BALIGUBADLE MEDIA
Hadii Axmed Madoobe Aqoonsaday Somaliland Xasan Sheekhna Waa La Mid:- W/Q. Qallinkii:- Faadumo Saalax
June 11, 2015 - Written by editor

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Md Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuu ku dhiiraday go’aan geesinimo leh oo aanay madaxda Soomaaliya hore ugu talaabsan.

Madaxweynaha waxaanu leenahay hadii aanu nahay shacabka reer Somaliland kal iyo laab ayaanu kaaga gudoonay aqoonsiga aad noo fidisay, taasi waxay cadayn u tahay waayo aragnimadaada dhanka siyaasadda ah iyo aqoonta aad u leedahay Somaliland dawladeedda.

 

Maamulka muqdisho ee uu hormuudka ka yahay Xasan Sheekh iyo xulafadiisu waxay ku hafteen wada hadaladii Somaliland ee dhawrka jeer burburay, hadii uu Axmed Madoobe kuwaas ahaan lahaa bari hore ayaan dhanka ictiraafka ku kala calaf qaadi lahayn.

 

Laakin taasi waxay turjumaad ka tahay oo ay umadda u fasiraysaa aqoonsiga
kadib, in Somaliland dhanka jaarnimada iyo xidhiidhka dawladeed kaga wanaagsa tahay maamulka Xamar ee uu Xasan Sheekh gacanta ku hayo, taas oo kasban wayday quluubta maamulka goboleedka Jubaland.

 

Aqoonsiga Somaliland hadii uu Soomaaliya meelo ka mid ah ka bilawday waxaan aamisanahay inuu sidaas ku socon doono, gaadhina doono waddamada jaarka la ah Somaliland, taas oo noqon doonto albaab cusub oo u furmay dalkayga iyo dadkayga Somaliland.

 

Midawga Africa ee ay ku jiraan dawladaha qaaradda waxaa u furmay iyaga laftooda daaqad cusub oo ka daawan karaan qaabka ugu fudud ee Somaliland aqoonsi loogu fidin karo, mar hadii maamuladii xamar ka jiray aqoonsi siiyeen

Somaliland.

 

Hore waxaan u ogayn in golayaasha deegaanada waddanka boqortooyadda ingiriiska aqoon ay u fidiyeen Somaliland sida Sheffield iyo Cardiff.

Somaliland waxaan leeyahay guul..guul..guul.

 

Faadumo Saalax

Faadumosaalax3@gmail.com

COMMENTS