BALIGUBADLE MEDIA
MAXAA KEENA BUROOYINKA WAJIGA IYO QOORTA KU DHACA? By Amina A. Mohamed
March 9, 2013 - Written by editor

r_combinationsababaha keena Burooyinka ku dhac wajiga Iyo Qoorta …se Dumarku ma ogyihiin sida ugu fuduud ee looga hor tagi karo Iyo Jidhka labada nooc iskugu jira?

Marka hore waxaan salaamayaa shabakada hadhwanaagnews iyo hawlwadeenadeeda, iyo dadka akhristayaasha ah, waxaan si gaara u salaamayaa Hablaha ku nool aduunka daafihiiisa ee sida tooska ah u suga maqaaladayda, kana faaiidaysta,  dhamantiin waan idin mahad celinayaa meel kasta oo aad daafaha dunida ka joogtaan.

Marka hore waxaan ku faraxsanahay Email- da ay isoo direen hablo badan oo lahaa jidhka saliida leh, dhib badanina ka haysto finanka iyo wax la midka ah. Hadaba hablahan oo is badal wayn ku dareemay (homemade remedies) maqaalo hore oo aan ka qoray jidhka saliida leh. Waxaan idin leeyahay aad iyo aad ban ugu faraxsanahay in aad dareenteen is bedel wayn oo ay wax idin tartay taladaydii. Waxaanan idiin rajaynayaa inaad barateen jidhkiina noociisa iyo sida loola dhaqmi karo.

Iygana waxaan aad ugu faraxsanahay hablo ii soo sheegay inay ka heleen cuntooyinkii oo ay caawisay jidhkooda oo ahaa jidhka qalaylka (dry skin), markale dhamantiin walaalo waan  ku faraxsanahay inay wax idin tareen waxyabo aad fudud runtiina aad ka heli kartaan madbakhiina.

Waxaan hore uga hadlay Haaraha , Burooyinka Iyo Finanka mad madoow, se email- ay ii soo direen hablo badan oo isoo waydiiyay burooyinka wajiga ku dhaca iyo qoorta, sidaa awgeed ayaan maanta ugu soo celiyay  oo aan faahfaahin dheerad ahna ka soo bixiyo Burooyinka waxyabaha keena iyo sida ugu fudud ee looga hor tagi karo. InshAllaah Haarahana se maqaalkan ka ku xiga ayaan ku soo qaadan doona mar kale IA.!

Sidaynu ognahay wajiga dumarku wuu ka jilicsanyahay jidhka kale, waayo wa jidh markasta dumarku wax marinayaan, hadaba waxa jirta in wajigu qaato jeermiska ugu badan oo ka soo raaca gacmaha iyo hawadaba. Tusaale ahaan sida caadada inoo ah Somali ahaan dumarku waxay ku maydhaan wajiga saabuun ama (shower Gel) ka bacdi gabadhu waxay u haystaa inay intaa kaga dhantahay maydhistii wajigu. Isla wakhtigaas gabadhu maydhayso jidhkeedoo dhan ee ay ka soo baxayso baadka,  Bal waxad samaysaan cudbi (cotton pads)  ku shuba biyo yar oo milix leh, ama liindhanaan kuna xoqa wajiga waxaydun arki cudbigii oo noqday buni oo ka tagay cadaankii waxaasina waa (dead/ dirty skin cells). Had iyo jeer markaad wajiga taabanaysaan gacmihiina maydha marka hore oo qalajiya waayo gacmaha ayaa sita jeermiska ugu badan runtiina aan la qiyaasin Karin, markaa waxa fiican in markasta gacmaha la hor maydho intaan wajiga la taaban. Tusaale kale hadaan idin sheego cilmi baadhis lagu sameeyay (mobile phone) ka gacanta ayaa waxa lagu ogaaday inuu ka jeermis badan yahay  ka suuliga , waxaana soo raaca kuna uruura jeermis aan xad lahayn ama aan la qiyaasi Karin. Markaa hadii adigoo saacad  (mobile phone) gacanta ku hayay, hadana aad qasil kuu diyaar ahaa ku mariso wajiga  iska daa jeermisku haysatay wajigaasiyee, boqolaal  kale ayaad ku sii kordhisay, waxaasina waa waxa jidhka hoose u gudba, hadhoowna dhibatooyinka badan eek ala duwan dibada u soo saara. Intaasi wa talo aan ku saasabn sidaad oga ilaalin lahaydeen (bacteria) wajigiina ku dhagta.!!!

 Hadaan ku soo noqdo waxad iga sugayseen Maanta waxaa ka hadlayaa  jidhka iskugu jira labada nooc ee loo yaqaan (combination skin) Iyo Burooyinka ku dhaca Wajiga Iyo Qoorta. (blackheads or black dots)

Hadaan soo hor qaato Burooyinka waxay had iyo jeer ku dhacaan jidhka saliida badan leh, runtiina jidhkan ayaa caan ku ah waxyaabo badan oo Burooyinku ka mid yihiin inay ka soo baxaan haday daldalooladu xidhmaan. Hadaba, Burooyinkan ayaa ah kuwo ku dhaca sanka dushiisa, dhabanada dhinacyada sare, fooda, qoorta iyo jidhka kaleba sida dhabarka.

Burooyinkan ayaa ah kuwo ka dhashay waxa loo yaqaano (hair follicle) oo ah barta ay timaha xaadu ka soo baxdo.Hadaba jidhka saliid leh ayaa sii daaya saliid iyo dhidid aad u tiro badan ka dibna jeermis noqda, oo ku soo uruura meesha xaadu ka soo baxdo. Intaa ka bacdi jidhka hoostiisa meesha loo yaqaan (hair follicle) ayaa midabkeedu madoow noqdaa, muddo ka bacdina waxa dibada uga soo booda burooyin yar yar, sababta oo aha uskagii iyo dhididkii ku uruuray meeshaas oo hawadii ka xidhmatay jidhka, jidhkan saliida leh ayaa ah mid markasta u bahan nadiifin iyo qalajin loo isticmaalayo waxyaabo saliidu ku yartahay.

Hadaba Burooyinkan ayaa ah kuwo is gaadhsiiya jidhka kale habeenkii markuu qofku hurdo ee uu dhidido. Runtii wax kaliya ee la iskaga yarayn karo ama lagaga hor tagi karo ayaa ah jidhkan oo xoog loo nadiifiyo loona isticmaalo (facial scrub, facial cleanser, and toner) qofka aan intan heli Karin ee wadankii jooga wuxu isticmaali karaa Liindhanaan, Biyo kulul oo lagu uumiyo meesha burooyinku ka soo baxaan, iyo tuwaal cad oo xoog u kulul oo lagu qabto meelaha leh Burooyinka wana Arrinta kaliya ee ay ku tagi karaan Burooyinkan ama ay ku yaraan karaan, qofkoo baneeya daldaloolada (pores) xidhmay oo jeermiska jidhka (dead skin cells ) galayna la dagaalamaya waxa kaloo fiican inuu qofku gogosha uu ku seexanayan  sida barkimada uu galka ka badalo wiigii laba jeer, waayo dhididka uu jidhku sii daayo ayaa ku dhaga gogosha markaana waa u dhib,  jidhka burooyinka leh uma  fiicana, Nadaafada badan ee jidhka iyo dharkaba way caawisa Burooyinkan.

Burooyinka ayaa ah kuwo si dhibyar u tagi kara,hadii uu jidhku yahay mid dabiici ah oo aan dhib kale soo gaadhin, waayo waxay ku tagaan jidhkoo xoog loogu xoqay (facial scrub) iyo uumis badan, biyo diiran, iyo tuwaal kulul. Se haduu yahay tusaale ahaan jidh wax la mariyay ama khafiifay oo burooyina ka soo baxeen, waxaan aad iyo aad idiinkala dardaaramayaa in aanu qofku isticmaali Karin waxan aan soo qoray, waxaan aqoon badan u leeyahay jidhka dhibtu gaadho waxa ku dhici kara ee kale hadaan loogu tala galin, walaalo idinlama  rabo in aad jidhkiina dhibkale sii gaadhsiisaan!??? jidhkan dawada la mariyay uma adkaysan karo, uumis, (facial scrub), biyo kulul, iyo tuwaal kulul  midna laguma samayn karo.!!

Hadaba, hadaan ku soo noqdo nocyadii jidhka ee aan mudooyinkanba ka hadlayay, maanta waxaan idiin hayaa jidhka loo yaqaano (combination skin) jidhkan ayaa ah mid aanay inta badan  hablaha  somalidu aqoon u lahayn, oo had iyo jeer waxaad moodaa inaynu naqaano uun jidhka qalaylka, jidhka saliida badan, iyo jidhka wax diida, se jidhkan ayaa ah mid aan dhib badanayn oo u dhaw jidhka caadiga ah hadii si fiican loola dhaqmo.

Jidhkan ayaa ah mid had iyo jeer dhabanadu noqdaan jidhka caadiga ah, ama jidhka qalayl ka ah, fooda iyo gadhkuna waxay noqdaan saliid taasoo loo yaqaano (T-zone) micnaheeduna tahay saliida ku uruurta gadhka iyo fooda. Meeshan saliidu fadhiisato oo ah gadhka inta ugu badan ayaa sababta inuu jidhkan qofka lihi uu yeesho finan ka soo baxa gadhka oo kaliy

Jidhkan ayaa u bahan markasta qofkii awoodi kara (facial cleanser & tonner) oo lagu xoqo habeenkii iyo aroortii si uu jidhkani u helo wax loo yaqaano (Ph balance) , waan ogahay ma heli karaan hablaha ka faaiidaysta maqaaladyda ee ku nool wadankii, se waxaad isku daydaan qofkii dareema inuu gadhkiisu finan iyo saliid leeyahay wa inuu isticmaalo Liindhanaan iyo Biyo diiran oo markasta lagu xoqo gadhka iyo fooda, muhiimada laga leeyahay baa ah in la dhaqaajiyo saliida si anay dhib kale ugu keenin wajiga jidhkiisu noocan yahay.

Jidhkan ayaa ah mid ay isku kereemis dhawyihiin jidhka saliid leh oo loo wada isticmaali karo, iyo waxa loo yaqaano (which hazel tonner) oo labadaba loogu talo galay jidh saliid leh, markaa jidhkan maanta aynu ka hadlayno ee ah (combination skin) ayaa ah mid gadhka iyo foodu saliid badan fadhiisto, sababtaas awgeedna way isku dhawyihiin jidhka saliida leh.

Hadaba, maanta waxaa intaa ku eeg noocyada jidhka caadiga ah ee ay leeyihiin habluhu ama dumarku intay yar yihiin, jidhadh kale oo badan baa jira oo ah marka xaaladaha dumarku is badalaan ay yeeshaan sida, jidhka cimiri deg degu  ku dhaco , markay gaboobaan,markay xanuustaan, iyo markay cadceedu jidhka disho ee aan la daryeelin. Jidhadhkan oo iyaguna magacyo kale leh runtiina si gaara loola dhaqmo waxaa ka mida:

1. Mature skin —jidhka cimri degdegu ku dhaca

2. Dehydrated skin — jidhka xooga u qalalay ama haraadan ooman

3. Ageing skin— jidhka marka la gaboobo

4. Congested skin—jidh xumaday oo daldalooladiisuna xidhmeen, finana kudhageen gadhka, ama ahaan jiray markiisii hore (oily skin)

Hadaba, waxaan hore idiinku soo qoray jidhka saliid leh waxyaabaha la marsan karo cunto ahaan, ee ay ka midka ahaayeen boorajka, malabka, iyo liindhananta. Jidhkana waa  loo isticmaali kara waxay isku mid yihiin jidhkaa  saliid leh, markaa waxan idiin sheegayaa inaad u isticmaashaan jidhkan qofkii lahoow, waxyaabihii aan hore  idiinku  soo qoray jidhka saliida leh (home remedies). Idinkoo marasan kara uun (Facial mask) kan  laga samaynayo cuntada wiigii mar kaliya IA, waayo cuntooyinka qaar ayaa jidhka si fiican oga saara jeermiska ama (dead skin ) wax loo yaqaan, iyagoo ka dhiga waji  jiliic ama dhalaala, hadaba sidaa darted wa in wiigii mar uun la marsado, qofkoo ku daynaya ilaa nusasaac qudha!! Sida caadada inoo ah somaali ahaan la iskuma dayn karo ama laguma seexan karo waxyaabahan!???

Fiiro gaar ah: Walaalo waxaan idinla socodsiinayaa inaan maqaaladayda aan kaga hadlayo quruxda dabiiciga iyo dhibatooyinka ku dhaca wajiga aan ka dhigi doono IA, bishii laba jeer oo qudha inaan soo qoro IA. Waxayna noqon doontaa bisha badhtankeeda iyo dhamaadkeeda, markaa taasna waydun la socondoontaan.

 Amina Abdillahi Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

tipstechniquesskin@hotmail.com

Fan page: Free skin care advice, beauty tips & Discussion

COMMENTS