BALIGUBADLE MEDIA
Hafayeenka Golaha Guurtida Somaliland oo Sheegay Inaan Meel Loo Dhaafaa Jirin Go’aankii Dastuuriga ahaa ee Ay Rideen
June 11, 2015 - Written by editor

Hargeysa (BGM) Afhayeenka gollaha guurtida Somaliland Cabdiqaadir Maxamed Indho-indho, ayaa si rasmi ah u sheegay in aanay waxba ka dhimayn mudo kordhintii ay sameeyeen,waxaanu dhaliilo u jeediyay xisbiyada dhawaan go’aanka gaadhay.

indho indho

Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu si adag ugu nuxnuxsaday in aanay go’aankooda badalayn, waxaanu sidan u sheegay waraysi uu siiyay shabkada wararka ee Hadhwanaagnews, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi“Shan miridh laga dhimi maayo, go’aankaasi waa sharci oo waa dastuuri cid ku dhacda oo tidhaahda waxbaanu ka daba dhoobdhoobnayna ma jirto, kuwa qayl qalinayaana waa kuwo dastuurkoodii weeraraaya waa niman doonaya inay awoodii golaha qaataan oo aan xaq u lahayn,heshiis xaaraan ahi go’aan xalaal ah wax uu ka qaadayaa ma jirto, anagu ma nihin gole niman intay meel fadhiistaan ay wax ka daba qorqoraan.”
si kastaba ha ahaatee golaha guurtida somaliland ayaa ku fara adaygay hirgalinta go’aankii dastuuriga ahaa ee ay muddo kordhinta ugu sameeyeen xukuumadda & golaha wakiiladda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS