BALIGUBADLE MEDIA
GUDDOOMIYAHA SARIF-LAYAASHA SOMALILAND OO KA HADLAY 300 OO MUWAADINIIN AH OO AY SHAQO GEYEEN IYO CAWAAQIBKA AY LA KULMEEN
September 24, 2014 - Written by editor

Waxa uu Xukuumada ku guubaabiyay inaanay Siin  Kaadhka Diwaan Galinta Dadkaas Soo galeetiga ah waxaana Uu wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Usoo jeediyay inuu ka digtoonaado Arintaas.

Guddoomiyaha Sarif Layaasha somaliland Maxamed Abiib Siciid Waraad oo marka


hore ka hadlaya Dadka Somaliland u dhashaya ee ay Shaqaalay siiyeen ayaa waxa uu yidhi”
 

“Ka Urur ahaan Waxaanu Doonaynaa inaanu shaqaalaysiino Dad Badan oo dalka Bilaa shaqo ku ah,kuwaas oo aanu siinay Kaar Yoono ay Magaalada kaga Xamaashaan,Waxaana ay Tiradoodu Dhamayd 300 oo qof Kuwaas oo Aanu ku xidhnay Qof Walba Inuu noo keeno cid ka masuul ah si aanu u siino Kaar Yoonka,.Waxaana Qofkaas la eegayaa Sida uu ugu shaqaysto,Qofkii halkaas shaqadiisa kasii wata waxaana u balan qaadnay inaanu siin doono Waxa kale oo uga manafacaad badan.

Guddoomiyaha Sarif Layaasha somaliland oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi Raaciyay”

“Lakiin Markii Caqabada ayaa ka hortimid waxaana Markiiba ay noo shegeen inuu Ajihanib ku cidhiidh-yay Goobihii ay ka shaqaysan lahayee,Waxaana ay noo shegeen inuu bakhaar waliba Haysto mid Xabashi ah oo u shaqeeya,Dadkii Wadanka lahaana Aad arkaysaan Sida ay ugu Cadilan Yihiin Dhulkoodii Hooyo,Waxaana Xukuumada usoo Jeedin lahaa in ay Dadkaas wax badan ka qabato.

Waxa uu Sheegay In Dhamaan wadamada Somaliland ay Jaarka latahay ay Bilaabeen Timirta iyo Cuntooyinka Lasiinayo Dadka Soo galeetiga ah waxaana uu yidhi”

“Dhamaan wadamadii oo dhami Waxa ay Inagaga Daydeen Sidii wanaag Sanayd ee aanu waxa u siin jirnay Dadka maaskiinta,Waxaana ku Boori lahaa Dadka Jooga somaliland Inaanay Lacag siin dadkaas Kasoo shaqo tagay adhigii iyo Xoolihii uu lahaa,Waxaana anigu Maraystay gabadh yar waxaana ay igu tidhi Maalintii Magaalada hargaysa waxaana ka uruuriyaa Kun Riyaal Taas oo dadkii u dhashayna ay waayee,Markaas Xukuumada ayaa Ka masuul ah Arinkaas ee waxa ka qabo ayaanu leenahay.

Waxa uu sheegay in ururku Taabo qaaday isla markaasna Waxa uu qurba hooga ugu baaqay in ay Gacantooda Wixii ay ku hayaan Ku soo tabarucaan si dadka Waalan iyo dadka Xanuun sanaya Loogu sameeyo Guryo lagu nasiyo Caafimaadkoodana lagula Tacaalo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Haay’adda Waraad Foundion Waxa uu sheegay in Dhawaan Daaha Laga Furi Doono Hay’adaas oo dadka Masaakiinta ah Caawin Doonta.

Waxa uu sheegay inuu Yahay Guddoomiyaha Sarif Layaasha somaliland Balse Ninkaas Sheegta uu Gudayo Gud-cur Dama,isla markaas uu ka qaadi Doono Talaabo Waafaqsan Xeerkood,Waa sida uu hadalka u dhigee.

ISHA KU HAY BALIGUBADLEMEDIA.COM

COMMENTS