BALIGUBADLE MEDIA
Haweeen baan ka dhaartay!!! sheeko xiiso badan by Abdi karim
March 16, 2013 - Written by editor

Waan ka dhaartay Haween!

 Sheekadani inkasta oo ay mala awaal tahay hadana waa sheeko xiisa badan oo aad la yaabi doontid marka aad akhrido waxaa qoray C/kariim Bocood Ibraahin. sheeko

 Guuleed wuxuu ahaa askari muddo badana askarinimada ku soo shaqaynaaayay, guuleed reerkooda asagoo yar oo kuray ah ayuu ka baxsaday oo uu magaalada galay, halkaas oo muddo ku barbaaray ka dib markii uu doob noqdayna waxaa la qoray askari oo u mudo dheer ahaa, waayo waayo wuxuu sidaas ahaadaba, oo uu qorigiisa is ka sitaba, amin dabadeed wuxuu aaday dhinacaas iyo reerkooda oo mudo dheeri isugu danbaysay, guuleed waxa ay walaalo ahayeen laba wiil iyo saddex gabdhood dhamaantoodna way ka yaryaraayeen, waxa uu ahaa curadkii hooyadii iyo aabihii, markii uu reerkooda ku soo noqday aabihii Bacaluul waxa uu kula taliyay inuu iska joojiyo shaqada askarinimada oo uu fasax ka soo qaatay, inkasta oo uu reerkoodu guuleed maal qabeen ahaa oo uu ilaahay geel, lo’ iyo riyaba ku mannaysatay oo duunyo waxa la dhaqdo dameeruhu uun aanay jabadkooda ka foofi jirin.Waxa ay ahayd goor caways ah oo nabad iyo caano lagu soo hoyday, cutiya oo inan gashaantiya ahayd oo ay walaalo ahaayeen guuleed waxa ay naylaha u dhigaysay idaha oo iyadu  xerada adhiga ayay ku jirtay oo waxa ay lisaysay caanihii caawa inta la dhiteeyo beritoole la lulilahaa. Walaasheeda ka yar cutiya iyaduna waxa ay diyaarinaysay gasiinkii la quudan lahaa, halka ay hooyadiis barnina xaabo wax lagu kariyo ay ugu maqnayd sabo aan sidaa uga fogayn qormada ay yaalaan.

“Guuleedow waxa aad tahay curadkii reerka maantana waxa aad gaadhay gedihii aad reerka garab degi lahayd waxaa kugu maqaalaa inaad garato gayaankaa inaad doonataa wax-tarnimada ay leedahay…” bacaluul oo kaftan iyo dhoolo cadayn isku daraaya ayaa kelmadahaas afka ku kala qaaday oo wiilkiisii guuleed ugu duur xulay. Guuleed oo lagu yaqaanay fahanka duur-xulka isla markaana ahaa nin dhalinyar ah oo intiisa waayo arag ku ah ayaa aabihiis bacaluul ugu jawaab celiyay “Aabe gugaygu waa joogaa gedihii gabangaabsiga oo waayadanba timaha ayaan u fidhanaayay gaban aan calmaday” intaas Bacaluul iyo wiilkiisa hadii ay is waydaarsadeen, Barni waxa ay soo dhigtay xagal xaaba ah qolqolka guriga oo goorahaaba ay ku maqnayd, Waxaanay u weecatay ardaagii ay Bacaluul iy Guuleed fadhiyeen ee ay darmadu u tiilay, hadii sheekadii sii socatay, Barni oo waayo arag sahanka haweenka ku ahayd ayaa soo jeedisay in uu bacaluul u doono inanka inan ay isku deegaan ahaayeen oo la odhan jiray Qamar Sakaarayste.

Guuleed oo hooyadii sahankeeda la yaabay ayaa ku tiraabay: “Alla hooyo garasha dheeridaa waa gabadha aan waayadanba ku gaaf wareegaayay sidii aan u hanan lahaa!” inkastoo ay Qamar Sakaarayste ahayd gashaanti tima tidcan oo hooyadeed Ceebla Caynte oo islaan waayeela ahi keligeed dihatay waxa intaas u dheera aabaheed Sakaarayste ayaa iyadoo laba sana jir ah waxaa uu u  hoyday iilka oo waxa ay hooyadeed ku soo korisay agoonimo, Qamar oo qoyskoodu ka koobnaa hooyadeed iyo iyada waxa ay lahaayeen adhi badan walaw riyuhu haku yaraadaane. Waxay Bacaluul, Guuleed iyo hooyadii barni ay habeenkii oo dhan ay arinta rogrogaan, qaadaa dhigaan oo ay dhinac walba ka eegaanba, kolkii waagii qac yidhi oo libdhadu falaadhaheedii dhulka iyo wixii guud joogaba bidhaamisay, Guuleed iyo aabihiis waxa ay u kicitimeen xagaas iyo qoyskii ay inanta ka calmadeen.goortu waa waa barqo laydh yar oo qabaw oo caleemaha dhirta ciyaarsiinaysaana waxa ay ka soo dhacaysaa dhinaca bari, dhanka kalena roob mayaya oo saxansaxadiisa laydhu soo tuuraysaana waxa uu ka soo muuqdaa dhinaca waqooyiga. dhulku waa barwaaqo oo waa Barqo dhereg xooluhu, faalaadhaha cadceeda iyo mayayga oo isa salaamayaana waxa ay hadhinayaan dooga, dareemada iyo dhirta cagaaran ee noocba noocaa ee is haysta, dhanka kale ubaxyada guduudka huruuda xabxabiga kala duduwan ayaa waxa ay dhulka huwiyeen bilic il qabatin leh. Guuleed iyo aabihiis waxa ay sii xusul-duubaanba waxa ay gaadheen qormadii qoyskii reer sakaarayste. Ma barideen? Waxaa su’aashaas la soo booday Bacaluul oo ku salaamay qamar iyo qoyskoodii, Barinaye, idink se? Ceebla oo ka jawaabaysa odhaahdaa isugu jirta salaanta iyo su’aasha ayaa ku dhawaaqday odhaahdaa isla markaana su’aal war-doon ah waydiisay guuleed iyo aabihiis. “Barinaye” waxaa mar labaad ku jawaabay Bacaluul. Hadii intaas lays waydaarsaday kaftan googoosina sii socday oo dhex marayay qamar hooyadeed iyo bacaluul nin walba halkii bugtaa iyadaa balbashee biyona meel godan ayuun bay isugu ururaane waxaa loo daaadegay arintii ay u socdeen guuleed iyo aabihiis Bacaluul  waxaanay ceebla ku war geliyeen in ay inanta uga marti yihiin. ceebla oo reer bacaluul si fiican u taqaanay oo ay isku deegaan ahaayeen ayaa ayaduna la qaadatay in Guuleed inanta say u noqdo, balan ka dib waxaa isa soo hor fadhiistay qamar adeeradeed iyo iyo Guuleed aabihii iyo adeeratii halkaas ayaana ay ku xidideen labadii dhinac, maalmo ka dib waxaa loo gangaamay aqal wayn oo laba daryaalaa, hase yeeshee Ceebla Caynte oo inanta keligeed lahayd waxaa la soo dersay wehel la’aan cidlo iyo walbahaar, waxa ay maankeeda kaashataba oo ay isla shawrtaba waxa ay haleeshay in Guuleed oo ay soddoh u tahay ku qanciso in uu la dego oo ay isku jabad noqdaan, Guuleed isna kumuu diidin ee wuxuu noqday inan-la-yaal,

Hadii mudo dheer la wada noolaa Barni Guuleed waxa ay u dihatay shan caruura laba wiil iyo saddex gabdhood, adduunku waa hadhkaa labadiisa geline waxaa dhacay diraac aad xun oo lamagac baxday Haariya beeshii ay Guuleed isla deganaayeen deegaano fog fog ayay u hayaameen si ay Geedo ula raadiyaan Soofkooda, Guuleed oo maqnaa aawadii reerkiisu ma uusan hayaamin oo waxaa uu sii deganaa qormadii uu kaga safray.

Goortu waxa ay ahayd caways Qodxaanta Galoolkuna waa ay fooryayeen qabawga jiilaalkuna waxa uu ka soo dhacaayay dhinaca waqooyiga, Guuleed oo muddo safar ku maqnaa waxa uu soo kadaloobsaday ardaagii guriga isagoo ka walaacsan abaarta biyo la’aanta iyo baad la’aanta soo food saartay, qodhya xadha’e Ceebla Caynte oo biyo yar ay wax ku karsadaan u doontay qoys aan sidaas uga fogayn oo aan ayaku wali guurin kolkii ay soo gaadhay qolqolkii guriga “I deda I deda I deda…” ayaa laga dhawaajay. Hooyo maxaa ku helay? Maxaa kugu dhacay? Waxaa ku celceliyay Guuleed oo naxsan iyo haweenaydiisa Qamar Sakaarayste, Ceebla Caynte wax la dedaba dab loo shidaba ilayn naf baxaysa lama baajo’e waxa ay u rakaaday hoykii dhabta ahaa!

Guuleed iyo haweenaydiisii oo yaabanaa amakaagsanaa anfariirsanaa oo jeedaalinaayay waxaa islaanta ku dhacay ayaa waxa markeliya Af kala-qaad ku noqotay geerida degdegaa ee mawtal qaflahaa! Oohinta baroorta aan kala go’a lahayn waxaa isku daray Qamar iyo caruurteedii!

Calool-adayg waa nin wehelkiiye Guuleed oo lagu yaqaanay calool-adayg ayaa socdaal u galay qoys aan sidaas uga fogayn si uu ugu soo war geliyo waxa dhacay, hase ahaatee wax nin sheegtaabaa reerka may joogin oo ay sahan tageen si ay uga guuraan abaarahan deriska la noqday, Guuleed waxaa la hoboonaatay markii uu rag ka waayay qooysaskii aagiisa  deganaa inuu islaanta u qaado tuulo laba geel daaq u jirtay meesha ay deganaayeen, Guuleed oo walaacsan ayaa ku soo noqday gabadhiisii waxaanuu uga waramay wixii uu lasoo kulmay iyo go’aankii uu gaadhay, Qamarna kuma aysan diidin ee waa ay ka aqbashay, Guuleed gaadiid noocnaba waxa jabadkiisa ka foofi jiray dameer kaliyaata, si kastaba ha ahaatee danbaa reer guuraaye waxa ay maydkii islaanta saareen dameertii oo ay kabaaladeedii iyo kooraheedii ku heeryeeyeen.

“Walaalo aan islaanta tuulada cid ila aasta aan la qabto adiguna xoolaha iyo caruurta inoo sii hay saa danbena aan alla barigii dhigno oo aan islaanta u ducayno ilaahay inuu naxariistii jano ka waraabiyo” Guuleed oo lasii dardaarmaya marwadiisa Qamar ayaa erayadaas ku tiraabay. Qamar oo maqal iyo adeecid wanaagsan lagu yaqaanay ayaa ku jawaabtay: “waayahay walaal”. Isla cagidiiba Guuleed wuxuu cagta ka dhaqaajay dameertii isagoo kula aadan dhankii tuulada, waxay orodka hoosta ka guraanba kolkii  rabac ay socdeen waxa ay ku soo baxeen daris in yar oo geeda ah leh dameertii oo malaha gaajo hay sayna waa ay ku dhegtay oo afka qaadi wayday, Guuleed waxa uu dameertii dhenged la dhacaba waa uu u taagi waayay  inuu daristii ka dhaqaajiyo, dhaxan darani waa ay dhacaysaa, Guuleed waxa uu ku duuduubanyahay go’ uu dhaxanta ka kaashanaayo, Guuleed oo dameerti u dhaqaaqi wayday oo yaabani waxa uu yara fadhiistay dugsi yar oo derista ku dhex yaalay, “Xeradeed ba’day wataa dhaqaaqi waydaye bal inyar ha yara daaqdee iska daa oo dugsigan u fadhiiso” Guuleed oo maankiisa la shawraaya ayaa isku qanciyay erayadaas. Hadii uu inyar fadhiyay Guuleed oo muddo safarkii uu kumaqnaa hurdo aanay is-aragi waa uu gamay oo uu khuuriyay, dameertiina ma ba ay sii daaqin daristiiye waxa ay cabtay wadada, Guuleed waxa uu dhagida ku sii qasaba waxa  uu hanbabaray goor ay xeedhiyo fandhaal kala dhaceen. “Qodhya xadha’e goortu waa barqo waana waaberi!!” Guuleed oo yaaban ayaa hareeraha eegay, mise dameertii aagaba ma joogto!

Guuleed oo naxsan oo canaananaaya naftiisa ayaa cagaha wax ka dayay si uu u raacdeeyo damiirtii oo xalay laydha cabtay. Guuleed waxa uu raad goobay dameertii, nasiib dara se waxa uu la galay raadkeedi buuro aan raadku ka muuqanaynin xaaladii waxa ay isu bedeshay mar keliyaata – goblan tala aduunyooy maxay galaba heer joogtay – maahmaah ayaa waxa ay ahayd: (dameer duda reer ka eeg). Guuleed waxa uu maalintii oo dhan baadi doonkii dameerta ku jiro oo kolba duda reer kasoo eegaba raq iyo ruux waa uu ka quustay, Guuleed waxa uu u weecday dhinicii guriga si uu uga il baadiyo bal in ay guriga iyo meelahaa ku dhawdhaw u soo daaq tagtay, waxaana uu nafla-caaridkii galay geed isku-dhoon ahaa oo guriga aan sidaas uga fogayn.

Waxa uu Guuleed geedkii ku dhuuntaba oo uu jeedaaliyaba dameertii iyo islaanta maydkeedii goor fiid-caarihii ahayd ayuu kasoo baxay oo u soo hindiwaasay isagoo madluun ah dhinicii gurigu ka xigay, xaaskiisii Qamar iyo caruurtii ayaa kasoo hor yaacay iyagoo ka war-doonaya sida loo aasay islaantii iyo halka ay ku danbaysay. “Ka waran hooyo sidee loo duugay?” waxaa su’aashaas waydiisay haweenaydiisii. “Allaah ehlul jannah ayay ahayd waxaa baad moodaysay in xabaasheeda loo sii diyaariyay” waxaa ku jawaabay Guuleed oo hoosta ka leh “Allaa xaal og” “Allaah muuminad bay ahayd oo cidna maysan dhibi jirine!! Waar bal dermadan iskaga yara fadhiiso oo iska naso gidiga maantoo dhan ayaad hawlaysnayde” waxa erayadaas yidhi Qamar oo saygeeda la hadlaysa.

“Allahayaw tanina ma ii danbaysay” Guuleed oo ku calaacalaya odhaahdaas oo uu niyada ka leeyahay ayaa u sheegay sidan haweenaydiisii “Xeradeed ba’day tii dameer ahayd ayaan waayay oo heeryadiina saarantahay oo degdegii iyo wixii i hoos martay oo manaan dabrin” “Waar iyadaa iska imanaysee ama waa layska heli iyadee waxba haka werwerin” waxaa sidaas ugu jawaabtay haweenaydiisii Qamar. Guuleed halka gabalku ka dhacay isaga laba habeen ayaa u dumay saacadba saacada ka danbaysaa waa ay kaga darantahay tii hore – aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban – Guuleed waa uu baala daymoonayaa oo hareera eegayaa oo xaaladu ku cakirantahay, waxa uu si degdega ugu dhaqaaqay adhigii oo duleedka mayracanaaya oo uu xerada ku soo shubay, si ay goor hore gabadha iyo ciyaalku u seexdaan oo aanay u ogaanin waxa dhacaya.

Waxa uu Guuleed tagara-dhawdaba waxaa la gaadhay waqtigii la seexan lahaa, waxaana loo diyaar garoobay hurdadii, Alla magane qaddar yar uun ka dib hurdada waxaa dhegahooda soo gaadhay “qururuf qururuf …” cakuye waa dameerta codkeedii ayaad moodaa.

“Waatan dameerrtiye aan xidho oo aan heeryada ka rogo” qamar oo saygeeda inuu kaco u diidan ayaa erayaad ku tiraabtay, hase ahaatee Guuleed ayaa il bidhiqdeed intuu ku booday ku dhawaaqay: “Iska jiif anaa walaal heeryadana ka rogaaya xidhayanee”. Guuleed waxa uu si dega dega uga soo baxay albaabkii aqalka kadib waxa uu indhaha ku qac siiyay dameertii oo islaanti ka laalaado oo ay daba lul manayso oo ay kurtiina maqantahay malaha dameero dameerta eryaday iyo danbaabidhadeedii ayaaba qoorta ka gooyay! Guuleed waxaa u dhamaaday argagax naxdin iyo jidhidhico! Nin qoyani biyo iskama dhawro’e war la qabaana xiiso ma lehe, Guuleed intuu ablaydii uu siday xadhkii kaga jarjaray ayuu la cararay islaantii oo uu geed iskudhoon ahaa oo cuf ah oo guriga u dhawaa candhuuqada u dhigay oo uu dameertiina heeryada ka rogay oo xidhay dabeetana mid seexanaya iska dhigay! Oo gogoshii isa soo tuuray. Guuleed walbahaarka haysta Nin gamaaya maaha ee qadar yar markii uu is nabay waa uu kacay oo saabaanka qaatay, hasa ahaatee waqtigaa uu joogo ma awoodaynin inuu xabaal ka gaadhsiyo si degdega oo talo waa ay ku cadaatay! Rabac hadii uu hareeraha eeg eegay oo fakaray waxa uu arkay digo tuulan oo reerku kasoo gurtay kadib markii ay dhawr jiilaal yaaleen, Guuleed waxa uu ku fikiray inuu digadaas islaanta ku aaso, inta uu digadii kala faadhay ayaabuu islaantii candhada u dhigay dabeedna iska seexday. Caskii waaga markii ay ahayd ayay soo toos tooseen iyaga oo ka tashanaaya qabanqaabada Alla-barigii islaanta loogu ducayn lahaa. Guuleed ayaa isugu si degdega talo u soo jeediyay kuna wargiliyay xaaskiisii Qamar inay adhiga sii gawrgawracdo oo ay cuntada sii kariso isuguna uu doono wadaadkii ducada akhriyi lahaa, hadii uu doonay Guuleed wadaadkii Qamar iyo haween kale oo u yimi waxa ay sii karinayeen soortii Alla-bariga loogu talo galay, Guuleed ayaa isuguna waxa uu doonay wadaad deegaanka aad caan uga ahaa oo la odhany jiray Aw-diiriye. Kolkii ay gaadhay hadhimadii oo uu wadaadkiina akhriyaayo mawliidkii geed wayn oo guriga agtiisa ah. Guuleed waxa uu u kacay dhinicii iyo digadii uu islaanta ku aasay isagoo sahaminaaya bal sida ay xaaladu ku danbaysay, Guuleed markii uu digadii u soo dhawaaday waxa uu indhaha qac ku siiyay islaantii oo intay digadii gacan kasoo mudh-kudisay aad moodayso inay wafti si heer sare ah u salaamayso! Guuleed oo yaaban haddana argagaxsani waxa uu u soo dhawaaday dhinicii digada isagoo niyada iska waydiinayaa “waar ma indhahaagaa wax kale kuu sawiraya mise waa gacantii islaanta!!” qodhya xadha’e  waaba gacantii islaanta oo salaamaysa Guuleed. Guuleed oo argagaxsani inta uu gacantii islaanta qabtay oo hareeraha iska eegay ayuu digadii dib ugu celiyay gacantii, dabeedna geedkii dib ugu soo yara noqday isagoo yaaban oo isla sheekaysanaaya “Waar tolow ma xoor baa qoday digada mise waa wax isku tus waa yaab!!” Inkastoo ay Guuleed la soo deristay xaalad anfariir lehi waa uu Dhaka faarsanyahay, inyar kolkii uu wadaadkii soo dhegaystay ayuu hadana dib usoo yara noqday oo digadii is yidhi soo eeg – cimrigaagoo raagaa geel dhalayana waa ku tusaaye – waxa uu hadana indhaha ku milicsaday gacantii islaanta oo aad moodayso inay wafti heer madax wayne ah salaan sharaf siinayso!!.

Guleed markii uu la kulmay marlabaad mucjisadaas la yaabka leh inta uu qaylo ku dhiftay oo uu xagii guriga u cararay oo intuu buulkiisii galay kala soo baxay booshkiisii iyo qorigiisii uu askarinimada kala soo baxsaday dabadeedna cagaha wax ka dayay, Guuleed xaaskiisii qamar oo yaabtay waxa ku dhacay Guuleed waxa ay waydiinaysay “maxaa kugu dhacay” hase yeeshee umuusan jawaabine sidii wax waalan waakaas biidhka gaday!

Orodkii iyo xusul-duubkii Guuleed isaga oo aan xiiq tiran waxa uu galay deegaan fog oo beeralay ah halkaas oo uu mudo qariib ku noqday maadaama uu kasoo diga rogtay deegaankiisa uu ku soo caana maalay mudada dheer, hadii uu Guuleed mudo halkii joogay oo uu la qabsaday qodhya xadha’e waxa ay halkii isku barteen gabadh beeraha deegaanka ku yaala beer ka mida lahayd. Gabadhaas oo magaceeda la odhan jiray Jinaw waxa ay Guuleed ka dalbadatay in uu beerta uga shaqeeyo, Guuleed Jinaw waxa uu ka aqbalay inuu u shaqeeyo oo uu beerta u qodo midhahana u beero. Guuleed waxa uu aad u yaqaanay sida loo beero muuska cambaha iyo saytuunka, Guuleed wali waxa xusuustiisa ku sii jirta gabadhiisii aadka u quruxda badnayd ee Qamar jacaylkeedii oo marka uu soo xusuustaba mashquul iyo walbahaar gelisa hadana waxaa dhanka kale hor yimaada mucjisadii kala kaxaysay isaga iyo xaaskiisa qamar ee iyaduna aadka u jeclayd. Guuleed hadii uu mudo halkii ka shaqaynayay waxaaba jeclaatay gabadhii uu shaqaalaha u ahaa! Waxaanuu taas ka  dareemay duur xulkeedii inta badan ay carab-jalaqda ka dhigan jirtay, ilayn qufaciyo jacaylkaba lama qarin karaayoo waa qoomamiyo ciile, inkastoo ay ahayd gabadh aad u qurux badan hadana Guuleed dhaqan ahaan waxa uu aaminsanaa inaan dumarka hantida haysta la guursanin, taasina waxa ay noqotay caqabad hor istaagtay in uu Guuleed jeclaado Jinaw oo Guuleed jeclaatay iyadu. Wakhtigu waa uu is gurayaa maalmaha iyo waagii Alla soo goodabana waxa ay xambaarsanyihiin wacdaro iyo waayo waayo wax ku xiisa geliya kaa farxiya ama kugu abuura walbahaar. Waxa ay ahayd galab neecaw macaani ay ka soo dhacaysay hoohad roobaysan oo ka hilaacaayay dhinaca waqooyi ee beerta, halkaas oo Guuleed iyo Jinaw dhex laafyoonaayeen dooga, dareemada, darista, geed-xamarka, cambaha iyo muuska isku baxay inkastoo cadceedu liiqa sii dhigaysay haddana waxa aan meesha ka maqnayn falaadhaha caynba caynkaa ee sii sagootiyaaya arlada iyo wixii guud joogay taas oo keentay qurux la yaab leh oo indhuhu ku raaxaysanayaan, marka aad isu cabbirto jawiga iyo muuqaalka dabeecada waxaa xusuustaada ku soo burqanaayay heesaha jacaylka ee dareenka kicinaya sida “… caad lagu lingaxay iyo, cirku liidad leeyahay, sidii laba is jecel oo, lalydhsanaaya fiidkii…” Jinaw oo maalmahaasba duur-xulkeedu waramo kaga darnaa Guuleed ayay Jinaw markeliya afka ku kala qaaday “Guuleed ka waran hadii aynu is guursano oo aad adna saygaygii noqoto?!!” Guuleed hadii uu aaminsanaa inaan dumarka hantida haysta la guursan saw kan markeliyaata la soo booday “yaa axlaa waad u qalantaa qof nolol lala wadaago!” malaha waa yaabe Guuleed waxa bedalay wakhtiga iyo xaaladan uu taaganyahay, saw kan dad aan aagaba joogin talo waydiistay! sawkan ka sheekeeyay saacadii ay ugu darnayd isagoo aan is ogayn hadana ku heesaaya “… waxa ay  ugu darrayd, markii aan dul imi, taan dunida rabay, iyadoo doog dhex jiiftoo, daawanaysa ubaxoo, saw raaxo damacdayoo, durba garayski furatayoo, aan is idhi ma daysaa, mise waad dug siisaa, debnaha maysa saartaan, dadaaw dadaaw, dadaaw maxaad ku talin lahayd?”. Guuleed hadii uu aqbalay inuu guursado Jinaw waxaa la sugaaba waa arooskii iyo aqal-galkoodiiye, muddo yar ka dib waxaa loo gangaamay aqalkii ay noloshooda ku wada qaadan lahaayeen. Guuleed wuxuu guursaday Jinaw, hadii ay muddo dheer xaaskiisii ahayd, waxa ay beerteen sannadka xagaagiisii, cambe iyo muus aad fura badan walaw aanu saytuunka iyo liin banbeenada laftoodu aanay yarayn. Subax subaxyada ka mid ahayd Guuleed iyo xaaskiisii jinaw siday caadadu ahayd waxa ay ku jarmaadeen dhinicii beertooda iyagoo aad ugu faraxsan qudrada sida fiican ugu baxday, Guuleed iyo Jinaw waxa ay soo laafyoodaanba waxa ay soo gaadheen afaafkii hore ee beerta iyagoo rayn rayn ku soo waa bariistay, hadii ay beertii irridii ka rogeen waxa ay markeliyaata indhaha qac ku siiyeen beertii oo aanay xabad iniini ku oolin! Hayaay hayaay oo waar beerteenii miyaanay ahayn?! Waxaa su’aashaas lasoo booday Jinaw iyadoo yaaban haddana waxa ay ku celisay iyadoo amakaagsan waar Guuleed malaha waynu soo qaldanee beerteenii tani maahee innaga Mari! Guuleed oo yaaban ayaa ku tiraabay bal ina mari walaal aynu hore ugu soconee.  Qodhya xadha’e hadii ay inyar socdeen saa dhamaan waa midhihii beerta oo la tuulay oo aad moodayso buurihii ahraamta, waa yaabe malaha waxaaba loo diyaariayay in la raro oo dabeetana la iib-geeyo, Jinaw oo argagaxsan ayaa u carartay dhinicii midhahu ku tuulnaayeen waxaanay dusha iskaga tuurtay midhihii iyada oo ku qaylinaysaa alla hoogay alla hooogay… sawtan midhihii halkan lagu tuulaw!  Saw beertaba waxaa u soo dhacay bahalo waawayn oo maroodi yaala oo intay midhihii beerta gabigoodiiba caloosha ku xareeyeen dabeetana dabada kala qabday. Waxay Jinaw midhihii soo kala daadisoba markeliya ayuunbuu maroodigii kacay oo dabada isku qabtay Jinawna caloosha ku xareeyay! Guuleed oo yaabana oo dhabanada haystay isla markana ka fakaraayay waxa beertii sidan argagaxa leh u xaalufiyay ayaa waxa u xigay buurtaa lugaha yeelatay ee marka keliya hinqatay, Guuleed oo argagaxsani hadii uu jaleecada ku hubsaday saa waa ba maroodi, Guuleed oo isha ku hayay halkii ay gashay xaaskiisii Jinaw waxa ay naftu ku aamintay orod! Guuleed ayaa had jeer waxa uu yidhaahdaa haweenbaan ka dhaartay! Su’aasha la waydiinaayo ayaa waxa ay noqonaysaa maxaa kaa soo maray? Guuleed su’aashaas jawaabteeda waxa uu ka sheekeeya wacdarahaa lama ilaawaankaa ee ka soo maray waayihii noloshiisa.

    <c.bocood-55@hotmail.com

COMMENTS