BALIGUBADLE MEDIA
Xaflad sannadeedkii xisbiga waddani ee Hotel Sheraton-ka Ottawa DAAWO SAWIRO
June 11, 2015 - Written by admin1

FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA001 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA002 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA003 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA004 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA005 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA006 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA007 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA008 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA009 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA010 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA011 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA012 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA013 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA014 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA015 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA016 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA017 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA018 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA019 FAADUMA SICIID WADANI OTTAWA020Waxa habeenkii sabtida ee bishan June ahayd 6da ka dhacay magaalo madaxda dalka Canada ee Ottawa xaflad si wanaagsan oo heersa ah loosoo agaasimay ,xafladdaasi oo mataanaysay xaflad sannadeedkii xisbiga Waddani iyo soo dhaweyntii qiimaha lahayd ee la taliyahaya arrimaha siyaasadda ee gudoomiyaha xisbiga Waddani marwo Faadumo Siciid.
Xafladdaa Hotel Shareton ka dhacday oo ay isku yimaadeen marti sharaf badan oo badankood ahaayeen taageerayaasha xisbiga Waddani oo ka kala yimid magaalooyinka Ottawa iyo Toronto waxay ku bilaabantay jawi farxad iyo raynayni ku dheehan tahay,waxayna ku dhammaatay farxad iyo dammaashaad.
Madashu waxay ku bilaabantay akhriska aayadaha Quraanka Kariim quraankana waxa akhriyay Sh.Amed Cumar,waxa xafladda furay oo marti sharafta ku soo dhaweeyay gudoomiyaha xisbiga laanta Ottawa Osman Sh.Dalmar oo marti sharafta uga mahad celiyay aqbalaada iyo ka soo qeybgalka xafladda,intaa ka dibna waxa hadalka qaatay xoghayaha xisbiga Waddani laanta Ottawa Eng.Mohamed Abdillahi oo marti sharafta ku guubaabiyey ka midnoqoshada iyo qaadashada membership xisbiga Waddani.
Waxa kale oo madasha ka hadlay oo khudbado qiimo leh ka soo jeediyay aqoonyahano iyo wax-garad ka soo jeeda jaaliyadda reer Somaliland ee Ottawa iyo Toronto oo ay ka mid yihiin:
1.Faadumo Suudi Xubin ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Waddani
2.Ibrahim Cabsiiye gudoomiyaha xisbiga Waddani laanta Toronto
3.Suhuur Hassan Abiib Safiirka wareegga xisbiga Waddani.
4.Abdriraham Yusuf Maxamed xubin xisbiga laanta Edmonton,Alberta
5 Luul cisman wakiilka Somaliland ee Canada
6.Dr.Maxamuud Taani
7.Dr.Aden Farah Doreh gudoomiyaha jaalliyadda Somaliland ee Ottawa
Waxa khudbad dheer oo dhinacyo badan leh madasha ka soo jeedisay Marwo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee guddomiyaha xisbiga Waddani, Marwo Faadumo Siciid waxay ku dheeraatay cadaalad darrada ka jirta xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo,maamul-xumada,qabiil iyo eexda,waxa kale oo Marwo Faadumo ku dheeratay dhiiri-gelin laanta,iyo curyaaminta wax-soosaarka beeraha,hanti urursiga iyo Iwm.Marwo Faadumo Siciid waxay kale oo daaha ka rogtay rajo xumada ku habsatay maamulka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Marwo Faadumo waxay ku soo afmeertay hadalkeedii kalsooni-darrada xukuumaddu ku abuurtay dadweynaha somaliland.
Waxa kale oo xafladda ka hadlay odey Haji Cumar Cabdi oo ka mid ah musdanbeedka xisbiga Waddani laanta Ottawa,Haji Omer wuxu ku dheeraay dhaliilaha ragaadiyay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Xafladda waxa soo gunnaaday gudoomiyaha xisbiga waddani Osman Sh.Dalmar oo hadal qiimo badan ku
Gabagabeen.

Allaa Mahad leh,
Guddida xisbiga Waddani,Ottawa

COMMENTS