BALIGUBADLE MEDIA
LAANTA XISBIGA UCID EE BIRMINGHAM OO DOORTAY XUBNO CUSUB
June 9, 2015 - Written by editor

Xisbiyaga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland ee UCID, ayaa bilaabay olole ballaadhan oo kor loogu qaadayo hawl-gallada Xafiisyada Xisbiga ee Laamaha Yurub.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee dalka UK oo Qayb ka ah dar-dargelinta hawsha Xisbiga, ayaa lagu doortay Hoggaan Cusub oo hawlaha xisbiga u qaabilsanaan doona gobolka Midlands ee waddanka UK.
ucid brimigham

Shirkan ayaa hoggaan cusub loogu doortay Guddoomiyaha, Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghaynta Laanta Xisbiga ee gobolkaas, waxaana dib loo magaacabay madaxa abaabul-ka-saarka iyo hawl-galinta Xisbiga u qaabilsanaa gobolkaas.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Laanta Xisbigu ku leeyahay gobolka Midlands ee UK, waxa Guddoomiyaha loo doortay Mustafe Maxamed Gadiid, Guddoomiye ku-xigeenka waxa loo doortay Khadar Cabdi Xuseen, halka Xoghaya loo doortay Maxamed Cumar Cabdilaahi. Sidoo kale waxa dib loo magacaabay Dayib Iidaan Aadam oo ah madaxa Abaabulka iyo Ololaha Xisbiga laantiisa Birmingham.

as
Qoraalka ayaa u qornaa sidan: “Waxaa maanta oo ay taatiikhdu tahay 6/06/2015 magaalada Birmingham ka dhacday xaflad ay soo qaban qaabiyeen, odayaasha mus-dambeedka iyo gudida xisbiga UCID.

Xaflad balaadhan oo lagu doortay GUDOOMIYE, GUDOOMIYE KU XIGEEN IYO XOG HAYN loogu tala galay in ay si wayn u dar dar galiyaan hawlaha xisbiga iyo shaqada hawsha u taal ee loogu igmaday. gobolka Midlands ee magaalo madaxda Birmingham.

1 ) GUDOOMIYE: Mustafe Maxamed Gadiid

2 ) GUDOOMIYE KU XIGEEN: Khadar Cabdi Xuseen

3 ) XOG HAYNTA: Maxamed Cumar Cabdilaahi

4 ) ABAABULKA IYO OLOLAHA XISBIGA: Dayib Iidaan Aadam”

Ilaah baa mahad leh

Xoghayah Kaabaynka iyo isku dubaridka Xisbiga Ucid Uk

Eng Faisal Abdirahman

COMMENTS