BALIGUBADLE MEDIA
Bogaadiin Iyo Go’aamada Heshiiska Nabadeynta Ee Beesha HJ Iyo Dhulbaahantee
June 9, 2015 - Written by editor

Duco Iyo Bogaadiin Go’aanmada Shirkii Nabadeynta Beesha Burco Bari iyo Beesha Buuhoodle Oo Ah Od Wadaag Dhaqan Wadaag Xidid Iyo Gacal Taariikh Mugweyn Oo Gobnimo Wadaaga.”

Waxaan si leh dareen kalsooni wadanimo walaaltinimo isla markaasna xambaarsan milge dhaqan yahanimo usoo dhaweynayaa go’aamada heshiinta iyo dhaxal gal ah ee madaxdhaqmeedkii Beesha HJ Iyo Dhulbaahantee sidaa caadada u ahayd u lafo gureen qallinkana ugu duugeen heshiis nabadeed oo lagu wada farxay laguna wada dhaqmi Beelahaas miisan iyo taariikh mugaweyn huwan ee aan siina u kala marmiin meelna kala tegayn.

Oo ah ul iyo diirkeed heshiiska rasmiga ah ee dhexmaray Beelahani wuxuu guul iyo wax tar u yahay cid kastoo Somaliland ah iyo inta kale ku hadasha amase ku abtirsa’ta magaca Soomaaliyeed ee jecel hananka nabada iyo wada noolashasha xaq dhawrida xuquuqda walaaltanimo hanti wadaag daaq wadaag mamuul wadaag nabada iyo xasilooni wadaag aqoon iyo talo wadaag siyaasad iyo caano iyo nabad wadaagid.”’

Gacal iyo Sookeeyaba nabadiina lagu farax guul iyo gobnimo.”

COMMENTS