BALIGUBADLE MEDIA
Caymadoo hada na dhaaf
January 26, 2015 - Written by author

Runtii tani waxay la hadlaysa madaxweynaha oo aad moodo in uu galay kaanbayn,isagoo meel walba dhigaya dhagax beena, tvka xirsina uu buunbuuninayo oo shacabka been ka dhaadhicinayo ,hadaba iyada oo sidaasi jirto waxay u qeexaysaa shacabku in ayna niyad u hayn kuna leeyihiin caymadoo hada na dhaaf,codkan sababtoo ah waxa ay shacabku garteen beenta cad ee umada ku waalayo,kaasi oo ay ku doonayaan shan sanoo danbe waxayna maansado ku bilaabmi sidan

 siilaanyo

Cadaaladii xumaysee

Cudud weyn ku faantee

Kolba cayn ahaatee

Kaanbay ku carartee

Casarkan na waashee

Caymadoo hada na dhaaf

 

Ciyaar ciyaar na galisee

Caymisay samaantee

Xirsina cumaamadiyo

Caleema saartay mantabee

Caymadoo hada na dhaaf

 

Calooshooda la ciyaariyo

Af miishaaro coomanoo

Calaliya xumaanta

Casarkan keenkeentee

Caymadoo hada na dhaaf

 

Ciirsi ciirsi dalbatee

Cagta saartay gabiley

U carowday hawdkaa

Burcana ku cagushay

ku cashaysay sanaagee

boorame u ciirtee

salaltaa u cugatee

Adoo cod doondooni

Calaamadaysay meeloo

Nagu camaysay beenee

Jawaab cad ku siinee

Caymadoo hada na dhaaf

Hamse riiraash

 

COMMENTS