BALIGUBADLE MEDIA
Dharaaro Xusuustood,Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 29aad
August 10, 2014 - Written by admin1

Dharaaro Xusuustood

“Ciidun bi ayi xaalin cudta yaa ciidun

abimaa maddaa am bi amar fiika tajdiidun”

Abu Dayib Almutanabi

“Ciiday maxaad la soo noqotay ciiday

Ma wixii horeaa mise waa wax cusub”

Abu dayib Almutanabi

gees

Abu Dayib Al-mutanabi, waxa uu ahaa gabayaa Reer Sham (Suuriya, Libnaan iyo Falastiin) ah, deeto waxa xidhay Dawladdii Masar ee waqtigaas oo uu gabay ku aflagaadeeyey. Isaga oo jeelka ku jira, ayaa lagu dhawaaqay ciiddii oo la yidhi; “Berri waa ciid (waa ciidoo waa Cali baq-baq).” Ciiddii horena waa uu xidhnaa. dabadeed gabay carabai ah oo aan tuducan ka soo qaatay ayuu tiriyey oo uu leeyahay “ Ciideey maxad la soo noqotay ma wixii hore iyo jeelkii mise amar cusub ayaad siddaa.” “Hadda ciidey ma dhega la’aantii ayaad iigu soo noqotay mise war cusub baad ii siddaa?”

1997 markii Marxuun Cigaal mar labaad loo doortay xilka Madaxwynenimada, ayuu magcaabay guddi 16 xubnood, si ay ugala soo taliyaan xukuumadda uu dhisayo. Waxa Guddiga Guddoomiye u ahaa Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo markaas loo doortay Madaxweyne-ku-xigeen, dabdeedna noqday Madaxweynaha Somaliland muddo siddeed sanno ah.

Waxa isna Guddiga Guddoomiye-ku-xigeen ka ahaa Mudane Axmed Maxamed Siilanyo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland. Waar bal ishaaradaas daawo. Aniga iyo koox ay ka mid ahaayeen, Cabdiqaadir Jirde, Jaamac Saalax Maxamed, Cali Sheekh Carraaye ayaa guddiga ku jiray, waxase Guddigu u badnaa Rag Waayeel ah oo ay ka mid ahaayeen; Marxuun Cali Sheekh Maxamed (Jirde), Marxuun Jaamac Gaas Mucaawiye, Marxuun Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan), Marxuun Cumar Meygaag Samatar inta aan ka xusuusto.

Maalin ayaan odayaashii la kaftamay oo ku idhi; “Mudanayaal maxaad hawsha uga fadhiisan waydeen oo dhalinta ugu bannayn waydeen xilalka?” Waxa ii jawaabay Marxuun Sakhraan oo yidhi; “Waa tahay ee Pension (Gunno hawlgab) noo qora aan hawlgabnee.” Xujo macquul ah ayey noqotay . Arrintaas ayaa weli Somaliland haysata waar shaqaalaha xuquuq hawlgabnimo ha loo sameeyo oo sharcigii ha la curiyo.

Waxa la yidhi safarka dheeri, tallaabo ayuu ku bilaabmaa, cashuurta iyo dakhliga batay waxa uu ku bilaabmay kastamka abaarso oo xoogaa qaadka laga qaadi jiray oo nin Daahir Salaam la yidhaahdaa hormood ka ahaa (Waxba yaanu xoolana i siin xeerna ii gelin eh, xaasha allee nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaab eh).

Wasaaradda Bulshada iyo Shaqaaluhu hormood ha ka noqoto. Qoladan World Bank isku sheega iyo (ILO) Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee innagu wareeriyey seminaaradu ha ka hawlgaleen diyaarinta sharcigan.

Abuuridda Xeedhada Hawlgabku ama (Pension Fund) waxa uu dawr weyn ka qaataa kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhigaalka ama tashiilka dhaqaalaha bulshada. Marka hore shaqaalahaa dawladda ayaa lagu bilaabayaa, waxa lagu dhiirringelinayaa inay ka soo qaybgalaan shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Shaqaale badan oo hadda xafiisyada joogaa iyo madax badan oo Saraakiil ka ah Ciidammada, ayaa xilalka ka fadhiisan doona, oo dhallinyaradan Jaamacadaha ka soo burqanaysa shaqooyin heli doonta. Qofka waayeeylka ihi waxa uu xaq ugu leeyahay qaranka in dhaqaale hawlgab oo uu ku noolaado la siiyo, ee aannu noqon dameerkii xamar ee marka laga dhammaysto waddada ku ag bakhtiyi jiray. Dunida kale waxay sameeyeen xataa meelo Eyda iyo Dameeraha iyo Bisadaha gaboobay lagu xanaaneeyo oo shaaqale iyo dhakhaatiiri maamusho.

Qoladan Khawaajayaasha ah ee had iyo jeer ka hadla Dimuqraadiyadda iyo Maamul-wanaagga ayaan kula kaftamay, “Waar hadal haamo ma buuxsho, ee seminaaro saanbuuse lagu cunaa wax tarimayaan ee waxa loo baahan yahay inaad gacan iyo dhaqaale ku darsataan abuuridda Pension Fund, si qofku uu u hawlgabo marka uu da’ gaadho, isaga oo aan daba ka werwer qabin oo uu xilalka isaga wareejiyo ee aanu ku sii dheganaan, taas ayaa Dimuqraadiyadda wax ka taraysa.”

Golaha Wakiillada Iyo Xukuumadduba waa ku amaanan yihiin Xeerka Gunnadda Hawlgabka ee ay u soo curiyeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xilka ka fadhiista ee hadda dhaqangalay, waxay uun hilmaameen inay ku daraan Odayaasha Guurtida oo iyana u baahan gunnada hawlgabka, illeyn shaqo kale ma qaban karaan oo marka hore ayaa da’ weyn lagu soo gala golaha sida xeerku dhigayo.

Hadda waxa dhiman in laga wada hawlgalo Xeerka Hawlgabka (Pension Law) iyo abuuridda xeedhada hawlgabka (Pension Fund). Waagi hore ee Dawladnimadu ina ku cusbayd dad da’yar ayaa xukunka lagu qaban jiray oo waad yaabaysaa marka dadkaasi kuu sheekeeyaan.

Marxuun Cigaal waxa uu Somaliland madax u noqday isaga oo 31 jir ah sannadkii 1960, Axmed Yuusuf Ducaale waxa uu ii sheegay inuu ahaa 29 jir markuu noqday Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalkii Jaamhuuriyada Soomaaliyeed sannadkii 1964, aniguna markaan Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jumhuuriyadda Somaliland ku noqday 56 jir sannadkii 2002. War bal eeg faraq u dhexeeya.

Tobankii sanno ee u dambeeyey Somaliland waxa ka hagaasay hal-abuurkii iyo fikarkii, waxay arrintii noqotay “Business as usual,” iska caadi. Sannadihii hore tartan iyo hal-abuur dawladnimo ayaa lagu jiray. Noloshu xiise badan oo aan maadi iyo hanti ahayn ayey ahayd. Sidee nabad loo sameeyaa? Sidee caashuur loo qaadaa? Sidii hubka dhigis loo qabtaa? Sidee boolis, Ciidan, Xabsiyo, Maxkamaddu iyo Shuruuc loo hirgeliyaa? Sidee Dastuur, Baarlamaan, Axsaab, Doorashooyin loo dhisaa? Wasaaraddu, Dawladdu Hoose, Mulkiyadu hantida ma guurtada ah, lahaanshaha baabuurta iyo liisamada, waxbarasho, iyo caafimaad dhawr loo abuuraa? Aftida Dastuurka, Doorashada Golayaasha Dawladaha Hoose, Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxa la qabtay saddex sanno oo isku xigaa, 2001, 2002 iyo 2003 kharashka ku baxay waxa bixisay xukuumadda Somaliland, khawaaje wax lagama sugin, inkasta oo hayntu yarayd.

Tobankaas sanno ee dambe waa laga caajisay doorashooyinkii, Xildhibaan Golaha Wakiiillada ah ayaaba Golaha dhexdiisa ka yidhi oo warbaahintu soo gudbisay “Doorasho ayaa na wareerisay ee goormaa dalka loo shaqaynayaa.” Xildhibaankii hadda ayuu toban sanno fadhiyaa!!

Doorashadii Khawaajayaal la yidhaahdo Deeq-bixiyeyaal ayaa la wareegay. Erayga deeq-bixiye ha la beddelo Illaahay ayaa deeqbixiye ah, ha la yidhaahdo Dhawrto-bixiyeyaal. Si loo naco dhawrtada oo dadka iyo dalku isgu tashado.

Nin madaxa ka ahaa Dawladdii hore ayaa laga hayaa Dimuqraadiyadii waa dhammaynay ee ha nala ictiraafo. Waxa waa hore la odhan jiray inanku Qur’aankii ayuu dhammeey ama soddankii jis ayuu dhammeeyey, hadda Dawladnimadii waa dhamaysay Somaliland arrintu miyaa? Waar gurigu waa yagleel, weli shuruuc iyo nidaamkii ayaa innaga dhiman. Bal fiiri gooni-isu-taag ayaan sheeganay weli booliskeena iyo ka Puntland iyo Soomaaliya waa isku dirays, waa isku calaamad Goodirkii ayey wada sitaan, ciidankii waa la mid, sharcigii maxkamaduhu waa isku mid. Qabyo waa halkeedii!!

COMMENTS