BALIGUBADLE MEDIA
Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo Ka Sheekeeyay Siyaabaha Looga Bixi Karo Saboolnimadda
August 30, 2015 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Eng: Maxamed  xaashi cilmi Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada JSL ayaa kahadlay duuruufta nololeed ee shacabka somalialnd sidoo kalana waxa uu bulshada u iftiimiyay talaabada ay qaadayaan si ay u dabarjaraan faqriga hadheeyay  shacabka dalkani  ,waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal dheer oo uu soo saaray waxaanu yidhi “Si guudhaddii aan u dulmaro, waxa ay arrimahani ku suurtoobi karaan marka la sugo:
Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa oo lagu dhaqmo.
Madaxtooyadu ku dhaqanto Qodobka 90aad; Wuxu sheegayaa waajibaadka Madaxweynaha in aanu ku jirin maamul lacageed.
Hay’adaha dabagalka ee gabay xilkoodii ama aan tamarin sida; G/Wakiilada (Guddida maaliyadda) iyo Hanti-dhawrka oo la shaandheeyo
Maxamed Xaashi(7).jpgKharashka Xukuumadda iyo shaqaalaha oo la dhimo.
Dakhliga Cashuurta Berriga, si haboon loo ururiyo, ugu yaraan la gaadhsiyo 60%. Ujeedada xalku ma aha TACRIFAD
xaashi
la kordhiyo ee waa daryeelka shaqaalaha iyo ciidamada.
La xisaabtanka Xukuumadda oo Baarlamaanku xilkiisa ka guto.
DAKHLIGA IYO SHAQAALAHA OODIB U HABAYN LAGU SAMEEYO:
Odoroska Miisaaniyadda 2015 ee Dawladda Dhexe waa: sls 1,080,000,000,000 = $ 180,000,000
Dakhliga Kastamada (61.80 %) sls 667,477,257,680 = $ 111,246,210
Cashuurta Berriga (12.88%) sls 139,069,900,911 = $ 23,178,317
Kharashka Shaqaaluhu (48% ): sls 517,382,579,360 = $ 86,400,000
F.G: Xukuumadii Madaxweyne Rayaale, shaqaaluhu wuxu ahaa: 6,933. Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed shaqaaluhu waa: 15,223. Shaqaalaha aan imtixaan gelin waa: 5308.
Shaqaalaha aan hawl qabani waa: 35%. Aroortii BOOGA SAXEEXA, ee iska HOYDA.
Arrimo muhim ah, ayaa ka soo baxay qodobadan kor ku xusan: Cashuurta Berriga oo aad u yar. 12.88%. Taas oo ay tahay in ay noqoto cashuurta ugu badan, oo ay ka badato cashuurta kastamada. Meelaha laga KORDHIN karo waxa ka mid ah: Isgaadhsiint, Xawaaladaha, Cashuurta Macaashal-macaashka, Cashuurta Gediska, Iibka Hantida Dawladda IWM.
Waxa soo raaca; Kharashka Madaxtooyada ee aadka u badan, oo la shaandheeyo.
MAAMULKU WUXU QALOOCDAA MARKA; DASTUURKA IYO XEER-HOOSAADYADIISA LA BAAL-MARO:
Sharcigu, wuxu ilaaliya hab-nololeedka mujtamaca. Marka lagu dhaqmi waayo, waa la AMBADA. Ra’yi badan oo kala duwan ayaa ka dhasha. Waxa loo qaybsamaa, KOOXO iyo QABA’IL. Waa xaaladda DALKU ku sugan yahay maanta. Xukuumaddu waa KOOXO. Xer-dejintu waa KOOXO. Garsoorku waa KOOXO. Qaybsanaantaa waxa ku tasoobay, dantii caamka ahayd iyo hab-nololeedka DADWEYNAHA, oo ukala baxay sidan:-
Qayb nolo-shoodu aad u sareyso: Sida Madaxda sare ee DAWLADDA iyo Ganacsato waaweyn iwm.
2 Qayb Dan-yar ah; Dukaanada yar-yar, Kaluumaysatada, Khudradleyda, Caanoleyda, hilibleyda, reer-miyiga, Shaqaalaha Dawladda, ciidamada Qaranka iwm.
Qayb Muhim ah: Waxa meesha ka baxay Ganacsatadii meel dhaxaadka ahayd, markii kala xaddeynta ganacsiga la fulin waayey.
Qayb aan dab loo shidin, qaarkood ay u dheer tahay: Caafimaad darro, Da’, shaqo la’aan, TAHRIIB iyo hooyo SILIC u dhamaaday, oo u dawarsata lacagtii, furashada il-maheedii TAHRIIBAY iwm. Aan isweydiino waxa sababay, nololashaa adag.
III. DALKU INNAMA GABIN:
Wuxu leeyahay: Xoolo-nool; Badd; dhul-beereed; macdan iyo khayraad kale. Dadkeenu ma badnna. Waxa lagu qiyaasa, saddex milyan iyo badh. Maxaa haddaba sababay: Saboolnimada, Shaqo la’aanta, tahriibka iwm? Ummad waxa haga Madaxdeeda: Xukuumad; Baarlamaan, Garsoorka, Xisbiyada iyo Wax-garadkeeda. Waa inta is-dheelitirta ee ka ilaalisa: Maamul-xumada iyo musuq-maasuqa. Waa intay ku waajibtay, horumarka Dalka iyo daryeelka Dadweynaha. Waana halka dheeligu ka jiro.
WAXA LA TABAYAA ARAGTI DHEER, MAAMUL-WANAAG IYO DAWLAD DALKA U HORSEEDA HORUMAR: Siyaasadda dawladihii talada Dalka soo qabtay, ka mid tahay ta maantu, waxa ay u qaateen in ay ku kasban karaan KALSOONIDA dadweynaha wasiir loo magacaabo reer iyo QABIIL. Waa arrintatiradaWasiir, Wasiir Dawla iyo Wasiir-ku-xigeen gaadhsiisay 57. Waxa iyana jira Lix iyo Labaatan Wasaaradood iyo in ka badan 12 Haya’dood.
Dalku ma u baahan yahay tirade Wasiirada/Wasaaradaha iyo Haya’daha ee intaa le’eg? Beelaha ma wada raali-gelin karaan? Kharashkooda si ka haboon, ma looga faa’idaysan karaa oo lagu KASBO kalsoonida UMMADDA?
AAN U GUDUBNO HORUMAR IYO SIDII LOOGU FAA’IDAYN LAHAA, DAN-YARTA iyo SABOOLKA, DA’YARTA SHAQO LOOGU ABUURI LAHAA iwm.
Tusaale;Xukuumadda loo baahan yahay, waa mid: 17 wasaaradood iyo 17 wasiir ka kooban. Looma baahna; Wasiiru-Dawle iyo wasiir ku xigeen midnna. Kharashkaa ku baxaya, affartan wasiir, waxa looga baahi weyn yahay DARYEELKA & HORUMARKA DADWEYNAHA.
Kaydka 40 wasiir oo la dhimo waxa ka soo bixi Sannadkii: = $ 3,000,000
Haddii danyarta/saaboolka Barnaamij Kobcinta Dhaqaalahooda loo dejiyo oo $200 qoyskii la amaahiyo, waxa ka faa’idaysan kara lacagta kor ku xusan 15,000 qoys. Halka40 qoys ka faai’daysato.
Waxa nasiib darro weyn ah, in Xukuumadihii iyo Baarlamaankii, talada Dalka hayay ka gaabiyeen: Daryeelka haybadda dalka, ilaalinta nabadgelyada, horumarka bulshada iyo habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda. Waxa ay ka dayriyaan dhaqaalaha Dalka. Waxa ay yidhadaan: “Dalkeenu waa dal yar oo curdin ah, cid caawisa iyo aqoonsi haysan, oo aan dhaqaale lahayn”.BARYADAA UGA FUDUD WAX QABAKA: Haddii roobku yaraado iyo haddu batto Qayladu waa: “ Caalamku hanno soo gurmado”. Ann wax qabsano, waa arrin maan-kooda iyo maskax-dooda, ka maqan.
Shaxda hoose, waxa ay inna tusaysaa Kharashaadka laga maarmi karo ee tusaale ahaan; MIISAANIYADDA 2015 ku jira, hadii loo qondeeyo Barnaamija Kobcinta dhaqaalaha danyarta/saaboolka oo dad badani ka faa’idaysan karaan, waxa Dawlad kastaana ku kasban kartaa kalsoonida dadweynaha.
MIISAANIYADAHA, HADDII LA HUFFO, LA DHIMO KHARASHKA AAN LOO BAAHNAYN; DADKA J.S.L. TOBAN SANNO, AYAY KAGA BIXI SABOOLNIMADA BI’IDNI LAAH
SHAXDA. I
A) MAGACA LACAGTA DHIGMI
Mushaharka Madaxweyne, Noqdo $ 4,000 Bishii $ 88,500 Sannadkii
Mushaharka Ku-Xige. Noqdo $ 3,500 bishii. $ 55,500 “
Gunno & Xil Guurtida 2015 $ 1, 613,455 “
“ “ “ Wakiilada 2015 $ 1,700,284 “
M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay $ 72,504,705 “
ISUGEYN: KHARASHKAA, GELI HORUMAR $ 75,962,444 “
B) LOO BAAHNAYN, EE LAGU DARI HORUMAR.
40 wasiir la dhimo $ 3,000,000
7 Wasaaradood oo la dhimo. $ 4,092,535
3% Shaqaalaha aan hawl-gelin $ 25,869,129
1,142 Caaqil $ 4,111,200
Hay’ado iyo guddiyo aan loo baahnayn $ 2,874,652
20 La taliye Madaxweyne. Aan hawl loo diran. $ 120,000
Isugeyn B) $ 40,067,516
ISUGEYN A+B $ 116,029,960
C) KORODHKA MIISAANIYADDA SANNADKII $ 35,000,000
ISUGEYN C) $ 35,000,000
ISUGEYN A+B+C. LA GELIN HORUMAR SANNADKII $ 151,029,960
HORUMARKA SHAN SANO. $ 755,149,800
HORURARKA TOBAN SANO. $1,510,299,600
Wasaaradahan muhimka ah,SHAXDA II: ee MIISAANIYADDA 2015, Waxa Xukuumaddu u qoondaysay, G/Wakiiladuna ansixiyay, wax aad u yar, ooKA QATTAN IDIDIILO & HORUMAR.
SHAXDA I. ee qaybtii hore, waxaku xusan, Kayd ah:$ 116,029,960. Horumar loo isticmali karo.Haddii $75,000,000, ka mid aan u qoondeeyno WASAARADAHAN MUHIMKA AH, HORUMAR BAA LAGU TALAABSAN DHINACA: TACLIINTA, CAAFIMAADKA IYO DHINACA BEERAHA OO ISKU FILAANSHO CUNNADA LA GAADHI – INSHAA ALLAH:
WASAARADAHA MUHIMKA AH. Miisaaniyadda 2015 $1.0 = sls 7,000 HORUMAR
1 Waaaradda waxbarashada & Taclinta Sare sls 72,602,190,058 $ 10,731,741 $ 15,000,000
2 Wasaaradda Caafimaadka sls 35,700,043,934 $ 5,100,006 $ 10,000,000
3 W/Kaluumaysiga & Khayraadka Badda sls 2,817,024,262 $ 402,432 $ 10,000,000
4 Wasaaradda Beeraha: sls 4,494,932,013 $ 642,133 $ 10,000,000
a) Biyaha sls 4,740,375,336 $ 677,196 $ 10,000,000
b) Deegaanka sls 5,234,219,220 $ 747,746 $ 10,000,000
c) Xoolaha sls 6,888,312,261 $ 984,045 $ 10,000,000
ISUGEYN $ 19,285,299 $ 75,000,000
W.Beeraha (4,a-c) Miisaaniyad 2015 =$3,559,640
Kaluumaysiga = $ 469,504
SHAXDA II.
Wasaaradda Beeraha: Qaybta beeraha (farm machinery requirements)
Qalabka Beeraha (Descriptions) Qiimaha (Cost)
1 Bulldozer D9R $ 535,000.
2 Scavator 329EL $ 205,000.
3 Wheel loader $ 208,000
4 Lowboy trailer $ 90,000
5 Head-truck $ 105,000
6 MF-agro-Tractor 10pcs*40 ,000 $ 400,000
Sub-Total $ 1,543,000
kharashka 35% $ 540,050
Isugeyn guud. $ 2,083,050
Saddex Qaybood: Galbeed, dhexe & Bari $ 6,249,150
Qaybta Biyaha iyo Tamarta:
1 Buldozer D9R $ 535,000
2 Scavator 329EL $ 205,000
3 Wheel loader $ 208,000
4 Lowboy trailor $ 90,000
5 Head-truck $ 105,000
Isugeyn qalabka qaybta Biyaha. $ 1,143,000
Expense 35% $ 400,050
ISUGEYN GUUD $ 1,543,050
W. Caafimaad Kharashka Khubarada Dr. (specialists). Sannadkii. $ 400,000
Cusbataalka Harg. la gaadhsiin 500 sariirood. $ 20,000,000
Qalab casri ah. $ 10,000,000
ISUGEYN CAAFIMAADKA $ 30,400,000
W.Waxbarash Tech. colleges (Dhismo/Qalab) $ 25,000,000
Jaamacadda Hargeysa, Dhismme lab. $ 300,000
ISUGEYN WAXBARASHADA $ 25,300,000
W. Kalumaysi 3 Doonyood oo qalabkoodu u dhan yahay $ 1,400,000
ISUGEYN GUUD $ 64,892,200
TALO SOO JEEDIN: SI HORUMAR WAX KU OOL AH LOO GAADHO WAA IN: KHARASHKA LA DHIMO, MUSUQ-MAASUQA LA XAKAMEEYO, DIB LOO HABEEYO MAAMULKA IYO SHAQAALAHA:
La ISTICMAALO Somaliland Shilling, oo wax lagu kala iibsado.
Dollarka qiimo go’an loo gooyo laguna ilaaliyo. Wuxu abuuray, Sicir-barar saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii iyo noloshii Dadweynaha. Siiba shaqaalihii Dawladda iyo dan-yartii.
Saacadaha shaqada la kordhiyo. La shaqeeyo labada gelin ba; 7 a.m ilaa 12. duhur. La soo noqdo: 1. 30 p.m ilaa 4.30 p.m. Waa 8 saacadood. Hadda lama shaqeeyo isku cel-celin wax ka badan laba saacadood maalintii.
Waxa lama huraan ah; in mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada la kordhiyo si uu ula jaan qaado xaaladda NOLOLEED ee TAAGAN.
In Dawladdu dhinto kharashka aan loo baahnayn. Sida ku cad shaxda I. kor ku xusan. Mushaharka Madaxweynuha iyo Ku-Xigeenkiisu lagu jaan-gooyo nolosha dadweynaha ay madaxda u yihiin. Eeg lifaaqa Mushaharka dhigooda.
Zakkadeena lagu soo hooyo xafiis ku xidhan Wasaaradda Maaliyadda.
Warshadii sibidhka la dhiso: Dawladdu yeelato 41%. Dadweynaha J.S.L. (Gudo iyo dibad), laga iibiyo 59 %, saamiyo dan-yartu awoodi karto.
In Dakhliga cashuurta beriga la gaadhsiiyo, $500 Milyan sannadaha soo socda, iyada oo aan TACRIFAD LA KORDHIN.
Xeerka Maamuuska, Madaxweyne, ku Xigeenka iyo sagootisa Mudanayaasha Baarlamaanka Xeer Lr.6/2013. WAA IN LA TIR-TIRO. XUBINIMADA G/GUURTIDA AYAA AH MAAMUUS. Sagootiska Mudanayaashu waa laaluush, ay ku ANSIXIYEEN XEERKA-MAAMUUSKA. WAA CEEB IYO MAGACXUMO.
Waa in Hantidii dawladda ee la lunsaday: Lacag; daarihii iyo dhulkii la iibiyay ama bilaashka loo bixiyay lagu soo celiyo, gacanta Dawladda.
Waa in laga DOODO, XISAAB-XIDHKII MIISAANIYADAHA 2008 ilaa 2014. ee G/Wakiiladu ugu codeeyay DUUDUUB AAN SHARCI AHAYN. Waxa ay ku qariyeen,HANTIDII QARANKA ee LA LUNSADAY: Waa in G/WAKIILADA lagu soo celiyo si ay uga doodaan. Ma bannaana in SHIRGUDDOONKA GOLUHU ogolaado inuu DOOD ka furo ARRIN aan sharci ahayn.
a) SHACBIGU WUXU TABAYAA: Daarihii iyo dhulkii dawladda ee la iibiyay. Maxaa loo iibiyay? Maxaa lagu iibiyay? Ma gashay dakhliga Dawladda? Ma ahayn in G/Wakiiladu BUSTE SAARO. Hanti-umadeed oo la lunsaday. G/Wakiiladu uma dhama CEEBTA. Dadweynuhu XAQ buu u leeyahay inuu ogaado kuwa u codeeyay in aan sharciga la raacin oo aan laga DOODIN odoroska miisaaniyadda 2015 iyo xisaab-xidhkii 2008 ilaa 2014.
b) Waxa kale uu Goluhu BUSTA SAARAY ama ka gaabsaday, inuu hubiyo, in la dhisay, dhismayashii cusbaa ee loo qoondayay $ 24,000,000.
C) Lacagtii Maamulkii Rayaale lunsaday: $ 123,000,000 ee gudidu soo xaqiijisay.
d) Lacagta M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay: AAN SHARCI AHAYN.Dastuurka Qodobka 90aad; Waajibaadka Madaxweynaha kuma jiro maamul lacageed.
VII. Jaadka waa in Dawladdu siyaasad cadd ka yeelato. Wakhtiga Soo geliddiisa la xaddido iyo in la joojiyo markay haboonaato. LACAGTA QAADKA EE DALKA KA BAXDA: Maalintii waa: $ 1,180,000. Lacagta “ “ “ Bishii “ : $ 36,580,000. Lacagta “ “ “ Sannadkii “ : $430,700,000
Waxa inta dheer; wakhti lumis iyo caafimaad darro IYO ETHIOPIA OO XISAABTAN GANACSI SOMALILAND LA SAMEYN ILAA WAKHTIGAN AYNU MARAYNO AFAR MADAXWEYNE IYO XUKUMADAHOODI.
Waxa aan dibadda u dhoofinnaa, waa wax aad u kooban. Xoolaha nool iyo haragga ayaa wax la sheegi karo jira. Talagalku waa inuu noqdo; ISKU-FILAANSHO CUNNO, LA DHAQO XOOLAHA si ayna u taffiir-gu’in, la beero TIMIR, iwm ee dalka ka bixi kara.
Shaqo loo abuuro Da’yarta iyo dadka shaqa la’aantu dishootay. Waxa aarimahani ku suurtoobi Sida ku cad,qaybtii I. shaxdii I.
Ganacsiga la kala XADEEYO. Si Ganacsatadii dhexe u soo noolaato. Soo dejiye ku ekkaado inuu ku iibiyo dekedda. Waa in aanu yeelan ilaa KAAR-YOONAHA, oo wax uu huraa.
Waa in aarimuhu noqdaan SOMALILAND DALKAYGA IYO DADKAYGA. Tanse la aragye EEBOW NOO-DOOR.”ayuu yidhi maxamuud xaashi cilmi
ALLAA MAHAD LEH
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.

COMMENTS