BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiye Cirro oo Xildhibaan Rayte Kaga Baxay Balanqaad uu Hore Ula Galay
June 5, 2015 - Written by editor

Hargeysa (BGM) gudoomiyaha xisbiga waddani ayaa balanqaad uu hore ula galay xildhibaan rayte kaga baxay, balanqaadka uu gudoomiye cirro la galay xildhibaan rayte ayaa ahaa inuu siin doono xilka gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga waddani balse xildhibaan rayte oo in muddo ahba ka rajo sugaayay balanqaadka uu la galay gudoomiyaha ayaa  markaliya ku warhelay inuu gudoomiye ciro ku wacad furay islamarkaana uu wato nin lagu magacaabo cali kubad oo isagu ka tirsanaa komishankii hore ee doorashooyinka

ciro

xidhiidh aanu la samaynay xildhibaan rayte ayaan noo suurta galin kadib khadka telefoonka oo aanu ku waynay balse ilowareedyo ka agdhaw xildhibaanka ayaa sheegay inuu ka niyad jabay, kana fikirayo ka sii mid ahaanshaha xisbiga walaw aan la sheegin meel uu u diga rogan doono

xildhibaan rayte ayaa noqonaya masuulkii labaad ee ka tirsan xisbiga waddani ee  gudoomiye cirro ku wacad furo, waxaana hore gudoomiye cirro ugu wacad furay axmed muumin seed oo isaga uu diyaarsaday qofkii uu ku badalan lahaa marka uu dhaco shirwaynaha golaha dhexe ee xisbigiisu

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS