamiyaha ruuxiga ah ee xisbiga waddani

si kastooy ahaataba xirsi iyo kooxda uu wataa waxa ay markale dardar cusub ku soo kordhin doonaan xisbiga waddani oo mudooyinkii u dambeeyay iska ahaa magac u yaal

dhanka kale waxa ay ilowareedyadda aanu helnay sheegayaan in xildhibaan cabdiqaadir jirde isna laga dhigay gudoomiyaha xisbiga walaw aan la garanayn macnaha booskani yeelan doono

waxa kale ee arrimaha ku soo kordhay xisbiga waddani dhabar jabkii ugu waynaa ku yihiin hogaamiyaha xisbiga laga guuray ee kulmiye kaas oo aan la malayn karin mustaqbalkiisa dambe

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS