BALIGUBADLE MEDIA
Digniin Iyo Waano Golaha Kala Tashiga Iyo Kala Dirista” Somaliland” 26 June Hunguri Xil Qasab Kudoon” Hangolo Ha Lagaga Hortaago
June 9, 2015 - Written by editor

Waxaynu eegnaba wa sidaa Ururada bila sharciga ahii isagu dayaan inaay dadweynaha reer Somaliland ee jecel nabadooda horumarkooda xasiloonidooda kuna naalonayaa inaay halkaas horree uga sii socodaan aanay’se dib ugu noqon nidaam beeleed leh xanfo  naxli colaaad siyaasadeed oo dalka horumarkiisa ragaadiisa cadowga shisheeya dhiirigelin iyo farxad gelisa.
Dowladda madaxweyne Xaji Axmed Siilanyo waxqabad horumar baaxad oo bilic dhiso wadooyiin madaaro dekado  iyo dhaqaallee curin leh iyeey ku tallaabsatay oo ah ilahii halboow lahaa dalka.
Inta ka dhiman ee had iyo goor cabashooyiinka ka taagan yihiin ahna fulinta hirgelinta caddalaada garsoorka waxaynu ku kalsooni weynahay in dowladeednu ogtahay dareesantahay kuna hawlan tahay sidii dowlad iyo dadweyneba dalkeenu u noqon lahaa qaran ummad ku dhaqanta sharciga xaq dhawrida shucuurta dalkeena.
Hadaba Ururka la baxay Golaha Kala Tashiga iyo Kala Dirista Somaliland kuna bahoobeen rag waaweyn oo dalka halgan iyo karaamo ku lahaan jiray ayaan darro’se garan waayeey Xisbiyada sharciga iyo nidaamka dimoqraadiyadda dalkiina taageera oo kala gala Xisbiyada jira.
Dalkooda iyo dadkoodna gees ka raaca hiilkii iyo halgankii looga bartay sharafta iyo magaca ku lahayeen laguna ciseyn jiray inaanay ku wacad furin ceeb iyo magac xumo u sagootiiyiin.

Waxaa cad oo muuqata in dowladda Axmed Siilanyo dadweynaheedu taageero niyo iyo qalbi ah gude iyo dibeddba la garab taagan yahay Somaliland leedahay siyaasiin indho-garad madaxdhaqmeed aqoonyahano iyo awood ciidan  bolis nabad sugid leh difaac qaran oo haysta taageero shacab geesiyiin aragti fog leh.
Waxaan halkaan hanbalyo ugua dirayaa ciidanka qaranka Somaliland iyo lamahiisa kala duwan siiba bolisga nabad sugida oo heer calaami ah u gudta shaqadooda.

Waxaan kaloo kalsooni baaxad weyn iyo taageero u hayaa gudoomiyaha Xisbiga nabada iyo caddalaada ee Ucid halyeey Faysal Cali Waraabe Bad-Baadow qaran iyo golaha guurtida Ha’yada sharciga ee Distoorka dalka ugu sarreysa. Waxaa dadweynow inuu balan ah cidi 26 June isgu deydaa khal-khal abuur fowdo inuu aynu gacan iyo af meel uga soo wada jeesano sharcigana la la tiigsan doono niin ka weynnayn sharciga dalkeena.

ali biime <calibiime@live.co.uk>

COMMENTS