BALIGUBADLE MEDIA
Dhacdo Xaqiiqa : Mudalabkii da’da yaraa ee dallacaada ku helay caadifadda qabiil,!!Qalinkii Axmed Baashe
June 14, 2013 - Written by ahmed

muniir00-241x300Waa sheekho dhab ah oo  ka dhacday magaalada Hargeisa mudalabkan da’da yaraa waxa uu shaqada mudalabnimada kasoo bilaabay Hotel City Placa ee magaalada Burco waxaanu u soo wareegay hilaadii 2008 Hotel Barwaaqo oo ku yaal qaybta sare ee sarta-dheer ee Dahabshiil ku leeyahay badhtamaha magaalada Hargeisa kuna dhegsan fooqa Ilma-bootaan.

Waxa dhacday maalin maalmaha ka mid ah wakhtigii xukuumaddii Riyaale, in qarax ay ku sheegeen ciidamada amaanku inuu ahaa mid macmal ah oo loo adeegsaday Shaani (Daasadda-sharaabka) uu ka dhacay xarun ka mid ah kuwa Dahab-shiil ka dambaysa, waxaanay dhacadadani mid ugub ahayd ciidamada amaankuna ay baadi goobayeen cidda gaysatay aadna looga hadal hayey magaalada dhexdeeda saxaafaduna ay qaadaa dhigaysay.

Gudoomiyaha Hotel Barwaaqo oo la odhan jiray Mr. Cismaan oo hawl shaqo naga dhaxaysay ayaanu xafiiskiisa ku booqday cabaarna la fadhinay, waxaanu noo xaqiijiyey dhacdadan ku habsatay mid ka mid ah shaqaalaha Hotel- Barwaaqo oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Hargeysa ka dib markii uu ku kacay arin aad u fool xun oo ay ku kaliftay caadifad qabiil.

Wiilkan oo magaciisa loo yaqaanay Maxamed (haddana Muniir) ayaa cid adeegsatayba intuu dhex tagay meherad caan ah oo ka mid ah kuwa Sheekh Aaden-siiro ku leeyahay badhtamaha magaalada Hargeisa oo loo yaqaano Macmacaanlaha Nasiibo Ice-cream badhtankeedana istaagay uu yidhi “shaani ayaad barateene inaanu efwan (banbo gacmeed) idinku qarxin doonnaa hadii waxaa joojin weydaan” arintan oo ay raadkeeda gurayeen cid hadal haysa sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xabsigana u taxaabay taasi oo odayaal ka mid ah reerkooduna ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii ay uga soo furfuri lahaayeen.

Waxay noqotay dhacdo aad u layaab badan oo shaqaalihii Hotel-Barwaaqo ay aad u hadal hayeen sida ay sheegeen shaqaalihii ay hotelka ka wada shaqayn jireen aaladda Internet ka oo uu kula haasaawi jiray dumarka qurbaha jooga ayaa aakhirkii ay u suura gashay inuu guursado marwo degan dalka ingiriiska oo lagu magacaabo kaltuun, mar uu aad ula sheekaysta Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen wiilkan da’da yar waxa uu uga sheekeeyay sida ay ula soo tacaashay gabadhani iyo duruuftiisii nololeed ee mudalabnimo (waiter), Jamaalna waxa uu yidhi “wiilkani haduu ahaan lahaa hal-abuur intuu odhan lahaa ayaan u idhi” waxaanu curiyey Jamaal Cali Xuseen heesta la magac baxday kaltuun ee uu qaado C/fataax Tacabi (c/fataax-yare) oo ay midhaheedana ka mid yihiin.

Inan-yahay dhigaygaay
hablaha taan ka doortaay
dhabar adag kaltuuneey
dumarbaad wax dheertee
Dheeman iyo luuleey
Ma wax laguu dhigaa jira

inanyahay dhigaygaay
Jacaylkani dhab weeyaan
Dhaladkii Togdheeriyo
Haldoorkii Dhulkeenaay
Dhalan asluub wanaageey
Dharaartii la joogaba
dhinacaaga iga-filo
inan-yahay dhigaygaay
Jacaylkani dhab weeyaan
Dahwrsanaan kaltuuneey
Dheef wadaagnay abidkeen.

Jacaylkii iyo wanaagii uu u sheegay Jamaal Cali Xuseen waxa ay ahayd bar kuma taal jamaalna waxa uu ku nuux-nuuxsaday weedhihii runta u ekaa ee afkiisa kasoo burqanayey isagoo dantiisu ahayd inuu ku helo sharciga, caadifadda qabiil ee kala weyn wax kasta ee uu ku dadaalayo difaaceeda ayuu dayacay ooridiisii, waana halka ay soomaalidu odhan jirtay “ninna caadii ma baajo bahalna caydhin ma dooyo” waxaanu ka codsaday mulkiilaha Hadhwanaagnews inuu uga soo waramo magaalada London halkaasoo  uu kasoo diri-jiray warar aan dheeli tirnayn oo u janjeedha eex iyo nin jeclaysi iyo qabiilaysi qaawan. Waxaana lagu abaaliyey markii xukuumadda siilaanyo talada dalka ku guulaysatay in tv’ga qaranka qaybta London lacag dhawr kun oo dollar ah fadhiga lagu siiyo loogana dhigo abaal gud iyo naas-nuujin maadaama uu daacad u yahay reerkiisa.

Marwo. Kaltuun oo ah qof aad u maskax badan cawda ayey usoo jartay mastaafuris ayaanu ku joogay dhawaanahan magaalada Hargeisa xukuumadduna waxa ay damaanad qaaday noloshiisa una samaysay madal uu ku difaaco kuna aflagaadeeyo Culimada, Salaadiin, Siyaasiyiinta iyo in alla iyo inta ka hadasha samaha iyo qarinimada Somaliland, aakhirkiina waxa ay u dhiseen dhawaan gabadh degan dalka Sweden oo hadda u dacwoonaysa.

Muniir1

Intii uu dalka kusoo laabtay waxa bartilmaameed u noqday hogaanka Xaqsoor iyo dadka degan xaafada Axmed-Dhagax oo cay iyo aflagaado joogta ah uu kusoo daabaco wargeyska iyo barta internetka ee xukuumadu maalgaliso ee Somaliland today, waana arin aan loo dulqaadan Karin oo sababaya kala fogaanshaha xukuumada iyo bulshada.

Weerarkiisa qaawan ee u dambeeyey waxa uu ku beegsaday Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-siiro) oo u danseegay difaacidda qaranimada, ilaalinta nabad-gelyada iyo taakulaynta inta taagta daran, kuna astaysan Sheekha kaliya ee si qayaxan u taageera qadiyadda Somaliland si kalsooni lehna uga badheedha inuu runta ka sheego wixii qaldan, waxaanu ku tilmaamay arin aanu gayin sheekhu iyo inuu wado abaabul uu ku dhiiri galinayo dhalinyaro amaan darro samaynaysa, Sheekha aadan oon looga baqayn wuxuu taro mooyee inuu waxyeelo dalka u gaysto.

Da’ayarta reer Somaliland badankoodu waa qaar ku kalsoon naftooda, aqoontooda iyo dadnimadooda waxanay u yaqaanaan wax laga yaq-yaqsoodo isticmaalka caadifadda qabiilka. Waana arin u baahan in la dhiiriyo ku tiirsanaanta da’yarta xumaha ay huwantahay qabyaalada oo horseedda burbur dal iyo kala-qaybsanaan bulsheed.

Haddaba dalacaadda xukuumadda Madaxweyna Siilaanyo ku dhiirinayso dhalinyarada qabyaaladda iyo reernimo biyo-dhigtay iyo ka hortagga tahriibka iyo shaqo la’aanta haysata dalku waxay hagardaamo ku tahay qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, iyada oo aynu arkayno heerka ay marayso qabyaalada da’yartii iyo kubaddii cagta saamaynta ay ku yeelatay gaar ahaan xulkii gobalka togdheer.

Qalinkii Amxed Baashe

axmedbashe01@gmail.com

COMMENTS