BALIGUBADLE MEDIA
Wergeyska The Arusha Times Ee Ka Soo Baxa Magaalada Arusha Ee Dalka Tanzania Oo Warbixin Dheer Oo Uu Qoray Ku Xidhiidhiyey Wasiiro Xukuumadda Somaliland Ka Tirsan Inay Xidhiidh La Leeyahiin Kooxaha Xagjirka Ah
May 27, 2013 - Written by ahmed

Hargeysa (BLM) Wergeyska Arusha Times ee ka soo baxa magaalada Arusha ee waqooyiga dalka Tanzania ayaa warbixin dheer oo uu ka qoray kooxaha mayalka adag ee faraha baas ku haya mandaqadda beriga Afrika iyo taariikhda ay ku leeyahiin dalalka beriga afrika ayaa wuxuu ku soo qaaday wergeysku kooxaha xagjirka ah iyo xididada ay ku leeyahiin maamuladda ka shaqeeya dalalka beriga Afrika.the man

Wergeysku wuxuu faalladiisa ku bilaabay weeraradii argagixiso ee sannadkii 1998-kii ka dhacay magaalada Darasalam ee xarunta dalka Tanzania ee lala beegsaday safaaraddii maraykanku lahaa iyo weliba weerarkii mataneeyey ee lala beegsaday isla safaaraddii maraykanka ee magaalada Nairobi oo ay ku naf waayeen boqolaal qof oo u badna dad rayid ah oo aan waxba gallabsan.

Wergeysku wuxuu sheegay in kooxaha argagixisadda oo dagaalo ay ku hoobteen lagala hor yimid dalalka Pakistan iyo Afghanistan ay usoo carareen dalalka ku yaalla mandaqadda Saxaraha galbeed iyo gobolka Saaxilka Afrika halkaasi oo ay u arkeen inay ka heli karaan dad la wadaaga fekerkooda isla markaana ay si fudud uga samaysan karaan Saldhigyo ay tababaro ku siiyaan dagaalyahano.

Wergeysku wuxuu sheegay in kooxaha xagjirka ah ee argagixisada ahi ay siyaabo kala duwan ku soo galleen dalalka mandaqadda beriga Afrika iyagoo badankoodna ku soo qulqulay wixii ka danbeeyey sannadkii 2001-dii oo ciidamadda huwanta ee maraykanku horkacaayey ay weeraro is daba joog ah kooxahaasi ku baabiyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen Afghanitan iyo Pakistan.

Wergeysku Wuxuu Sheegay In Kooxaha Argagixisada Ahi Ay Ka Helleen Mandaqadda Xubno La Feker Ah Oo Weliba Haysta Hanti iyo Xilal

Wergeyska Arusha Times wuxuu ku  sheegay  warbixintiisa  in kooxaha xagjirka ahi aanay si fudud iskaga imanin mandaqadda beriga Afrika balse ay gacan ka helleen kooxo isku xidhan oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba xoog ugu leh mandaqadda beriga Afrika, wergeysku wuxuu sheegay in kooxahaasi ay maal iyo dhaqaale badan ku leeyahiin dalka Kenya oo badankood ay ku haystaan ganacsi aad u farabadan kaasi oo badankii lagu maal geliyo hawlaha kooxaha argagixisada ahi ka waddo mandaqadda beriga Afrika.

Soomaaliya Iyo Kooxaha Xagjirka Ahi Gacanta Ay Ku Leeyahiin Inay Xoog Ku Yeeshaan

Wergeyska Arusha Times ayaa warbixinta wuxuu ku sheegay in warbixino dhinaca sirdoonka iyo xogaha dawladaha beriga Afrika iyo dalalka reer galbeedku shaaciyeen lagu sheegay in kooxda Alshabaab oo ku xidhan kooxda Alqaacida ay toos gacan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba uga hesho kooxo la yaqaano oo hanti iyo awood siyaasadeed ku leh dhulkii soomaalidu degaysay kuwaasi oo wergeysku ku sheegay inaan la’aantood aanay u suurtagasheen in ay Alshabaab cudud militery sii hesho.

Wergeyska Arusha Times wuxuu sheegay in kooxda Alshabaab ay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka hesho xubno la yaqaano oo ku jira maamuladda Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya kuwaasi oo awoodooda siyaasadeed u isticmaala in ay xoojiyaan dhaq dhaqaaqyada kooxdaasi.

Wergeyska Arusha Times wuxuu soo qaatay warbixin sannadkii 2010-kii bishii November lagu daabacay wakaaladda wararka ee dalka Ethiopia Siilaanyo ay xidhiidho joogta ah leeyahiin kooxda Alshabaab xubnahaasi oo wergeyska Arusha Times ka xusay wasiirka madaxtooyada xukuumadda Siilaanyo Xirsi Cali Xasan oo warbixintu tibaaxday in xogta laga haya iftiiminayso in intii u dhexaysay 2002-dii ilaa 2010-kii uu bedelay magaciisa caadiga ah ee loo yaqaanay isla markaana uu kolba isticmaali jiray laba magac oo uu meelo badan ugu kala gooshi jiray magacaasi oo wergeysku ku sheegay Khaalid Maxamed.

Warbixinta wergeyska Arusha Times waxay ku tilmaantay Xirsi Cali Xasan uu xidhiidh joogto ah la lahaa 11 xubnood oo sannadahii 2004 ilaa 2009-kii lagu xidhay Somaliland oo markii ay xukuumadda Siilaanyo dawladda qabsatay xubnahaasi dhammaantoodba laga sii daayey xabsiga xubnahaasi oo ka mid ahaa ururka Alshabaab oo qaarkood markii danbe ay ku dhinteen dagaalo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in Xirsi Cali Xasan uu xidhiidh dhinaca isgaadhsiinta ah la lahaa seddex nin oo ka mid ah hogaanka Alshabaab oo kala ah Cumar Pakistani, Axmed Godane iyo nin kale oo warbixintu ku sheegtay Abu Sadiiqi kuwaasi oo laga hellay xogtooda Mobile gacanta ah oo nooca loo yaqaano (Thuraya Satelite ) oo sannadkii 2007-dii lagu qabtay Xirsi Cali Xasan mar ay ciidamadda ammaanku qabteen isagoo qoryo ku rakibay gawaadhi rayid ah meel hawd kaga beegan magaalada Burco.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Dawladda Soomaaliya oo xidhiidh joogta ah la leh kooxda Alshabaab oo gacan dhaqaale siisa kaasi oo uu ka mid ah yahay nin la yidhaahdo Muumin Axmed Seed oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo ah nin ganacsade ah oo ka mid ahaa xubnahii Alshabaab u fududeeyey inay magaalada Muqdisho gacanta ku dhigaan markii ciidamadda Ethiopianku ka baxeen magaalada Muqdisho, isagoo haddana ka mid ah ninkaasi xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya.

La Soco Qaybta Labaad Warbixintani Maalinta Berri Ah

Baligubadlemedia.com

London/Office

COMMENTS