BALIGUBADLE MEDIA
Dadka Reer Somaliland Oo Isweydiina Halka Lagu Soo Qoro Qandaraasyada Xukumada Siilaanyo Ay Qaraabo Bixiso Iyo Wasiir Xirsi Oo Cardiff Ka Sheegay Qandaraaskii 9aad Ee Si Qarsoon Loo Bixiyo
October 21, 2014 - Written by admin1

Baligubadlemedia – (Cardiff -Wales) Habeenkii ay Axdu soo galaysay ayaa magaalada Cardiff ee dalka UK iskugu yimaadeen wafti wasiiro  ah iyo xubno kale oo soo aaskhiro-toosa marka uu madaxweyne Siilaanyo UK yimaado, kuwaas oo uu ka mid yahay ninka lagu sheego safiirka wareega ee Somaliland, Kaysar C/laahi oo qaranka mushaar kaga qaata xil aan jirin oo magaalada Bristol degan, kana shaqaysta meel loogu adeego haweenka duqoobay oo ay leedahay NHS – laanta caafimaadka UK qaybta Bristol , ayaa bulshada magaalada Cardiff gudoonsiisay jeeg lacageed oo loogu talo galay in lagu daro mawada muhiimka ah ee Ceerigaabo, taas oo uu qaabilay wasiirka madaxtooyada iyo wadooyinka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaga iyo xubnaha kale ka hadleen goobtaas.

Kulankan qaabilaada jeega lacagta oo aad uga yar lacagtii ay ku kharashgareeyeen socdaalkoodii wafrtigii badnaa ee yimid shirkii London ee maalgashiga Somaliland oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee abid ay wafti intaa leegi dalka marqudha uga soo baxaan, ayaa waxa khudbadihii meesha laga jeediyey oo badi u badnaa isku camirid  iyo hadalo ka maagis xaqiiqda taal dalka.  Wasiirka wadooyinka, Xirsi ayaa meesha si kama ah oo aanu ugu talo galin ka sheegay in ay dhawaan ay bixiyeen qandaraaskii daamurka la dhigayo wadada Ceerigaabo. Qandaraaskana oo uu ku sheegay in uu yahay mid ah markab dhan oo daamur ah oo kka badan 2r tan ayaan hore loo maqal meesha lagu xayeysiiyey ee umada loo soo ban dhigay, hase ahaatee waxa soo baxday in uu ka mid yahay 8di hore ee qandaraas ee waa weynaa ee reer ahaan dad gaar ah loo siiyey iyo i kuwa yar yar ee intaa hoos loo bixinayo.

Dadka reer Somaliland ayaa is weydiinaya halka lagu soo qoro ama xayeysiiyo qandaraasyada xukumada Siilaanyo bixiso, waxaana maaliba mid laga maqlayaa afka wasirada awooda badan ee uu Xirsi ka mid yahay , waxaana Cardiff uu ka sheegay qandaraas aan marnaba umada aan la soo hordhigin. Waxa sidoo kale la is weydiinayaa in loo siman yahay qaranka Somaliland.

Waa madax qandaraasyada Somaliland - Xiidid Ku Xoolow

Waa madax qandaraasyada Somaliland – Xiidid Ku Xoolow

Baligubadlemedia waxa uu baadhis ku sameeyey qandaraasyada dalka oo aanu ku ogaanay in sida loo bixiyaa ay tahay si qaawan oo eex iyo qaraabo kiil ah, horena Somaliland aan u soo marin. Isla markaana aan loo joojin dadka kale ee aan ahayn hayb ahaan reerka madaxweyne Siilaanyo.

Baligubadlemedia

Cardiff- Wales

 

COMMENTS