BALIGUBADLE MEDIA
Suuqii ugu Waynaa ee Xor ah oo Afrika Laga Hirgaliyay
June 10, 2015 - Written by editor

Saddex urur goboleed oo Afrikaan ah ayaa samaysatay suuq xor ah oo noqonaya kan ugu weyn qaaradda.

Urur goboleedka hormarinta bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kan hormarinta bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo COMESA, ayaa maanta dalka Masar ku saxiixday heshiis ay ku sameysanayaan urur ay ku mideysan yihiin.

In ka badan 600 oo milyan oo dad Afrikaan ah, ayaa la rajeynayaa in ay ka faa’iideystaan marka la hirgeliyo heshiiskan sanadka 2017-ka.

suuq afrika

Kaddib marka maanta la saxiixo heshiiska ayaa waxaa la hor geyn doona kulan madaxeedka Midowga Afrika ee dabayaaqada toddobaadkan ka dhici doona dalka Koonfur Afrika.

Suuqa xorta ah ee Afrika ayaa noqon doono kan ugu weyn ee ay qaaraddu yeelato, ayna ku mideysan yihiin 26 dal.

Ujeedka ayaa ah in meesha laga saaro caqabadaha ganacsi ee hortaagan inta badan alaabaha u kala gudba dalalka Afrika, oo qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan hal bilyan oo doolar.

Si kastaba, heshiiska ayaa u baahnaan doona in ay ansixiyaan baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ka hor inta aan la meel marin.

Arrinta isdhexgalka gobolada Afrika ma aha mid cusub.

Nus qarnigii lasoo dhaafay dowladdaha Afrika ayaa ka xaajoonayay sidii ay u xoojin la haayeen isdhexgalka gancsi ee qaaradda.

Waddooyinka aan wangaasaneyn, jidadka tareenada iyo shirkaddaha diyaaradaha oo liita ayaa caqabad ku ah isu socodka alaabaha ganacsi ee qaaradda.

Sidoo kale dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa difaaca wax soo saarka warshadahooda yaryarka ah .

Marka ilaa iyo inta laga helayo kaabayaal dhaqaale oo hormarsan iyo ganacsi tartan ku saleysan, ayaa waxaa adkaan doonta faa’iidada laga heli doono heshiiska lagu saxiixay Masar.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS