BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa keenay in Jaamacada Hargeisa Magaceedii la boobo yaase ka danbeeya ?Q/1AAD
September 14, 2015 - Written by editor

cabdiraxmaan dakhareJaamacada Hargeisa Halkee ayay ka timi ?

Jaamacada Hargeisa Halkee ayay ku taal?

Jaamacada Hargeisa yaa u badan oo ka shaqeeya ?

Jaamacada Hargeisa yay Faa’iido u leedahay ?

Su’aalahaas oo dhan ayaa u baahan in jawaab laga bixiyo

Qormadan ayaan jeclahay in ay ii noqoto qormadii kobaad 1aad ee aan is idhaah bal xaalka jaamacada Hargeisa wax ka dheh .

Anigu waxaan ahaa ardaydii jaamcada hargeisa gashay sanadku markuu ahaa 2009-2010 ayaa iigu horaysay waxa loo yaqaan jaamcad .

Jaamacada wakhtigaas aan galay maan aqoon cida jaamacada Hay Halakay ka soo jeedo iyo ciday tahay lakiin waan is diiwan galiyay cidna kama aan garanayn aan ahayn ardaydii iiga saraysay

ee aan horey isku naaqaanay .

Jaamacada markaan Mudo dhiganayay waxaan baratay Jaamacada cida PRESIDENT u ah oo uu wakhtigaas ahaa nin la yidhaah BULXAN ka dib muda gaaban dabadeed waxaan kala bartay DEANSKA jaamacada .

Hadaba Qabyaalada Jaamacadu Halkee ayay ka bilaabantaa ayaa is waydiin leh ?

Hoos aan u daa dego Jaamacada waxa nasiib alleh u helay Degmada AXMED DHAGAX iyo dadka ku agnool in ay ahaato meel ay u arkaan in ilaahay ugu deeqay lakiin dadka aanay ka xigin oo dawladii leedahay dhulkuna yahay dhul dawladeed .

Jaamacada midka yimaada KOODBUUR IYO MAXAMED HAYBE IYO GACAN LIBAAX IYO 26 JUNE AXMED DHAGAX waa loo wada siman yahay .sidaa darteed ardaygu marka uu ka yimaado tusaale ahaan 26 june ama GACAN LIBAX  waxa uu jaamacada soo galaa isaga oo Aamin san in Jaamacadu ay iska leeyihiin…………………….

Dadka ku dhaqan xaafada Axmed dhagax ama dhalinyarada dhigata ee ka soo jeeda isla degmadaaas

Taas oo aan u arko arin aad u khaldan

Jaamacada hargeisa waxa ragaadiyay khilaafyo badan oo la xidhiidh HAYB AMA QOLO

NIN JECLAYSI ,EEX IYO KU TAGRI FAL XOOLAHA JAAMACADA OO AAN LAHAYN ODHAD XISAABIYA ,

Khilaafka ugu badan jaamacadu waxa uu dhacay wakhtigii uu haystay Mr Bulxan Kadibna waxa loo dhiibay ALLEH HA NAXRIISTEE PROF Muuse Khilaafkii ugu darnaa waxa uu dhacay wakhtigaas oo ardaydu isku mab da’ ahayeen oo aanay kala jeclayn cidii loo dhiibo lakiin ardayda wakhtigaas qalin jabinaysay ay diideen in uu SHAHAADAD U SAXEEXO qofba si ha u arkee

Ka dib waxa soo dhex galay Wasiiro iyo koox culimo ah oo arinkii u badashay QABIIL KANA DHIGTAY IN REERAHA DEGAN DEGMADA AXMED DHAGAX ay arinkaas wadaan ardaygii wakhtigaas joogay ayuunbaa garan kara rag waa weyn oo wakhtigaas joogay waxa laga qoray JAAMACAD AYAAN IDIINKA  SAMAYNAYNAA OO KU TAAL DANTEENA  EE IS DAJIYA GUMAYSIGAN KU JIRI MAYSAAN raga hadaladaas oo dhanayaa waayo :-waa

1: WASIIRO

2: AQOON YAHANO

3: CULIMO

4: SALAADIIN

Maalintaas wixii ka danbeeyay wax ardayda kala dhex  galay  SHAYDAAN ama LABA WAJIILE ardaydii isku calool fayoobayd way kala diday oo aradydii daantan iyo kuwii dantaas isma dhex galaan marka loo soo baxo BREAK TIME ardaydu waxay kala taagan Maaqaxiyo kala duwan oo look ala sheegay in maqaaxidaas ay reerkaasi leeyihiin taa kalena ay leeyihiin reer kale arinku wax uu sidaas ahaadaba JAAMACADA WAXA YIMID PROF GAAS OO KA YIMID DALKA MARYKAN Waxa uu nasiib u ehelay ninkaasi in WASIIR ZAMZAM AY AHAATO WASIIRKA WAXBARASHADA taas oo uu saamaxday in uu yeesho awood tiisa ka badan .

Cidii uu doono waa uu shaqaalaysiyaa cidii uu rabo waxa uu ku casuumaa MANSOOR .

Anigoon jeclayn in aan hadalka sii kal idhaahdo Jaamacada LABA GUDOOMIYE OO SOO MARAY LABADUBA MAANTA WAXAY SAMAYSTEEN JAAMACADO

JAMACADAHAAS MAGACYADOODU WAA FANON UNIVERSITY OO ISka  LEEYAHAY BULXAN

IYO HARGEISA INTERNATIONAL UNIVERSITY OO AHta ugu waalida cas maxaa yeelay magacu waa magacii jaamacada loogadu waa logadii jamacda HARGEISA Macaliiminta la sheegay in ay raceen waxa iigu maqaal ah in uu raacay WIIL LA YIDHAAH C/RASHIID oo ahaa ASOCIATE DEAN OF ICT UOH imikana ah GUDOOMIYE KU XIGEENKA JAMACADAAS .

Hadabu Xalku waa maxay ?

Yaa khiyaamadan ka danbeeya ?

Xoolaha jaamacada lagu furtay halkee laga keenay ?

Waa inoo qormada sadeexaad hadii alleh idmo……………………………………………….

W/Q: A/RAHMAAN HASSAN ISMAIL

Xaqudirir2015@gmail.com

COMMENTS