BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo Jago Banaan Xaafadda Pepsiga Uga Raadinaysa Faysal Cali Waraabe Si Guri Laba Dabaq ah Looga Dhiso & Faysal oo Xisbigii Ucid Ka Dhigtay NGO uu Ku Shaqaysto
October 28, 2014 - Written by editor

Hargeysa (BGM) xukuumadda somaliland ayaa qorshaysay inay dhulbanaan ka siiso xaafadda pepsiga ee hargeysa gudoomiyaha xisbiga ucid eng: faysal cali waraabe oo mudooyinkan ku dhex milmay xukuumadda somaliland

faysal cali waraabe

qorshahan xukuumaddu dhulka uga raadinayso inay ka siiso xaafadda pepesiga ayaa lagu sheegay mid xukuumaddu ku doonayso inay mustafayn uga dhigto gudoomiye faysal si uu ula shaqeeyo xukuumadda iyadoo sidoo kale gudoomiye faysal xukuumadda isla xaafadaas uga dhisi doonto guri fooq ah oo laba dabaq ah

inkastoo xukuumaddu iyadu doonayso inay danaheeda ku fushato faysal ayaa hadana waxa maalmahanba uu gudoomiye faysal caadaystay inuu xisbigii ucid ka dhigto NGO uu isla leeyahay oo uu kolba mashruuca xukuumadda kaga qaato

si kastaba ha ahaatee waxa laga warsugayaa waxa musharaxa madaxwaynaha xisbiga ucid ka yidhaahdo talaabooyinka xisbiga gefka ku ah ee faysal maalmahan la soo baxay

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS