BALIGUBADLE MEDIA
Maareeyaha TV Qaranka Somaliland Oo Habeenkii Ugu Dambeeyey Kulan Habaqle Ah Kula Yeeshay Hawl-wadeena London Xili Uu Ambobax Yahay
November 15, 2014 - Written by admin1

Baligubadlemedia (London) Sida ilo ku dhadhow  Cabdi Daahir Bacow oo ah ninka ku magacaaban in uu yahay gudoomiyaha TV Qaranka Somaliland ee Yurub ay sheegayaan waxa xalay fiidkii uu maareeye Khadar Cali Gaas la yeeshay kulan isaga iyo hawlwadeenada sida rasmiga ah uga hawlgala London iyo sidoo kale C/raxaman Aadan Dhari oo isna ah nin ku magacaaban agaasime-waaxeedka tv qaranka. Kulankaas ayaa la sheegay in uu ahaa mid si weyn looga hadlay xaalada shaqaalaha, sida kuwa aan soo xaadirin ee haddna mushaarka la siiyo iyo xaalada guud ee waaxda tv qaranka ee London oo ah meesha lacagta ugu badan lagu bixiyo.

Kulanka nayaa la sheegay in uu marar badan isku badalay muran iyo xiisad ka dhex dilaacday maareeye Khadar oo la sheegay in markii hore uu ku wargaliyey shaqaalaha meesha kala wada in aanu la kulmay isagoo ku sobobeeyey in aanu ka masuul ahayn , isa markana aanu wax shuqul ah ku lahayn. Maareeye Khadar ayaa la sheegay in uu mudo ku dhow ilaa laba bilood ku sugnaa magaalada London, hase ahaatee uuna ka soo ag xaadirin xarunta TV qaran, lamina garanayo sobobta habeenkii ugu dambeeyey ee uu London sii joogo uu kulan aan hore loo qorshayn kula yeesho isla shaqaalihii uu hore u diiday.

Kulankan ka dhacay xafiiska inta badan iska xidhan ee tv qaranka xalay fiidkii ayaa shaqaaluhu ka cawdeen maamul la’aan meesha ka jirat iyo cid ay kala hadlaan xaalka liita ee qalab la’aan iyo nidaam xumo meesha ka jirta. Waxa sidoo kale la sheegay in laga hadlay sobobta uu wax uga qaba nwaayey maareeye khadar Cali Gaas cabashooyin badan oo oo ay hore ugu soo gudbiyeen  iyo sobobta ay ula xisaab tami laa yihiin xubnaha ku qoran in ay masuul ka yihiin ee aan haddana la arag ee aan ka soo xaadirin, marka laga reebo sida la isku raacay xiliyada wafti yimaadaan la arko.

Hase ahaatee kulanki xalay ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee uu maareeye khadar la yeesho shaqaalaha isagoo kala kulmay cabashooyin badan oo aanu waxba ka qaban Karin maadaama sida la og yahay maamulka tv uu kala wareegay wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse iyo isagoo aan awood u lahayn in uu la xisaabtamo xubnaha lagu magacaabay in ay masuul ka yihiim tv qaran laantiisa Yurub, balse toos ugu xidhan madaxtooyada iyo wasiirka.

Kulanka maareeye Khadar iyo shaqaalaha rasmiga ah ayaa ku soo beegmay xili sidoo kale Baligubadlemedia ay soo gaadhay warar sheegaya in qoyskiisu ugu baaqeen in uu iska casilo oo uu dantiisa ka raaco xilkan ka soo baxayaan warar aan wanaagsanayn iyo wasiir Cukuse la sheegay in uu awood tiray.

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

TV qaran

3 kumagacaaban masuuliyad qaran oo haddana 2 aanay u xaadirin iyo mid awood u lahayn in uu xisaabiyo

Baligubadlemdia

London

COMMENTS