BALIGUBADLE MEDIA
Cuntooyinka Kor U Qaada Caafimaad Qabka Qanjidhka Thyroid. By: Jama Hassan (Jama Raan).
October 1, 2013 - Written by ahmed

Baadhitaano iyo (researches) la sameeyey baa waxaa lagu ogaaday ama xog qoto dheer lagu bayaamiyey in ka badan 25- 27.5 million oo u dhashay dalka (AMERICA) in ay asiibtay amba ay haystan cudurka loo yaqaano (thyroid disease).

 

Haddaba dadka intooda badani may garanayn ama may dareensanayn in cudurkani jidhkooda ku jiro iyo in kale. haddii aad wax aqoon ah u leedahay ama wax kala socotid cudurkan aynu ka hadlayno, waxaa laga yaaba in aad uga nugushahay kuwa uu ku cusub yahay amba

aan aqoon hore u lahayn.

 

 

Halkan waxa aynu ku soo qaadan doona waxoogga cuntooyin ah oo laga heli karo maadooyinka kordhiya ama kor u qaada caafimaad qabka qanjidhka (thyroid-ka), kaas oo ku yaal amba dhaca qoorta noolaha weliba qaybta hore.

Bal aynu isku dayno in aynu wax ka ogaano qanjidhkan iyo shaqooyinkiisa.

waxaa uu xukuma amba kaantarola in jidhku isticmaalo awood deg deg ah.

waxaa uu sameeyaa (proteins-ka).

waxaa uu (control) sida uu jidhku u dareemayo (hormones-ka) ama dheecaad qanjidhada kale soo daayan.

waxaa uu sii dayaa labada (hormone) oo waaweyn ee loo  yaqaano (T3 IYO T4) {TRI-IODOTHYRONINE AND TETRAIODOTHYRONINE}kuwaas oo laga sameeyo daawooyinkan iodine and tyrosine.

sidoo kale waxaa uu soo saara (calcitonin)kaas oo door muhiim ah ka ciyaara ilaalinta (calcium-ta).

 

Aynu u kaalayno Cuntooyinka Kor U Qaada Caafimaad Qabka Qanjidhka Thyroid.

subag ama saliida qunbaha,waxa ay awood u leedahay in ay soo saarto hormone-ka loo yaqaano thyroid, duxaha ku jira qunbaha waxa ay  si dhakhso ah u bedeli karaan tamarta taas oo maaraynaysa amba maamulaysa shaqooyinka thyroid-ka.

 

Cuntooyinka ay ku qaniga tahay copper-ta iyo iron-tu waa labo awoodd oo ku dhiirigeliya thyroid-ka shqooyinkiisa.

copper-tu cuntooyinka ay ku badan tahay waxaa ka mid ah (hilibka, iniinyaha gaba dayaha, loholka, casaanyo baddeeda iyo cuntooyinka baalka leh.)

iron-tu waxa ay ku qani tahay kuwaan(caleemaha cagaaran,shellfish:- waa xayawaan baddeed yar oo aan lafdhabar lahayn,hilibka cas, iyo vitamin C-ga cutooyinka ka kooban). sidoo kale baradhada,tamaandhooyinka.

 

Iodine-ta iyo cuntooyinka ay ku badan tahay, waxa ay kor u qaada thyroid health. waxaan ay ka caawisa in uu soo saaro (thyroxin oo laga soo dhirin dhiriyo thyroid hormone-ka)thyroxin waxa ay ilaalisa fal galad ka dhacaaya jidhka gudihiisa.

cuntooyinka ku qaniga ah(kalluunka,dhirta cagaaran ee badda ka baxada,milixda, saliidda kalluunka,beedka, iyo canaaniska.

ha quudan jermis dilayaasha adiga oo ka raadinaaya in aad ka heshid faa?iidooyinka aynu hor ku soo xusnay.

 

Essential omega-3 & omega-6 fatty acid helps the thyroid to maintain metabolism.Omega fatty acids are rich in salmon,tuna,leafy vegetables,pumpkin,walnut,canola oil and sunflower seeds.

 

 

Alla mahad leh.

jama hassan mohamed (jama raan)

email:jaamac_gadari@hotmail.com.

 

COMMENTS