BALIGUBADLE MEDIA
FARIIN: MAXAA KEENA IN JAADKA LALA QABSADO?:QORYO RAAMSO QUUDKANA YAREE QAADOW ADIGAALEH, W/Q:mubarig farhan farah araye .q/1AAD.
June 9, 2015 - Written by editor

unnamedMar walba iyo goobkasa oo aan ku suganay wanaan jeclay in aad waxa kajira ama xaalda

lagu suganyay aan wax ka tilmaamo hanoqoto toosin, tusaalayn iyo taloba aan usoo jeediyo

dadwaynaa dalka ha noqoto masuuliyiin iyo bulshooyinka kala duwan ujeedaduna ay tahay

in wixii qaldan ama xun meel looga wadajeesto.

Maantana waxaan rabaan in aan mawduuca qaadka ku saabsan aan bulshada somaliyeed

wax uga idhaahdo anigoo ujeedin doona talooyin,iyo tusaalayn daaran afooyinka qaadka iyo

waxyeelooyinkiisa ha noqoto mid caafimaad ,dhaqale ama duunyo,iyo waliba mid diineed.

Geedka qaadku waa geed mudo dheer ku soo dhex jiray  dadka soomalida iyo waliba taas oo

ay kaga yimid wadamada  la darisa Somalia sida Ethiopia Kenya Yemen iyo walib wadamo

kale oo kamida afrika.

guud ahaan qaadku waxaa keenay laba qolo oo ay  kamidyihiin wadaadii barigii hore u cilmi

doonanjirtay dhinacaa dalka oromada ee ethopian kamida iyo dadka u cilmidoonan jiray

dalka yemen,waxaa sidoo kale dalka keenay darawaladii wadijirtay baabuurta xamuulka ah

ee isaga gooshi jirtay dalalka Somalia,Ethiopia iyo waliba Kenya taas oo ay inta ay ku jiraan

jidka isticmaalijiray ama cunijiray geedka qaadka.dadkaa tacliin doonanyiray iyo darawaldii

gawaadhida xamuulka ayaa sababay in uu qaadku soogalo wadanka somalida.

Isticmaalka foosha xun oo fisqigu la jiro wuxuu bilawday markii ay cuniddiisa bilaabeen

fannaaniinta iyo dhallinyarada oo labada jinsiba leh. Cunidda qaadku waxay si muuqata ugu

gudubtey Koofurta Soomaaliya xoroobiddii iyo midowgii kaddib.

Qaadka dulka soomalida waxaa laga madnoocay dhawr jeer Ingiriisku wuxuu qaadka

Woqooyiga soomalia(ee Somaliland)ka mamnuucay mar ama labo goor afartamaadkii iyo

kontomaadkii.waxaa sidoo kale koonfurta Somalia oo uu isticmaalkiisu kaga yaraa wagooyifa

Somalia oo uu talyaanigu kamabnoocay wakhtigii 1952kii.waxaa sidoo kale dawladii Somalia

ay kamabnoocday qaadka sanadkii 1983kii.

Mudo kadib dadka soomalidu waxay laqabsadeen nunida qaadka oo uu noqday mid kamida

waxyaabaa ay bushadu sida caadiga ah isga cunto waxa uu gaadhay heer uu gaadhay in loo

isticmaalo geedhka qaadka in lagu wada sheekaysto,waxaa sidookale ay odayaashii daqanka

unoqotay in ay hadii ay arin galanyaan ay isticmaalaan qaadka una isticmaalaan maamuus,

soodhawan iyo sooryo hadii ladhigayaba waxaa sidoo kale uu laqabsaday dhalinyaradii

xiligaas oo u isticmaali jiray xiliga ay guurka damacsanyihiin iyo xiliyada aroostyadaba iyaga

oo iskugu macsuumijiray iskuna hadiyadanjiray.sidookale geeka qaakda ahi waxa uu gaadha

dadkii beero falatada ahaa oo iyaguna bilaabay in ay u siidha doontaa wadamada Ethiopia

iyo Kenya taasina waxay sababtay in uu sii kordho isticmaalka qaaka ilaa heer uu gaadhay in

dulak soomalida laga aba beerto lagana ganacsado.

Waxaa la cunaa caleenta iyo laamaha curdanka ah ee qaadka, sababta loo cunaana waa

falkiisa maandoorinta. Iyadoo taas la xiriirta, inta uu jirka ku jiro qofku wuxuu dareemaa

raaxo iyo firfircooni jir iyo aroor fikrado khayaali ah oo aan dhaafin raad waxtar leh. Marka

uu jirka ka baxo qofku wuxuu dareemaa daal iyo habbiso.

Qaadyahannadu waxay u qaybiyeen waqtiga qofka qaadka cuna afarta marxaladood oo

socda: xaraarad oo ah marka uu sida mamman u raadinayo, waqtigaasoo markii uu yimaado

dadku xaggiisa u yaacaan iyagoo ku qaylinaya “soo dhacyeey”; marqaan (sarqaan) oo ah

marka uu dhiiggiisa ku jiro oo uu xiddigaha la cayaaro; qaadiro oo ah marka uu jirka ka baxo

oo uu qofku habbisaysanyahay oo uu hamhamaansanayo, iyo dubaabo oo ah mar uu

dareemayo in bahallo jirkiisa jaranayaan ama dabada ka gelayaan. Calaamooyinkaasi waa

kuwa lagu yaqaan maandooriyeyaasha. Qaadku wuxuu la wadaagaa mukhaadaraadka kale

waxyaalaha soo socda:

·  1. Raadin mintid ah oo wax walba loo huro, qofkana xishoodka ka qaadda

·  2. Ubarasho oo qofka ku sii jiidda inuu cuniddiisa kordhiyo, ilaa u ka gaaro heerka

loo yaqaan “qaadqabaxa”

·  3. Kuxirnaan oo ah in qofku ka maarmi waayo cuniddiisa, taasoo gaarsiin karta

inuu subixii shaqada tegi kari waayo haddii uusan qaad ku quraacan, kaasoo loo

yaqaan “jabbane”.

Waxyeellooyinka qaadka

1. Caafimaadka.

Geedka qaadka waxaa daraasado badan lagu ogaaday in ay ku yiraan maadooyin ak maida

yihiin kaataniiin oo molar maskeedu yahay 149.19mol/gram  iyo kaatiin oo kamida

antifaytamiinka.

Maadada katniin marka ay la falgasho oksijiinta waxay samaysaa in ay noqoto kaatiin taas

oo sababta in uu qaadka uu noqdo qaad aan daroogo badan lahayn una sabeeyaan daka

cunaa in aanay ku midrqaamayn qaadkaas taasina waa ta sababtay in maka qaadka

lasoojaro loo sameeyo in la dado ama lagu duubo caws iyo jawaan qoyan lagu duubo mudo

kooban la isku dayo in lagu gaadhsiiyo halkii logu talogalay hadii 48saacadood uu dib uga

dhaco waxaa ku yimaada hoos udhac mirqaan. tasina waxay culimada daraasada ku

samaysay in maadada  kaatanoonka ku jira qaadka maka uu la falgalo oxigenta ay isu

badasho kaatiin oo ka daroogo yar kaatanoonka.

Sidookale waxaa jiran in geedka qaaka laga ilaaliyo fitiika iyo cadceeda isaga oo ay maka

maadada kaatanoontu ay dareento iftiika sida ka hilaaca iyo cadceeda ay samabto in ay isku

badasho kaatinin kadibna ay hoos udhacdo maadada keenta miqaanka,taasina waxaa ay

isticmaalaan in ay darawaliinta qaadku sameeyaan inay kadadaan iftiinka hilaaca  iyo

qorakaxadba.

·  a) Dhimirka

Qaadka waxaa la ogaaday in uu qofka cunaa ku miqaamo taasi oo lagu qiyasay in uu xaalda

habdhiskiisa jidheed uu ushaqaynayo sidii nin dagaalku ku yidra taas oo dhamaan unugyada

jidhkiisa la amrayo in kacsanaadaana marka uu qofku dagaalka ku jiro waxaa xididadiisa

dhiigu sameeyaan in ay isku ururaan ama dhuudhuubtaan sameeyaana xinjiraw ama waxa

loo yaqaan blood clouting oo marka uu qoku dagalka ku yiro usahasha nabarka ku dhacaan

in uu si kadisa u xinjiroobo,hadaba qofka qaadka cunayaa waxa uu ku jiraa dagaal taas oo uu

markaste oo uu cunaayo lamida nin dagaalku jira,balwadaad ka warantaa nin ku jira dagaal

habeen walba sida uu noqonayo waxaa uu sababi karaa in uu halis uyahay in uu ku yimaado

cimri dagdag iyo waliba xanuunada kamida dhimirka sida waalida ama  shakiga.

Saamaynta ugu muhimsan ee qaadku waa tan dhimirka, taasoo la xiriirta awooddiisa

maandoorinta. Qofka cunidda qaadka badsada waxaa lagu yaqaan caro badan iyo ilaalin

la’aan tebinta fikradaha iyo dhaqdhaqaaqa jirka, kuwaasoo sabab u noqon kara dagaal iyo

shilal, siiba markii uu qofku baabuur wado. Cunidda badan oo raagta ee qaadku waxay iyadu

keeni kartaawaalli dhab ah.

· b) waxa uu ku sababaa dheefshiidka.

Maaddooyinka katiinka, katinoonka iyo tanniinyada ee qaadka ku jiraa waxay dhabqiyaan

hawlaha dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro, yabuusad, caloolholoc (gastritis)

iyo beerqolfow.

· t)  Waxa uu ku sababaa afka.

geedka qaadka waxaa ku yidra maadada katinoonka kaas oo la falgala candhuufta halkaasi

oo ayka dhalato buluukoos taas oo sababta in bakteeriya ku dhalato qofka ilkihiisa.sidoo

kale waxa uu   burburiyaa ilkaha iyo cirridka, taasoo dhibaato u keenaysa hawsha calalinta

iyo caafimaadka afka keentana nadaafad daro iyo foolxumo.

· j) Cudurrada faafa ee dhiska dheefshiidka

Cudurradaasi waxay ku soo duggaalaan sida nadaafad xumada leh oo qaadka loo iibiyo,

isagoo gacmo badan oo aan nadiif ahayn soo mara, busta iyo cayayaankana aan laga xafidin.

Cudurrada habkaan ku iman kara waxaa ka mid ah cagaarshow, daacuun, shuban, dabadhiig,

tiifow, ameeba, iwl, oo ah kuwa laga qaado nadaafadxumada cunnada iyo biyaha sidoo kale

waxaa laga qaadaa xanuuno aq xooluu ka qaadaan dooga isla markaan marka uu bila

aadanku xuno geedkan qaadka ee cagaaran sababa in xanuuno ku dhici jiray xoolaa lagu

arko bila aadan amaba dawadiisa la saari waayo.

· x) Cudurrada faafa ee dhiska neefsadeenka

Faafidda cudurrada noocaan ah waxaa kaalmeeya jawiga cabbursan ee goobaha qaadka lagu

cuno, iyadoo dariishadaha la xiro, sigaar badan la cabbo, muddo dheerna laysku neefsanayo.

Maadaama habka laysu qaadsiiyo cudurrada faafa ee neefsadeenku uu yahay in uumanka

cudurradaas keenaa ay soo raacaan neefta uu qofka jirrani soo saarayo oo usoo gudbaysa

dadka fayow waa la wada garan karaa sida jawiga cabbursan ee aan soo sheegnay u

kaalmayn karo kala qaadidda cudurrada noocaan ah. Bal maleeya khatarta weyn oo ay u

ban dhiganyihiin dadka qaadka cunayaa haddii uu ku dhex jiro qof qaaxo sambab qabaa.

Cudurrada saabka ee qaadka cuniddiisa ku soo gabban kara waxaa ka mid ah: qaaxada,

qaarjeexa, ifilada, hargabka, iwm.

· kh) Cudurrada bulshada (cudurrada fisqiga)

Sida la ogsoonyahay qaadka cuniddiisa waxaa marar badan la xiriira is-dhexgal aan

bannaanayn ee rag iyo haween oo keena xiriir jinsi oo xaaraan ah. Cudurro xunxun ayaa

sidaas lagu kala qaadi karaa oo ay ka mid yihiim: jabto, waraabow, AIDS iyo kuwo kale.

Waatii uu yiri ninkii qaadka ka gabyey:

Qalbi kacay qalab aan lahayn qaadow adigaa leh

Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh

Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh

·  d) Nadaafadda guud

Dhibaatooyinka caafimaad ee qaadka waxaa ka mid ah qashinkiisa oo meel walba lagu

daadsho iyo kaadi iyo saxaro aan loo meel deyin ee xagga dadka qaadka cunaya.

2. Bulshada

Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku way badanyihiin waxaana ka mid ah kuwa soo socda:

a) Khilaaf iyo kala tag qoyska dhexdiisa ah

b) Dayicid daryeelka iyo tarbiyadda carruurta

t) Dhaqanxumo (xishoodarro, dhillaysi, iwl)

j) Sigaarcab

x) Khamrocab (3% dadka qaadka cunaa khamradana waa cabbaan)

kh) Uhorseedid xumaan dadka kale, siiba dhallinyarada  Iyadoo arrinta lagu xusay

qodobka ugu dambeeya la xiriirta, ayaa Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha

ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri: “Qofkii jideeya jid san wuxuu leeyahay

ajarkiisa iyo ajarka qofkii ku camal falay, qofkii jid xun jideeyana waxaa korkiisa ah

dambigiisa iyo dambiga qofkii ku camal falay”

3. Dhaqaalaha

Keenidda qaadka waxaa ku baxda lacag adag oo waxyaalo kale oo faa’iido leh lagu keeni kari

lahaa. Waagii Dawladda Soomaaliyeed qaadka mamnuucday (1983kii) waxaa la qiyaasay

inay keeniddiisa ku bixi jirtey lacag gaaraysa US$ 47 malyan. Joornaal carabi ah oo dhowaan

soo baxay wuxuu sheegay inay Xamar maalin walba ku soo degaan 12 dayuuradood oo qaad

sidaa. Isugeyntooda kharajka maalmeed oo ku baxa waxaa joornaalku ku qiyaasay US$

87,771. Marka kharajka sano ee qaadka ku baxa, Xamar oo keli ah, wuxuu noqonayaa (US$

87,771×365=US$ 32,036,415). Haddaba, haddii laysu geeyo kharajka qaadka ku baxa dalka

gudihiisa oo dhammi intee buu noqonayaa? Waa lacag fooqal caqli ah. Lacagtaas tirada

badani waxay gashaa labo dal oo aan xinif  leennahay, taasoo xoojinaysa awooddooda

dhinac kasta ah. Sow arrintaasi muujin mayso fiiro gaabni dhaqaale iyo ficilo yari qarannimo

?!

Xagga kale, dhibaatooyinka dhaqaale oo ina haysta awgood, waxaan in badan u qaylo

dhaansannaa gargaar hey’ado ama dawlado shisheeye ah. Haddaba, mar haddii aan

innaguba si micno darro ah u gubeynno dhaqaaleheenna, sidee baan u fili karnaa in

laynooku garaabo?.

4. Ujeeddooyinka guud ee sharciga

Cunidda qaadku waxay si buuxda uga hor imanaysaa ujeeddooyinka guud ee dhawriddooda

sharciga loo soo dejiyey, kuwasoo ah:

· a) Dhawridda diinta

· b) Dhawridda nafta.

· t) Dhawridda caqliga

· j) Dhawridda hantida

· x) Dhawridda sharafta

· kh) Dhawridda dhasha

Haddaba, bal aan midmid u soo qaadno lixda danood oo kor ku xusan si aan u aragno sida

cunidda qaadku ay mid walba wax u yeelayso.

· a) Diinta

Cunidda qaadku waxay dhabqisaa gudashada waajibaadka diinta oo ay salaaddu ka midka

tahay. Sida cunidda qaadku ay u dhabqiso gudashada salaaddu waxay noqon kartaa:

- In qofka salaaddu ka tagto inta uu qaadka cuniddiisa ku mashquulsanyahay ama hurdo la

tagto soojeedka badan kaddib.

- In minadu si sahlan uga qubato oo markaas dahaaro la’aani ku dhacdo oo uu sababtaas

awgeed salaadda la gudan waayo.

Cibaadooyinka kale oo cunidda qaadku dhabqin karto waxaa ka mid ah bixinta sakada iyo

sadaqada kale iyo gudashada xajka, taasoo ka imanaysa kharajka badan oo qaadka ku baxa

oo haddii uusan jiri lahayn lacagta isaga ku baxda looga faa’iidaysan kari lahaa gudashada

waajibaadkaas diimeed

Waxaa yaab iyo amakaag leh in dadka qaarki u maleeyo in kharajkii kaga baxay dadkii uu

qaadka u qaaday uu la mid yahay sidii sako uu bixiyey oo kale!! Haddeed, qofka noocaas ah

sow arrintiisu noqon mayso “kaaf iyo kala dheeri iyo kaan u dhigtayba maaha”, marka

meeshii uu ajarkii sakada ka filanayey lagu soo oogo dambi hanti baatulid.

Ilaahay wuxuu yiri: “Dhab ahaan shaydaanku wuxuu doonayaa inuu idinka dhex rido colaad

iyo caro, khamrada iyo khamaarka awgood, iyo inuu idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo

salaadda ee ma tihiin kuwo reebtoomaya”? (Suuratul Maa’idah, aayad 91)

Ilaahay wuxuu kale oo yiri: “Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa salaaddooda moogaanaya”.

Kuwaas waxaa lagu fasiray inay yihiin kuwa salaadda waqtigeeda dib uga dhiga, iyagoo wax

kale ku sii jeeda (Suuratul Maacuun, aayado 4,5).

· b) Nafta

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa nafta, iyadoo sabab u noqon karta dhimasho, taasoo ka

iman karta shilalka cunidda qaadka la xiriira iyo cudurrada dilaaga ah oo cuniddiisa ku

soo duggaala. Xataa haddii uusan qofku dhimannin wuxuu u ban dhiganyahay jirrooyin iyo

nafaqodarro ka imanaya cunidda qaadka.

Ilaahay wuxuu yiri: “Naftiinna ha dilina maxaayeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan”

(Suuratu Al-Nisaa’, aayad 29)

· t) Caqliga/garaadka.

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa caqliga, taasoo noqon karta waxyeello degdeg ah oo ah

inta uu qofku marqaansanyahay, kana imanaysa falka maandoorinta ee qaadka, iyo mid

dambe oo keeni karta waalli dhab ah.

· j) maalka.

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa hantida, iyadoo sabab u ah bixid kharaj badan oo aan

khasaaro mooyee faa’iido u lahayn qofka geliya.

Ilaahay wuxuu yiri: “Sii qofka qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo masaafirka, hana

baatulin hantida baatulid. Dhab ahaan kuwa hantida baatulaa waa walaalaha shayaadiinta,

shaydaankuna waa kii rabbigiis ku kufrin badan” (Suuratul Israa’, aayad 27).

x) Sharafta/firdiga.

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa sharafta, iyadoo ah dhabbe loo sii maro xishoodarrada,

sinada, khamrocabka iyo sigaarcabka, kuwaasoo dhibaatooyin kale oo badanna leh.

Ilaaay wuxuu yiri: “Dhab ahaan Ilaahay wuxuu farayaa caddaalad, samofal iyo in qofka

qaraabada ah wax la siiyo, wuxuuna reebayaa sinada, munkarka iyo dulmiga; Ilaahay wuu

idin waaninayaa si aad u waano qaadataan” (Suuratu Al-Naxal, aayad 90).

· kh) taranka.

Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa dhasha, iyadoo sabab u ah dayicid xannaanadooda iyo

tarbiyaddooda, kuwaasoo ah waajibaad waalidka dusha ka saaran.

Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri:

“Kulligiin raaceyaal baa tihiin, kulligiinna waa laydin weydiin doonaa wixii laydin

raaciyey; imaamku waa raace waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey, ninku waa

raace arrimaha qoyskiisa waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey, haweeneydu

waa raacdo arrima guriga ninkeeda waana la weydiin doonaa wixii la raaciyey,

adeeguhu waa raace arrima hantida madaxdiisa waana la weydiin doonaa wixii la

raaciyey. Kulligiin waxaad tihiin raaceyaal kulligiinna waa laydin weydiin.

Hadab iyada oo ay arimaahi iyo waxyeelooyinkaasi jiraan waxaan umada somalida ku

boorinayaa in ay iska ilaa ilaliyaan qaadka kana digtoonaadaan aafooyinkiisa mid aduunyo

iyo mid caafimaadba.

Mawduucan waxaa ka hadlay aqoonyahano badan iyo culimo badan walina ka hadla aniga

iyo intii isku dayday in ay wax ka qoran jaadka waan u mahad celinayaa iyada oo aan

aragtidayda iyo macluumaad hore oo laga qory qaaka aan adeegsaday.

Gabay abshir bacdle.

Boqolaal qorshoo wada qaya ah qaadow adigaaleh.

Qoryo raamso quudkana yareed qaadaw adigaa leh.

Qosdumiyo qayliyo quruuf qaadaw adigaaleh.

Qalbi qooqan qooraan wax trin qaadaw adigaaleh.

Quud dareeyoo kaadida qulqli qaaw adigaaleh.

Lafa qaawan dumar wada qariban qaadoow adigaa leh.

Jidhkoo qaasha nabarkoo qayaxan qaadaw adigaa leh.

Macdan qubata hawshoon la qaban qaadaw adigaa leh.

LASOCO QAYBTA 2AAD.

W/Q.MUBARIG FARHAN FARAH(ARAYE)

HARGEISA SOMALILAND.

TEL:063-4198372.

mubarig06@hotmail.com

COMMENTS