BALIGUBADLE MEDIA
Jawaan & Sooraan oo Aflagaado Kula Kacay Saxaafaddii Soo Gacan Qabatay & Warbaahinta oo Ku Hawlan Diyaarinta Cidii Lagu Badali Lahaa
June 10, 2015 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Majaajilaystayaasha sooraan & jawaan ayaa dhawaan aflagaado & deelqaaf kula kacay warbaahinta madaxa banaan ee somaliland iyagoo toos ugu weeraray ruwaayad ay ku dhigeen xafladii haamaha shidaalka berbera lagu qabtay ee lagu daahfurayay laab cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta haamaha shidaalka berbera

sooraan & jawaan

sooraan & jawaan oo u muuqda majaajilaystayaal aan fahmin qiimaha ay ku lahayd warbaahintu soo shaacbixidooda & xidhiidhka dhaw ee saaxibtinimo ee ka dhexeeya bahda fanka & saxaafadda  ayaa si aan gabasho lahayn u weeraray guud ahaan warbaahinta dalka

balse jilayaashan ayaa u eg kuwo xamili kariwaayay sumcada fiican ee ay ku dhex leeyihiin bulshada & sida warbaahintu bulshada u bartay majaajilaystayaashan reer burco

hadaba warbaahinta madaxa banaan ee somaliland ayaa gabi ahaanba mamnuucday baahinta barnaamijyada ku saabsan majaajilaystayaashan waxaana la filayaa in warbaahintu labada nin ku badali doonto shakhsiyaad kale oo bulshada u soo tabiyo majaajilooyin dhexdhexaad ah oo aan deelqaaf ku ahayn cidna

inta badan saxaafadda & bahda fanka & suugaanta ayaa ah kooxo isku mihnad dhaw islamarkaana leh cilaaqaad wanaagsan oo midba midka kale ilaaliyo mihnadiisa

waxaanay u egtahay in cahdigii sooraan & jawaan dhamaad ku egyahay maadaama oo ay dhaafeen khadkii cagaarnaa ee loogu tala galay, islamarkaana ay dagaal qaawan ku soo qaadeen warbaahinta madaxa banaan ee somaliland oo iyadu ah mid la cadiban xadgudubyo bani’aadamnimo oo ay kala kulanto dawladaha kolba dalka maamula

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS