BALIGUBADLE MEDIA
Daawo Video/Sawirada: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefdigii La Socday Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga Iyo Wasiiradda Arrimaha Dibadda Iyo Tamarta Ee Dalka Turkiga Oo Madaarka Kaga Hor Tagay
March 10, 2013 - Written by ahmed

wefdiga3

wefdiga3

wefdiga5

wefdiga2wefdiga1Istanbul (BLM)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdigii uu hogaaminaayey ee ka koobna golahiisa wasiiradda, iyo hawl wadeenadiisa gaarka ah ayaa maanta goor hore ka degay madaarka caalamiga ah ee Ataturk International Airport ee magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiga

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa waxaa madaarka kaga hor yimid wasiiradda arrimaha dibadda dalka Turkiga Professor Ahmet Davuto?lu, wasiirka tamarta dalka turkiga Taner Y?ld?z iyo xubno ka socday xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa loo soo gelbiyey xarunta martida qarranka ee magaalada Istanbul oo la dejiyey iyadoo madaarka lagaga qaaday gawaadhida madaxda lagu soo dhaweeyo, waxaana markii madaxweynahu gallay xarunta martida ee magaalada Istanbul loogu soo dhaweeyey si heer sare ah isla markaana dhulka loo dhigay roog cas.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalinta berri ah waxaa uga bilaabmaya dalka Turkiga booqasho rasmi ah isagoo la kulmi doona madax ay ka mid yahiin madaxweynaha Abdullah Gull iyo ra’isal wasaaraha dalka Turkiga Erdokan, madaxweynahu wuxuu sidoo kale la kulmi doona madaxda shariikadaha shiidaalka dalka Turkiga

Warkani iyo sawirada waxaa qaaday weriyaha madaxweynaha u gaarka ah oo la socday wefdiga madaxweynaha

Baligubadlemedia.com

Hargeysa Somaliland

COMMENTS