BALIGUBADLE MEDIA
Fadeexad Daawo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo ka qeybgalay Shir Lagaga Hadlayay Ganacsiga Somaliya iyo Fadeexada ka Dhalatay Wasiirka Oo Iska Saaray Calanka Somaliland Mudadii Shirku Socday(SAWIRO)
May 29, 2013 - Written by ahmed

KENYA  (BLM) Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qayb galayey shir looga hadlayey ganacsiga Somaliya ayaa waxa murugo ku noqatay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Nairobi in wasiirku uu biladii Calanka  Somaliland iska saray iyada oo madaxdii Soomaaliya ay u suran yihiin calankoodii.

Wasiirka waxa Shirka kala qeyb galay  Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Maxamed Cabdulaahi Jaamac Sifir oo isna aan suran astaanta somaliland oo  meesha gebi ahaanba ka maqnayd.

Shir kan oo looga hadlayey ganacsiga Soomaaliya ayaa dhamaan waxa ka muqday astaanta calanka soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aan Xirneyn Calanka Somaliland intii lagu gudo jiray Shirka iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko iyo Masuuliyiintii wehelisay oo xiran Calanka Soomaaliya HOOSTA KA EEG

wasiir1Wasiir maxamed cabdilaahi oo iska saaray astaantii calanka ee koodhkiisa ku dhagsanayd

HALKAN HOOSENA KA EEG WASIIRKA OO SHIRKA DABADII XIRAN CALANKA TAWXIIDKU KU XARDHAN YAHAY EE SOMALILAND

 

wasiir2Wasiir maxamed cabdilaahi oo markii shirka laga soo baxay xidhay astaantii calanka somaliland

MaxamedCabdilaahiNayroobiWasiir maxamed cabdilaahi oo ka qudbadayna madal uu ku xardhanyahay calanka somaliya

somalilandWasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland “Dr” Maxamed Cabdilaahi Cumar Shacabka reer Somaliland iyo Halka ay ka taagan yihiin Qadiyada la soo noqoshada Madax banaanida ma waxa uu mooday mid ruux qudha uu siduu doono ka yeeli karo,mise in uu dadka ka garaad sareeyuu is mooday?,waa suaal ka soo yeedhay mid ka mida shakhsiyaadka ka qeyb galay shirka oo reer Somaliland ah.

Baligubadlemedia.com

Hargeysa Somaliland

COMMENTS