BALIGUBADLE MEDIA
Cashuurihii Beriga Berbera Oo fadeexadii MusuqMaasuq Ee Ugu Wayneed Kusoo Baxday Qaar Kamida Shaqaaliina Xabisga Loo Taxaabay.
April 28, 2013 - Written by editor

Berbera-(BLM)- Sida Dadka Reer Berbera  Kawada War qabaan Cashuuraha Beriga Berbera  Waxay ahayd Goo Bakhaar u ah ragii Soo Maamulay kuna Caan baxday in Dadka lagu waydiiyoo lacago aan Juwan Loo jarayn Oo aan ahayn Tii qofka ku waajibtay Ee Dawalada U xaoonaysay Lacagahaas dadka laga qaadi jiray oo magacyo loola baxay sida Over Time, Qiimayn iyo Haydaro.

 

Hadaba Inkastoo Cashuuraha Beriga Berbera Markoodii Horeba ay ahayd Meel Foojari garaynta iyo Musuqmaasuqa rikoodhka jebisay ayaa hadana HabeenimadiiJimcaha waxa Baadhis ay Ay Sameeyeen Hanti Dhawr Wasaarada maaliyadu waxa La Ogaaday In Lacago Kor U  dhaafay 95,400 la ogaaday In uu Lunsaday Nin Lagu Magacaabo Cabdi Jaamac Cali Oiyo koox kale oo la shaqaynsan jirtay,,o Ka mid ahaa Masuuliyinta haybta ku helay meesha isla markaana Markii maamulka Cusub ee Iminka Maamula xafiisku U Xil Saaray In UU qaabilsanaado Cashuurta Diiwangelinta Ee Dekeda Si Uu usoo Cashuuro Oo Usoo Xereeyo Cashuurta ku waajibtay Maraakiibta iyo Doonyaha iyo weliba cashuuraha kale Dekeda ay ka qaadaan Cashuuraha Berigu.Masuulkan waxa lagu wareejiyey Buugaagtii GR-ada ama General Reciepts Oo ah Buugagta loo jaro qofka Cashuurta Bixinaya.

 

Hadaba masuulkan dekeda Loo diray Buugaagta Uu u Xambaariyey Maamulaha Dhalinyarada ahi Ee Cusubi oo aan kala Ogayn Shaqaalaha kii Dacada iyo ka kale ayaa Isagu filayay in uu cashuurta kasoo baxda dekeda uu soo xareeyo ninkan uu U magacabay Ee Cabdi Jaamac oo qudhiisu ragii isbaaradu u taalay mudo dheerna meesha xiL wayn ku haynin ayaa isagu u arkay in Fartiisu malabka u gashay mar hadii Buugaagtii General Reciept gacanta Loo geliyey Oo hadba Intuu Doono Goosta

Mudadii Ninkani Xilka hayey wuxuu Foojari gareeyey buugaag badan Oo Koobigii Dawalada Loo xaraynayey Uu ku qoray lacago yar yar oo aan ahayn lacagtii uu ka qaaday dadkii cashuurta bixiyey halka Originalkana uu ku qori jiray lacagta dhabta ah halki kii uu dawalada u xaraynayayna uu ku jiray wax yar oo u dhigma 150,00 SL.SH ah iyo wax kasii yar siday sheegeen Ilo Ku  dhow Dhoow Kooxdan Hanti Dhawrka ah ee Baadhista waday Oo haatan  xabsiga u taxaabtay ayaa sheegay in dadka musuq maasuqa iyo Foojari garaynta sameeyey ay badan yihiin laakiin ilaa hada Ninkan oo keliya ay xabisga dhigeen Maxkamadana hor keeni doonaan sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

Inta Badan lacagahan xaaraanta ah Ee dadka laga qaadi jiray waxa qaadan jiray Shaqaalaha Meesha l ka hawl gala Oo ay Guno ahaan uga dhigay maamulihii la bedelay ee Cabdiraxmaan Jibriil ujeedaduna ahayn In uu iska jeediyo  shaqalahan mid walba meel afka u saaray xafiis walbana u sameeyey lacag joogto oo ay dadka waydiiyaan sida Xafiiska Qiimaynta Sheegta Oo dadka baaburta cashuuranaya Calaa Qof ka qaata 50,000 Sh halka qolada Khasnada iyana markaad u timaado adoo 30,000 sh soo bixiyey iyana ay ku waydiiyanayaan lacag kale oo ay ula baxeen Overtime oo aan meelna haysan labadaas lacagood o marka dadka laga qaado aan wax juwan ah loo jarin jeebkana ay ugu dhacdo  xafiisyadaa kala duwan ee u shaqada Eeg Isbaarooyinkii Xamar yaalay ,Qofka kasta Oo gaadhi Cashuuryanayaa waa in uu kusoo talo galaa 100,000 Sh Oo Baad ah Oo ay dadka U bixiyeen Baadii Isbaarooyinka Cashuuraba beriga,

 

Maamulkii hore qudhoodu  sida ay sheegeen dad ku dhadhawaa way la ogaayeen baadan waayo iyaga qudhoodu dekeda ayay lacago fara badan iyo musharahaadka laga jaro shaqaalaha iyo lacagaha waawayn ee kala wareejinta iyo qaan sheegatooxinka ayay si wayn u dilaalan oo u weecsanayd mudooyin badan,,, taasina waxay keentay in Gebi ahaan shaqaaluhu noqdaan kuwo ladan oo  si fiican uga arad beelay xoolii umada iyo cashuurtii muwaadiinta laga gurtay oo laga dhistay guryo waawayn iyo baabuur qofkasta reer berbera ahina wax is waydiiyaa waa sababta qofkasta oo cashuraha beriga ka shaqeeyaa uu u arad tiran yahay markaad  eegto baabuurta la wada wato aradbeelka ka muuqda guryaha laga dhistay berbera iyo hargiesa  baabuurta AC-ga lama Bakhtiiyo Magacyada lala baxay ayaa ah kuwa aad ogaanayso in ay dhergaan oo ay ka mid ka yihiin Gaajo Ma Jirto, Afkaan kaa laadi, iyo magacyo kale ayaa kamida magacyada lala baxay markii cashuurtii umada lagu arad beelay.

 

Hadaba waxa ayaan daro ah Wasaarada Maaliyada Oo Aan talaabo ka qaadin qofkii lagu helo xataayo xoolo dadwayne Oo ay hore u dhacday in aan talaabo laga qaadin dadka caadaystay ku shaqaysashada Buugaagtii Cashuur qabashada ee Loo dhiibay bal waxa la eegi doona wasaaradu waxay ka yeesho dadkaas la xidh xidhay oo xatooyada loo haysto.

By Mohamed Ali

Berbera

COMMENTS