BALIGUBADLE MEDIA
Xusuustayda Xilliyadii Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare) (1934kii – 2015ka)
February 4, 2015 - Written by admin1

fff

 

Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala-maagtay,

Haddi geedka la isugu yimaad, golaha waayeelka,

Nin waliba hadduu gees damcoo, giijo madixiisa,

Wax la wada gorfeeyaba halkii, la isugeyn waayo,

Guddoonkii la wada raaci jiray, gocanayaa mooyi,

 

Maansadii Geeridii Xirsi ee Cali Jaamac Haabiil,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

 

Qormada: 2aad

 

Hargeysa, 4/2/2015ka,

 

21kii Jeeniweri, 1971kii ayay xukuumaddii millateriga ahayd ee dalka markaa ka talinaysay magacawday Guddidii Qoraalka Farta Soomaaliga ah oo ka koobnaa 24 Xubnood oo kala ahaa:

 

  1. Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali – Guddoomiye, (dhowr bilood ka hor ayuu dhintay),
  2. Yaasiin Cismaan Keenadiid,
  3. Mustaf Sheekh Xasan,
  4. Axmed Cali Abokor,
  5. Yuusuf Xirsi Axmed,
  6. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal,
  7. Cabdidaahir Afey,
  8. Aw Jaamac Cumar Ciise,
  9. Dahabo Faarax Xasan,
  10. Cabdillaahi Xaaji Abuubakar,
  11. Cabdillaahi Ardeeye,
  12. Xasan Sheekh Muumin,
  13. Maxamed Nuur Caalin,
  14. Maxamed Xasan Aadan (Gahayr),
  15. Xirsi Magan Ciise,
  16. Cumar Aw Nuux Cabdillaahi,
  17. Xaaji Maxamuud Insaaniya,
  18. Iikar Bannaa Xaddaad,
  19. Aaqib Cabdillaahi,
  20. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare,
  21. Axmed Cartan Xaange,
  22. Maxamed Xaaji Xuseen (Sheeko-xariir),
  23. Cabdiraxmaan Nuur Xirsi,
  24. Shire Jaamac Axmed,

 

Amarradii ay xukuumaddaa millaterigu siisay Guddidaas waxa ka mid ahaa:

 

  • In ay diyaariyaan qoraalka farta Soomaaliga,
  • In ay diyaariyaan buugaagta Dugsiyada Hoose,
  • In aan la soo hadal-qaadin dhowrkii farood ee kala duwanaa oo qaar Guddida ka mid ahi qaarkood ay lahaayeen,

 

Ilaahay ayaa iska lahaa sababaha uu qoraalku u hirgalay. Waxa kale oo meesha ku jirta go’aankii adkaa ee ay Golihii Sare ee ‘Kacaanku’ ka qaateen arrinkan qoraalka farta Soomaaliga. Gaalka dil, gartiisana sii ayaa la yidhiye, ka-sokow dhibtii aan qiyaasta lahayn ee ay dal iyo dadba u geysteen, haddana tallaabooyinka togan ee ay qaadeen askartaasi, qoraalka farta Soomaaliga ayaa ugu mudnaa.

 

Sida ay mudnaanta u leedahay shakhsiyaddii ballaadhnayd ee hal-abuurka iyo curintaba lahayd ee Xuseen Sheekh Axmed oo loo yaqaannay Kaddare, waxaad ka garanaysaa sida uu ugu ladhnaa ama ugu marraaba dedaalladii badnaa ee loo galay qoraalka farta Soomaaliga. Intii aanu millaterigu taladii dalka maroorsan, waxa xukunka hayay xukuumad rayid ah oo lahayd: Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo la soo doorto iyo Gole Wasaaradeed. Mudane Aadan Cabdille Cismaan oo ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ayaa beryahaas, dhowr iyo lixdankii, isaguna soo saaray go’aan uu ku magacaabay Guddi soo saarta farta lagu qorayo afka Soomaaliga. Guddidaasina, waxay ka koobnayd:

 

  1. Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal: Guddoomiye,
  2. Yuusuf Meygaag Samatar: Xoghayn,
  3. Yaasiin Cismaan Yuusuf: Xubin,
  4. Maxamuud Saalax (Ladane): Xubin,
  5. Dr. Ibraahin Xaashi Maxamuud: Xubin,
  6. Khaliif Suudi: Xubin,
  7. Mustaf Sheekh Xasan: Xubin,
  8. Shire Jaamac Axmed: Xubin,
  9. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare: Xubin,

 

Xukuumaddii Guddidan magacawday awoodda dalka oo dhan gacanta kuma hayn. Waxa kale oo jiray faro-gelin dibaadeed oo ka imanaysay safaaradihii ajnabiga ahaa ee Muqsisho degganaa. Waxay ku muransanaayeen oo ay kala taageerayeen dhowrkii farood ee saaxadda yaallay, gaar ahan farta laatiinka iyo farta carabiga. Muranka iyo doodda ayaa gaadhsiisnaa marka Laatiinka la soo qaado in la yidhaahdo ‘Laa-diin’ oo ah diin-la’aan.

 

Magaca Kaddare oo si la yaab leh ugu ladhan taariikhda qoraalka farta Soomaaliga ayaa inala galay, ee raalli ka ahaada haddii aan qalin-taraaray.

 

Xuseen Sheekh Axmed Hilowle oo loo yaqaannay Kaddare, qof caynkee ah ayuu ahaa? Bal hadda aan isku deyno in aan su’aashan si dhab ah oo mowduuciya uga hadalno ama wax uga qornaba.

 

Xuseen wuxu ka mid ahaa da’aaddaas dhalatay 1934kii, xilli uu gumeysigii Tlyaanigu dalka ka talinayay. Ma uu helin fursad uu ku galo galo dugsiyadii caadiga ahaa oo duruuftii gumeysi iyo tii uu ku noolaa ayaan u saamixin. Sidii dhaqankuba iska ahaa gobolladii kala duwanaa ee Soomaaliyed ee la gumeysan jiray, Xuseen wuxu wax ku soo bartay dugsiyadii habeenkii dadka waaweyn wax lagu bari jiray ee loo yaqaannay ‘Seeraale’. Waa erey laga soo dheegtay afka Talyaaniga oo ah ‘Sera’ oo macnaheedu yahay ‘habeenkii’ ama dugsiyada habeenkii la dhigto u taagnayd.

 

Marka aad tagto Maxmiyaddii Somaliland ee Ingiriisku gumeysan jiray waxbarashadii noocaas ahayd ee habeennimada dadka waaweyn wax lagu bari jiray waxa loo yaqaannay ama la odhan jirayba ‘Adlas’ oo laga soo dheegtay ‘Adults’ oo ah erey asalkiisu Ingiriisi yahay oo u dhigma ‘weyn’ oo loola jeedo dadka waaweyn.

 

Haddii aynu u leexanno xaggaa iyo dalka Jabuuti oo uu Faransiisku gumeysan jiray, qudhiisa waxa ka jirtay waxbarasho noocan oo kale ahayd oo dadka waaweyn habeenkii wax lagu bari jiray. Halkaana waxa looga yaqaannay ‘kuur-di-suwaarka’ oo ka soo jeedday ereyga Faransiiska ee ‘Cour De Soir’ lana macno ahayd waxbarashadii habeenkii.

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

 

COMMENTS