BALIGUBADLE MEDIA
Dib U Noolaynta Shilling-ka Somaliland Waa Guul: By … Axmed Muuse
June 9, 2015 - Written by editor

Wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga ee Somaliland waxaan ku taageerayaa doorka ay ka qaadatay in laga shaqaysiiyo lacagta Somaliland ee door kasta lagu kharash gareeyo daabacaadeeda hantida iyo dadaalka badan.
shilin somaliland

Wasaaradu waxay ciyaartay oo ay ka soo baxday door weyn oo laga rabay inay hore u dhaqaajiso, waana mid ay shacabka Somaliland u baahnaayeen, iyadoo hoos u dejin doonta koru kaca lacagta qalaad, gaar ahaana doolarka oo noqday midka koowaad lagu kala ganacsado.

Waddan kastaa wuxuu ku fanaa oo uu hore u dhaqaajiyaa lacagta waddankiisa, Somaliland maanta waxay muujisay oo ay dumisay dayr weyn oo dhanka qiimaha lacagta ah, qof kasta oo Somaliland yimaadaa wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu qaato lacagta

Shilling-ka dalkeena.

Sidoo kale waxaa iyana amaan iyo bogaadin mudan shirkadaha waaweyn ee inta badan gacanta ku haya kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadka guud ahaan koboca dhaqaalaha ee dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkadaha waaweyn ee ay ka midka yihiin TELESOM, DAHABSHIL, TELESOM, IYO KUWA QAADKA, waxaan leeyahay halkaas kaga haya oo hiil iyo hooba la garab istaaga xukuumadiina dadaalka badan ee muujisay bisaylka dawladnimo.

Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo waxaan mar labaad leeyahay waad ka soo baxdeen doorkiinii ahaa in aad umada ku hagtaan dariiqa horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha, waanad kaga dhabayseen fulinta balan qaadyadii aad ku dhawaaqdeen waagii aad ololaha doorashada ugu jirteen.

Inta hadhay ee idiin hadhsan hadii aa uu Rabbi in daayo dharaaro waxaan aamisanahay in aad halkaas ka sii dardar-gelin doontaan oo aad wax badan qaban doontaan, ilaahay haydila garab galo dadaalka aad muujiseen iyo waxqabadka aan la soo koobi Karin ee aad ku talaabsateen.

Allah Mahad Leh

Axmed Muuse

Amuuse203@gmail.com

COMMENTS