BALIGUBADLE MEDIA
Maxay Duur, Xoog, Xamarje & Boobe Ku Soo Kordhin Karaan Xisbiga Waddani ee Ay Ku Biireen”Faallo: Suxufi: Axmed Aadan Rooble”
November 28, 2014 - Written by editor

maalintii shalay ayaa xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynaayo masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumadda siilaanyo lagu qabtay hotelka crown ee magaaladda hargeysa, xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa siyaasiyiinta xisbigaas ku biiray hadalo u badan eedayn ay u jeedinayeen xukuumadda ka jeediyeen

axmed aadan rooble

balhadaba aynu milicsano maxay kooxdani ku soo kordhin karaan xisbiga waddani ee ay ku biireen

maxamed nuur caraale duur waa wasiirki hore ee arrimaha gudaha somaliland ee uu warancade xilka kala wareegay duur wuxuu mudadii uu xilka ka hayay xukuumadda ku kacay ku takri fal awoodeed oo ay kamid yihiin inuu RRU-da dadka guryaha ugu daadiyo saqbadhka habeenkii ku sii dheeraan maayo faaladda duur balse waxaan doonayaa inaan umadda yara tuso waxay shakhsiyaad hore xilal uga soo hayay xukuumadda siilaanyo islamarkaana hore bulshadu u soo aragtay mid kasta iyo kartidiisu ay umadda ku soo kordhin karaan marka laga yimaado dano gaar ah oo ay iyagu ka leeyihiin siyaasadda mooyee

boobe yuusuf ducaale wuxuu muddo yar xil ka hayay xukuumadda isagoo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta boobe waxa shaqada laga caydhiyay kadib marki ay isku dhaceen dhuxulka hafayeenka ka ah madaxtooyadda iyo saydika haysta wargeyska dawan balse amar madaxtoyadda ka yimi oo boobe lagaga dalbanayay inuu ka noqdo xil ka qaadis uu ku sameeyay dhuxul ayaa markiii boobe ku gacansaydhay amarka madaxtooyadda xilka laga caydhiyay

balse xukuumadda siilaanyo iyadaa boobe hagardaamo ula timi waayo waxay ka galaafatay mansabkii uu ka hayay akadamiyadda nabad iyadoo sababta ugu wayn ee boobe uga xanaaqo xukuumaddu tahay shaqadaas akadamiyadda ee laga galaaftay

xamarje: wuxuu badhasaab ka soo noqday goboladda marodijeex iyo togdheer mudadii uu badhasaabka ka ahaa maroodijeex wuxuu xamarje lunsaday raashin mucaawinooyin ah sida ay ku eedayeen maxkamadda iyo xukuumadda oo iyadu wakhtigaas xabsiga dhigtay

xuseen xoog wuxuu hore u soo qabtay xilka wasiirka caafimaadka waxaase xili aan la garanayn wax lagu maagay xilkii laga caydhiyay wakhti saqbadh ah isagoo subaxnimadii uu is yidhi xafiiiska kaalay uu ku warhelay in xilkii laga caydhiyay

markaynu ka nimaadno ka hadalka shakhsiyaadka ee xilalka ay soo qabteen kooxdani ma tahay kuwo ku cusub wajiga bulshada wax taageero ah se ma ku leeyihiin bulshada dhexdeeda

siyaasiyiintani way kala shakhsiyad duwanyihin balse intooda badani saamayn sidaas u sii wayn kuma laha bulshada dhexdeeda, laakiin hadana marka loo eego durbaanka muncaaradeed ee ay kooxdani tumayaan waa mid meesha ku jirta in muncaaradada kooxdani saamayn ay ku yeelan karto xukuumadda talada haysa maadaama oo ay isi siyaasad fahmayaan oo ay hore ula soo shaqeeyeeninkastoo siyaasyiinta guurguurtaa aanay wax macno ah bulshada ugu fadhiyin hadana waxa kooxdan u guurtay waddani lamid tahay kooxihii ukala gooshi jiray kulmiye & udub wakhtiyadii 2008 ilaa 2010

waxa iyaduna su’aal meesha ku jirta ah in xukuumaddu xisbiga kaliya ee ay iska ilalaalisaa noqday waddani oo maalamahan dambe muncaaradnimadiisu kor u soo kacday waxaase masuuliyiinta xisbiga waddani la gudboon inay isku shaandhayn ku sameeyaan mansabayada ama xilalka xisbiga mid sare ilaa mid hoose maadaama oo wali lagu xanto xisbiga in beel kaliyi buux-dhaafisay

Axmed Aadan Rooble

Baligubadlemedia.com

Hargeysa/Somaliland

axmedrooble77@gmail.com

COMMENTS