BALIGUBADLE MEDIA
Dahir Riyaale Khilaaf Horleh Iyo Qas Abuur Ayuu Lasoo Guryo Noqoday”
June 11, 2015 - Written by editor

Madaxweynahii horree Jamhuuriyadda Somaliland Mud’ Dhair Riyaale Kaahiin wuxuu u eeg yahay niin colaad iyo aargoosi siyaasadeed dooonayaa aan’se dhex-dhexaadnimo odeynimo guurtinimo dhaqan yahannimo midna lasoo guryo noqon.
Wax u dhex-dhexaadnimo u gacan ka geysto daa’yoo waxaad moodaa inuu soo fagaayo xanfo siyaasadeed dabna hurinayo.
Gobolkiisi Awdal muddo waxaa ka taagna xiisado kacdoon aanay reer Awdal marayn isaguna ka gaabsaday.

Mar horree iyaan maqaal ku bayaamiyeey ku cadeeyeey inuu Dhair Riyaale Kaahiin oo ammaan iyo bogaadiin badan la huwiyeey wanaag iyo talo qaran ugu maqnayn Somaliland kasoo jeediin. Halkaa madaxweynahii kuxigeenkii horree Mud Axmed Yusuuf Yaasin dalkiisa kaga jiro Kallin odeytiinimo talo bixiin leh ficil iyo dareen wadaninimo leh.

Kollay anigu shakhsiyaan Dhair Riyaale kalsooni badan kuma qabo in dacaad ka yahay isku duubnida midnimada dalkiisi dadkiisa sharafay mamuusay isagoo NSS ahaa samaaxay madaxweyne ka dhigay.
Inuu hadana imika muran iyo khilaaf kale loo baahnayn huriyo wa khalad. Habeen madow ayuu diyaarad kaga dhoofay dalka markii talada lagaga wareegay cod baaxad weyn wuxuu dalka kaga tegay qasnad madhan shaqaallee aan mushahaar qaadan dhowr bilood dal curiyaamin dhaqaalllee.

abdi jama <abdi-jama1980@hotmail.co.uk>

COMMENTS