BALIGUBADLE MEDIA
GOBANNIMO DHAN-XIIR GAANKEEDDA NOQDEY!!!
June 8, 2015 - Written by editor

dhanxiirGabbal dumey habeenkoo dam yidhi, oon dayaxu joogin
Dab bakhtiyey kul dayro-dhaaf, diqin wax laynaysa
Dibindaabto xeer dabar-go’oo,doorashiyo been ah
Dumar iyo caruur ooyayoo,duqeydu yeedheyso
Xaq daguugmey daa’imo la dhacey,dunida oo qiiqday
Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey
Dan hallawday guri daad watiyo,dawladnimo qaawan
Calankoo ushii diideyoo,daabku celin waayey
Fin dillaacay doog soo kacdoo,arami soo daacdeydhanxiir
Ayuun baa dareenkii labaad, daaha lay fureye
Intaasoo dur-xumo oo dhacdaa,daawa lay yidhiye.

Dhanxiir waxa ku soo bixi jirey jariidadii jamuuriya ee uu lahaa Mujaahid Tuur Cabdi Shide (IHN) waxaana la sameeyey marka ay GOBANNIMO DHAN-XIIR GAANKEEDDA NOQDEY!!! xoriyadeeda la soo noqotey 18 May 1991,Runtii waxa loo Sameeyey Dhanxiir waxay ahayd ragan Siyaasiyiinta ee qarsanaya SOMALI WEYN,dhinaca kalena ka sheeganaya Somalind,Isla maalmaha waxa xamar tagey Saleeban Gaal ,Ina Buuba, iyo qaar badan markaasi ayaa Dhanxiir la sameeyey oo xalka maansha alaah waxay ahayd Somalia xalka wagerna waxay ahayd Somalind oo waa diidmo,waxaan u soo taagna iyadoo ka laga dareemo waxan Somalia u xaglinaya in la yidhaa waa DHANXIIR macnihii waa laba wajiile xagana Somalind ayuu kaa tusaya xaga kalena waa Somali oo isku dar ayuu raba.
Hadaba maanta maxaa taagan? Axmed Siraanyo ilaa inta aanu xusbiga kulmiye sameyn wuxuu ahaa dhanxiir ama Somali weyn in leysku daro Somali iyo Somalind, waxaan u soo joogey markii distoorka la sameeyey ee waliba aftida distoorka 98% loogu codeeyey gooni isku taaga Somalind ee cigaal yidhi WAXA AFTIDDA DISTOORKA INOO QOBTEY BIRTA AAN LIICIN EE SOMALIND WAA ABDI QAADIR JIRDE.
Siraanyo wuxuu ahaa ninkii BBC ka yidhi maaha in distoor loo codeeyo oo dadku uma bisla,Ummaddii Somalind ayaa aad u la yaabtey

Ahmed Siraanyo siyaasada Somalindna uu ka baxay malinta ka dib oo Libaaxi Cigaal (IHN) ayaa noola oo Lodon ayuu dagey ka
dib maalintu cigaal GEERIYOODEY (IHW) ayuu soo noqdey isagoo dhanxiir ah oo waliba timo beena soo xidhey ,ummaddu waa ogeyd inuu Somalia rabo waxa ogaa dadka waaweyn se wuxuu qaldey dumar iyo caruurtii aan warkiisa hayn iyo in uu ka iibiyey AWRKII CIRKA oo uu yidhi markaan 5 sano hayo ka dib baan idinku wareejin oo BUUDHI BILAA KURA UU KA KIREEYEY.
Axmed Siraanyo sidaanu maanta Somalind gooni isku taageeda u aamin saneyn ee aad og tahay xalkeynu mareyno ayaanu horena ugu aamin saneyn in SNM ay wadanka xoreyn karto,waad la socota in Cabdi raxmaan tuur (IHN) 6 bilood markuu hayey SNM xoreysay Somalind.
Hadaba Markuu mucaaradka ahaa wuxuu isku dayey inuu dagaal ka rido si walba se Sheekh Ibraahim Sheekh Yosuf ayuu mari waayey iyo ummada.
Doorashdii labaad wuxuu diyaariyey ciidan waad la socotaa inuu xirsi baabuur madaxa ka gurey oo la soo xidhey.

Wuxuu ku dhaqaaqey marku xukunka hantiyey inuu sameeyo:
1-Inuu qadiyada gooni isku taaga Somalind uu Sumeeyo oo uu baabiyo wuxuuna ku dhaqaaqey oo gabanimadii uu gobal ka dhigo gunimo maamul gabaleed uu dib ugu caliyo oo gabi ka tuuro:
A)Distoorka ayuu dib uga saarey in Somali lala hadlo ilaa dowlad wax goyen karta laga helo Somalia
B))Wuxuu furey wada hadalo been ah Somalia iyo Somalind.
C)Wuxuu xayiraadii ka qaadey siyaasiyiintii Somalind ee xamar ka howl gala waliba xilal u dhiibey sida Sifir iyo kan Bank Dhexe maanta uu u dhiibey.
D)Wuxuu Smeeyey in Somalia mashruucyo waraaqo ogolaasha
ah ka soo qaato dowlada dhexe ee Somalia.
E)Caalimku wuxuu tu sey inuu rabo fadaral oo cid walba wada hadalada waxay u haysata in leysku biirayo oo leysku noqonayo.
oo waa kii meel walba ka lahaa Somalind contiiner ayaa lagu xidhey.
2-Wuxuu baabiyey hanaankii doorashooyinka waxaanu ku dhaqaaqey:
A) Dorashadii degaanka ayuu musuqey,oo waraqihii ku gurey oo xitaa reerkoodu ku gurteen oo Burco,Berbera,ceerigaabo ilaa Hargeisa.bal ka waran hadii Hargeisa Nin reer gadiid ahi uu nin reerkoodu ka badiyey oo uga soo baxey.
B) Wuxuu soo saarey oo xusbiyo uu is yidhi kuwan ayaa kuu qabow oo uu hoosta kula heshiiyey oo wuxuu reebey xasan ciise,Gaboose,Dhagaweyne.
C) Maantana doorashadii ayuu 2 sano dib u dhigey.
D) xusbigii wadani ee uu is lahaa wuu kuu qabowyahay ayaa ilaahay dab kaga dhigey oo maanta xafiisyadiisii ka xidhey,60 madaxana ka xidhey oo dab ku noqdey.
3-Wuxuu baabiyey haykalkii dowladnimo waxaanu ku dhaqaaqey:
A) WuxuuSameeyey KUREY uu adeer u yahay ayuu wasiirka wasiiradda uu ka dhigey waa Xirsi Gaabe.
B)Kacaan beeleysan oo meel walba boob iyo dhac ka wada oo uu abuurey.
C) Qabyaaladii ayuu soo nooleyey oo hadey qandaraas,xil, wax walba u dhiibey.
Wasiiradda reerkiisu waa lama taabtaan,sida doonaan ayeyna u boobaan.
D) Wuxuu sameystey guulwadayaal,Ciidan Gaara iyo dad aan xil ku magacaabneyn oo hadana awood badan.
E) Saxaafadii,xoriyed qoolkii iyo mudahraadyadii salamiga ahaa intaasiba albaabadda ayuu u xidhey.
4-Albaabadda ayuu u xidhey dhamaan saaxiibadii aynu caalamka ku lahayn iyo dadkii inoogu olaleyn jirey dalalkooda aawey barlamankii U.K? Aawey safiirkii Suoth Africa inoo fadhiyey? Aawey xidhiidhkii itopiya? Aawey saxiibadii West Africa ilaa Gaana? Aawey safaradii leynooga ogolaadey South Sudan?
Aawey joornaadii iyo wariyaashii caal;amka inoo sharxi jirey
Waxaas oo dhan wuxuu uga dan leeyahay inuu fidnadda hurudda uu toosiyo oo leysku dhaco oo ciidamo la keeno Somaliland gudaheeda timaado sida xamar,Siraanyo waa dhanxiir inoo gabadey sidii GOOD IYO GULEED.

googaa Hadraawoow
Gaariyowna cigalee
Geney weeye xaajadu
Good baan nin cunay beri
Guursaday habeenkaa
Gabadhii arooskii
Gogoshii ku keliyee
Geeri lama filaanaa
Guryihii ku timiyoo
Gacalkiina subaxii
Raadkiisii buu guray.

Isagoon god wali helin
Meeshuna gawaan tahay
Aan geed la cuskadaa jirin
Buu gadaal jaleecada
Arkay guuto raacda ah
Guul-darayste meeluu
Ku gabado ma haystee
Gocashuu miciinsaday

Inyar goortii loo jiray
Ayuu goodkii nin u yimi
Guuleed la odhan jiray
Oo iska gooni socoto ah
Wuxuu yidhi gantaalaa
La ila gaadayaayoo
Gurmad baa igu soo dhow
Gudmaa la isataa badan

In la I gowracaabaa
Talo lagu gudoonsaday
Go’I waa imagan gali
Haddii aad nin goba tahay
Garanmaayo buu yidhi
Jilbiskaa galaasha leh
Iyo gooh dhegeystaha
Sidaan good ku aamino
Goormay dad iyo bahal
Gacan-saarka yeesheen

Colaad sii gun dheeroo
Guuna baa dhex taalaye
Bini aadami goormay
Gacal noqdeen abeesada
Imikana waar goodoo
Aan kuu gabagebeeyee
Inaan goob xun lagu dhigin
Ha I gunaanad seejine
Ana galabta ha I dilin

Wuxuu yidhi in gawsaha
Waabayda gaaxsaday
Miciyuhu ku gaadhaan
Haka yaabin guuleed
Mana ihi gabraartaha
Gunta habar-dugaagee
Xor gurguurtaan ahay
Guuleed ismuu odhan
Goodkuna naftaaduu
Inuu gooyo jecelyahay

Guuxana wuxuu ku sii yidhi
Allahayoow guracanaa
Isu soo galkeenani
Wuxuu yidhi bal goodoow
Hadaan kuu gargaar falo
Goormaad iga hadhaysaa

Wuxuu yidhi gooshaa dhow
Kula gaadhi maayee
Guutadaa ii daba mari
Waayahaye guudoow
Ma guntigaan ku geliyaa
Mise garanka hoosiyo
Gaadada dhexdoodaa

Anaa garanayuu yidhi
Igu qari go’aagoo
Luquntaada sida geed
Anaa is giringirshee keen
Kuma diidin guuleed
Geb ku soo dheh buu yidhi

Goodkii ninkii qari
Gaadihiina daba mari
Guutadii ka nabad gali
Markuu geeyey meel aan
Weerar lagala gaadhayn
Ee uu gadiidkii
Sidey maalin galinkeed

Goodoow soo deg buu yidhi
Waayahaye guuleed
Allahayoow gobsenidee
Waligaa nag goolmoon
Kumaad dhaafin gaajo’e
Gartay deeqsi baad tahay
Goobaha dagaalkana
Nin ku geesiyaad tahay

Goortay u daran tahay
Nin la magan galaa tahay
Garaad beelo daaje’a
Guun aqoon leh baad tahay
Geestii la eegaba
Garbo la dugsadaad tahay

Hadaan gabadh ku siin laa
Isma geyo dad iyo hee
Bahal hoose guuleed
Ido gorad madoow iyo
Geestayda xoolaha
Weligay ma dhaqan geel
Xagayaga gamaankiyo
Geenyo lagama qoofalo
Gebigeed wax lacagana
Ma hayaan guryahaygu

Mar hadaanan garanayn
Guushii baladhnayd
Waxaan kaga abaal gudo
Anay ila gudboon tahay
Sidaan adiga kuu galo
Waayahaye guudoow
Goor-danbaynu joognaa
Gabood daydayuu yidhi

Wuxuu yidhi nin godob qaba
Geyigaba dhamaantii
Laga goobayaan ahay
Waxse galabta sheeko leh
Nacasnimada guuleed
Gadhku kaaga soo baxay
Guuleed markaasuu
Ka dareemay goodkii
Inaan laga geyoonayn

Wuxuu yidhi mar goodoow
Gondaa kaalay hoosoo
Garbahayga soo dhaaf
Guuleed warlaawoow
Gaagaabso buu yidhi
Good cuna ku maranoo
God dhul waayey baan ahay
Guudkayga kama dago
Ha gilgilanin buu yidhi
Gacmaa laabo buu yidhi
Go’a ha huwanin buu yidhi

Markaan gano jidhkaagee
Dhiigaaga gorarsado
Guulyahay dheh buu yidhi
Garaac sacabka buu yidhi
Goortay u daran tahay
Gaadh iga qabuu yidhi
Inaan gamo ha moodine
Waan kuu il-galaclayn
Waana kuu gol leeyahay

Guuleed naftiisuu
Goor-baas canaantoo
Gebi igu dun buu yidhi
Gabal baasna ha I dhaco
Dhib wixii I gaadhaba
Anigaa isu geystoo
Goblan bahasha hoosaay
Ilayn good abaal maleh
Genayoow bal labadaa
Sidee baad u kale guri
Gaariye maskii iyo
Kala saar bal guuleed
Good iyo hadraawoow
Ugar-qaad ninkii sidey.
SOMALILAND ILAAHAY HOW GARGAARO GOONI ISU TAAGEDDA
AMIIN……AMIIN……AMIIN…….
MAHADSANID
ABDI ALI JAMA
LONDON
daljire99@gmail.com

COMMENTS