BALIGUBADLE MEDIA
Qaban Qaabadda Caleemsaarka Ugaaska Guud ee Beesha Arab oo Hargeysa Laga Dareemay
October 30, 2013 - Written by ahmed

ugaaska beesha arabHargeysa  (BLM) waxa magaalada hargeysa ka socota islamarkaana si aad ah looga dareemay qabanqaabadda caleema saarka ugaaska guud ee beesha arab Ugaas: Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi)  oo maalinta arbacada ah bishuna tahay 06/11/2013 lagu calaama saari doono magaaladda hargeysa

ugaas Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi) ayaa isagu ah shakhsi aqoon iyo karti u leh xilka aadka u culus ee loo caleema saaraay waxaana ugaas Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi) lagu yaqaanaa karti iyo daacad iyadoo sidoo kale lagu tilmaamo shakhsi aad u yaqaana diinta iyo dhaqanka

ugaas Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi) ayaa qabanqaabadda caleema saarkiisa aad looga dareemay magaaladda hargeysa waxaana dhamaan qaybaha kala duwan ee magaaladda lagu dhajiyay boodhadh ku saabsan caleema saarkiisa

ugaas Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi) ayaa la filayaa in maalinta arbacada ah bishuna tahay 06/11/2013 loo caleemo saaro ugaaska guud ee beesha arab, dhanka kale guud ahaan bulsho waynta beesha arab ayaa iyadu si isku mid ah u soo dhawaysay caleema saarka ugaaska guud ee beesha arab ugaas Axmed maxamed siciid (Cali Mahdi)

qaybta xidhiidhka iyo protokoolka caleema saarka ugaaska:

cali xasan cawaale tell— 0634241051

gudoomiyaha guddida qabanqaabada caleema saarka ugaaska

maxamud xaashi

COMMENTS