BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Ka Jira Qaar Kamid Ah Madaxda UCID Oo Cali Guray Ku Jiro uu Dhaqaalihii Ololuhu Uga Muuqaday Shirkada Alxarbi
October 31, 2014 - Written by admin1

Baligudabadle- ( Badhtamaha Hargeysa) Ilaa iyo intii ay soo baxday ku dil iibinta rugta buugaagta ee loogu magacdaray halyeygii ka mid haa bahda waxbarashada ee soo maray Somaliland iyo guud ahaanba Soomaali ee la yidhaa Gandhi Library, waxa soo baxayey hadalo isiidan iyo warar  muujinaya inta ka dhex faa’iidaysatay dhawaaqii ka soo yeedhay dhalinyarada Somaliland oo aad uga soo hor jeedsatay iibka rugtaas.

Xusbiyada Somaliland oo la og yahay in ay ku tiirasadaan ganacsatada waa weyn ee dhaqaalaha bixisa xiliyada ololaha, ayaa ilaa iyo intii ay soo baxday in madaxweyne Siilaanyo aanu is soo sharaxayn waxa gansacsato badani bilowday in ay baayacdo dhul badan oo ka caaganaa xiligii Riyaale iibinta. Waxa sidoo kale taa faa’iido u arkay xusbiyada mucaridka xubno waa weyn oo ku jjira, siiba xusbiga UCID oo dhaqaale la’aani hayso. Waxaana xubno uu ka miy yahay Cali Yusuf, Cali Guray bilaabay in uu badalo dhawaaqyadii awal ka soo  yeedhi jiray, isla markaana bixiyo san san damac dhaqqle doon oo ku wajahan shirkada Alxarbi oo maalmahan la hadal hayey in xukumada Siilaanyo ka iibisay Gandhi Library, boostii hore ee Hargeysa iyo dhismahii aqalka qaadiga.

Cali Dolar

Gudoomiye Cali Guray oo markan farta u taagay xaga maalku yaal

Dhaqaale doonkan cusub ee ka muuqda madaxda UCID, sida Cali Guray ayaa keenay in uu ka horyimaad kumanaanka dhalinyarada ah ee ku dhawaaqay diidmada iibka rugta buugata ee Gandhi, sidoo kalena waxa ay baajiyeen dhalinyaradii UCID  oo aan kaba hadal arinkan xusbi ahaan sida dhigooda Waddani oo ka badheedhay.  Musharaxa xusbiga UCID oo hadda ku sugan dalka Maraykan ayaa la sheegay in uuna ku raacsanayn hadalka ka soo yeedhay Cali Guray ee uu u dhigay in xusbigu ogol yahay in la iibiyo rugta.

Waxa la eegaaba halka uu sal dhigo isduqaynta maalqabeenada dhul doonka ah, xusbiga UCID ee  jeebku madhan yahay ee cid maalgalisa raadinaya iyo madaxweynaha ay xukumadiisu baayacaada ku mashquushay bilhii ugu dambeeyey xiligii la doortay. Hase ahaatee gudoomiyaha saddexaad ee UCID ayaan la ogayn in isbadalka ku yimid ee arinkan maktamada ee uu ku taageeray in buugta meesha laga raro lana siiyo shirkada in ay dhaqaale u keeni doonto xusbiga UCID xili uu jeebku ka liito.

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia  Wixii ka Soo kordha isbadalkan UCID

 

COMMENTS