BALIGUBADLE MEDIA
Proff: Samatar oo Ku Taliyay In La Yereeyo Tiradda Jaamacaha Somaliland, Tayona Loo Eego.
September 18, 2015 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Aqoonyahano reer Somaliland oo ku nool Dalka Maraykanka ayaa talooyin dhaxalgal ah ka dhiibtey soo Ururinta Jaamacadaha Dalka ee sii kordhaya kuwaasi ay ku tilmaameen kuwo aan ku iman baahi Waxbarasho ee ku yimid Nidaam Ganacsi oo lacag lagu raadinayo.  Prof Ahmed Ismail Samatar oo Culuunta Dhaqaalaha iyo Siyaasada Kadhiga Jaamacadda Macalester ee Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka ayaa ku taliyay in la soo koobo tiradda jaamacaha dalka si ay u wanaagsanaato tayadoodu

prof samatarProfessor Axmed Ismaaciil Samatar oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Jaamacadaha Somaliland Waxay Ubaahan yihiin in 3 ilaa 4 Lagusoo Ururiyo Kala Takhasus Duwan,Si Tayada Kor Loogu Qaado. Ardayda Qalin Jabisay na Intii Awoodaa Hasii Wadato, Waana Guul iyo Murugo Wada Socota Markaad Tirada iyo Shaqo La’aanta Aragto” Mar kale Prof Samatar oo kahadlaya sida ay suurtogal ku noqon karto arintani ayaa yidhi “Waa hawl utaal dawlada soo socota inay qorshaha kudarsato, waayo Somaliland ma qaadi Karto Jaamacado sii bata, hadii aan commission shaqeeya iyo sharci xakameeya loo samayn ma socon karto

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS